Hargeysa (ANN) Ururka ay ku bahoobeen Basaslayaasha Caasimadda Hargeysa ee loo yaqaano City Bus, ayaa muddo laba sanno ah xilka u kordhiyey Hoggaanka sare ee ururkooda, kadib markii mudadii rasmiga ahayd ee la doortay dhammaatay, iyaga oo basaslayaashuna cambaareeyey

 maamulka Gobolka Maroodi-jeex oo ay ugu baaqeen inuu faragelinta ka daayo.
Shir ay maalintii shalay hudheelka Shiraaqle ku yeesheen guurtida guddida basaslayaasha, guddida sideed istaan basaseed oo ku yaal magaaladda Hargeysa, maamulka sare ee ururka basaslayaasha iyo martisharaf kale oo lagu casuumay, ayaa lagu go’aamiyey xubnaha maamulka ururka City Bus oo ka kooban Guddoomiyaha, Guddoomiye-ku-xigeenka, xoghayaha fulinta iyo afar xubnood oo kale loo kordhiyo muddo laba sanno ah oo ka bilaabmaysa Khamiistii shalay ee taariikhdu ahayd 25 November 2010, kuna eeg isla 25 November 2012.
Shirka mudada loogu kordhiyey oo uu shirguddoominayey guddoomiyaha guurtida ururka basaslayaasha oo ka kooban 24 xubnood Sheekh Xasan Habane, waxa uu ahaa mid si qurux badan loo soo agaasimay, iyada oo masuuliyiinta iyo xubnaha ururka basaslayaasha ee shirkaa ka hadlay caddeeyeen in sababta mudada loogu kordhiyey hoggaanka sare ee ururkooda maamula ay la xidhiidho wax bad iyo horumar muuqda oo uu basaslayaasha gaadhsiiyey mudadii ay xilka hayeen, iyaga oo xusay in mudadaasi ururkoodu yeeshay nidaam iyo kala dambayn si fiican u shaqeeya yeeshay, wax badanan dawladda hoose ee Hargeysa kala shaqeeyeen dayactirka iyo samaynta waddooyinka caasimadda Hargeysa.
Guddoomiyaha guurtida ururka ay ku bahoobeen basaslayaasha oo shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ururka basaslayaashu yahay ururka qudha ee ay ku wada jiraan dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland ka kooban tahay, hadday tahay saddexda xisbi qaran ee dalka, qabiilooyinka kala duwan, gargaarka bulshadda, masaakiinta, dadka lacagta haysta, agoomaha iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka, isaga oo xusay in xilka ururka basaslayaasha saaran ballaadhan yahay, haday tahay masuuliyiinta ururka, mulkiilayaasha basaska, darawaliinta iyo shaqaalaha kale ee basaska ka shaqeeyaba. Waxaannu ku booriyey inay iska warhayaan oo bulshadooda wax u qabtaan.
Waxa Guddoomiyaha guurtida basaslayaashu inay ahady in dawladdu bilad sharaf siiyo ururka basaslayaasha, basle aanay qurux badnayn in la gujagujeeyo, “Marka la eego hawsha ballaadhan ee ururka basaslayaashu u hayaan bulshadda iyo isku xidhnaanta dhexdooda ka jirta, waxay ahayd oo qurux badnayn in bilad sharaf nala siiyo, gujagujaynta iyo faragelinta nagu timidina haddaanu nahay ururka basaslayaasha iyo dhammaanba reer basle anagaa iska raaligelinayna falka lanagula kacay, waxanay leeyahay Illaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo dhibka la inoo gaystay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha guurtida basaslayaashu.
Yuusuf Muxumed Ducaale oo ka mid ahaa guddiyada istaamada ururka basaslayaasha oo isna shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay in sababta mudada laba sanno loogu kordhiyey maamulka ururka basaslayaashu tahay hawsha fiican ee ay u qabteen mudada ay xilka hayeen, sidaa darteedna ay macaankooda dhadhamiyeen, isla markaana mutaysteen in mudada loo kordhiyo, isaga oo dhinaca kalena sheegay in faragelinta maamulka Gobolka Maroodi-jeex ku hayaan ururka basaslayaashu tahay khibrad la’aan dhinaca maamulka ah oo haysta, waxaanu sheegay in shaqada ugu saraysay ee Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) qabtay intii aan gobolka loo dhiibin ahayd joomitar dhulka calaamadiya.
“Horta qofka shaqadiisa ka soo baxa ayaa xilka loo kordhiyaa, qofkii kale waxa lagu yidhaahdaa iska tiri meesha cid kale ayaa loo dhiibayaaye, maamulka shaqo wanaagsan qabta mudada uu xilka hayo waa loo kordhiyaa oo wuu macaanaadaa, koobka shaaha ah ee macaan ayaaba la yidhaahdaa mar kale iigu soo celi, markaa sababta aanu maamulkayaga aanu xilka ugu kordhinay wuu noo macaanaaday, faragelinta Gobolka Hargeysa nagu hayana waa khibrad la’aan dhinaca maamulka ah oo haysata, dhammaantodan waa dhallinyaradu shaqada ku cusub oo waan wada garanayaa, Xamarjena shaqadii ugu horraysay ee uu qabtaa waxay ahayd joomitar, markaa waxaan leeyahay haddii maamulkii sare ee dalka aad ka mid noqotay oo xil culus laguu dhiibay khibrad ka korodhso,” ayuu yidhi Yuusuf Muxumed Ducaale.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka mid ah guddiyada sideeda istaanka ee caasimadda Hargeysa iyo guurtida ururka basaslayaasha oo kala ah, Cumar Haybe, Cabdi Qaradhab, Xasan Xuseen Muxumed, Nuur Xaashi, Cabdi Cadaani, Axmed Muxumed Xayd, Cali Axmed, Cabdillaahi Yuusuf Xasan, kuwaasi oo dhammaantood ka dhawaajiyey sida ay u taageersan yihiin muddo kordhinta loo sameeyey maamulka ururka ay ku bahoobeen basaslayaasha caasimadda Hargeysa, iyaga oo dhinaca kalena cambaareeyey faragelinta maamulka Gobolka Maroodi-jeex ku hayo ururkooda, waxayna ugu baaqeen madaxada Gobolka inay dib uga joogsadaan oo kadayaan faragelinta ay ku hayaan, iyaga oo xusay in basaslayaashu kaalin wax ku-ool ah kaga jiraan bulshadda iyo ilaalinta nabadgelyada, maadaama ay iyagu wataan baabuur quraarado ah oo haddii rabshado dhacaan aan u adkaysan Karin.
Guddoomiye-ku-xigeenka ururka basaslayaasha Mr. Khadar Xiis oo isna shirka mudada loogu kordhiyey maamulkooda ka hadlay, ayaa ka xogwaramay taariikhda ururkoodu soo maray, isaga oo xusay in ururka ay basaslayaashu ku bahoobeen soo maray marxalado kala duwan, isla markaana uu yahay ururka ugu taariikhda weyn Somaliland ee markasta xukuumadda jirta kala qaybqaata danta guud ee dalka. waxaanu sheegay inay qiimo raqiis ah dadweynaha ugu shaqeeyaan.
Guddoomiyaha ururka basaslayaasha Mr. Cabdiraxmaan Xaashi Cabdillaahi (Guray) oo isna goobtaa hadal ka jeediyey, ayaa ugu horayn u mahadnaqay guurtida iyo xubnaha kala duwan ee ururka basaslayaasha ee gartay inay mudada xilka u kordhiyaan muddo laba sanno ah, iyaga oo aan wax olole ah u gelin in mudada loo kordhiyo iyo markii hore ee xilka loo magaacaybayba.
Waxa Guddoomiyuhu sheegay inay isku arkaan inay yihiin maamulka ugu nasiibka badan  ee soo mara ururka basaslayaasha, isaga oo xusay in mudadii ay xilka hayeen ay si fiican ula shaqeeyeen dhammaanba qaybaha kala duwan ee ururka basaslayaasha, waxaannu sheegay in markii uu xilka la wareegay la dhagax dhigay wadada laamiga ah ee Jigjiga yar, wixii mudadaa ka dambeeyey ay dawladda hoose kala qaybqaateen samaynta iyo dayactirka waddooyin badan oo caasimadda Hargeysa ah, isla markaana ay dawladda hoose ku wareejiyeen daamur badan, waxaannu carrabka ku dhuftay in wadada ugu dheer maamulkoodu dawladda hoose kala qayb galay ay tahay jidka xaafadda Maxamuud Haybe oo uu sheegay inay basaslayaasha ka gashay lacag gaadhay ilaa $10 kun oo dollar.
Waxa kale oo Guddoomiyaha ururka basaslayaashu ballan qaaday in mudada labada sanno ah ee loo kordhay ay wax badan ka qaban doonaan hawlaha ururka, isla markaana ay ka shaqayn doonaan daryeelka iyo isku duubnida xubnaha ururka basaslayaasha. Waxaannu goobtaa ka caddeeyey in dawladda hoose ugu deeqday dhul ay laba geerash oo baabuurta lagu xareeyo ka siisay dhinaca bari ee caasimadda Hargeysa.
Ugu damabyntiina waxa gunaanadkii shirkaa lagu magacaabay guddi ka kooban toddoba xubnood oo soo diyaarin doona xeer-hoosaadka ururka basaslayaasha caasimadda Hargeysa. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *