London(ANN)Maamulaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa markii ugu horreysay sharraxaad ka bixiyey shir caalami ah oo uu ka qayb-galay, kaas oo lagu lafa gurayey sidii loo dardar-gelin lahaa lacagaha ay dadku isku xawilaan.Shirkan

 

 caalamiga ah oo todobaadkii aynu soo dhaafnay ku qabsoomay Magaalada London, waxa soo qaban-qaabiyey ururka caalamiga ah ee ay ku bahoobeen Xawaaladaha dunida IAMTN (International Association of Money Transfer Networks). Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Abdirashid Maxamed Siciid oo xalay u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, barnaamijkeeda Ganacsiga, ayaa waxa uu ka hadlay cidii shirka kala qeybgashay iyo u jeedada shirka,waxaanu yidhi “Shirka waxa ka soo qayb-galay Hay’addo badan oo caalamiya iyo Shirkado badan oo kuwa lacagaha xawilla ah, waxaa kale ka soo qayb-galay Haya’addaha Qaramada middoobay, waxaanna lagaga wada hadlaayey ama la iska waraysanaayey sidii loo dar-dargelin lahaa lacagaha ay Dadku isku xawilaan.”

S:>Adigu waxaad ka mid ahayd Dadkii shirka ka hadlay, markaa waa maxay faa’iidada ay Soomaaliya u leedahay Lacagaha dibada laga Xawilaa?.

J:>Runtii annagu waxaannu ahayn oo aan ka mid ahay Shirkadihii Africaan-ka ahaa Shirka kaga qayb-galay magaca Africa, isla markaanna waxaannu ahayn Shirkada kaliya ee hadal la siiyey haddii aannu nahay Dahab-shiil, run ahaantiinna kamaanaan hadlayn Soomaaliya oo qudha, laakiin waxaannu ka hadlay Africa oo dhan, sababtoo ah Wadamo badan ayaannu ka shaqaynaa haddii aannu nahay Dahab-shiil oo 144 Dal ah, wadamada aannu ka shaqayno ee Africa oo ay ugu weyn tahay Dalkeenii iyo Uganda, Rwanda, Sudan, Ethiopia iyo meelo kale.
Runtii waxaa weeyaan Dhul aannu u adeegno Dadka shacabka ah ee jooga iyo Dadka ehelkooda ah ee dibadaha ku maqan, guud ahaanna Lacagta loo dirro Africa waa laga hadlaayey muhiimada ay leedahay sida ay saboolnimada ula dagaalanto, markaa anagu mar walba muhiimada waxaannu saaraynay in aannu Dadka Africa jooga ee Dadkooda qurbaha joogaa caawinayaan gaadhsiino waxa ay u dirayaan.

S:>Mala odhan karaa muhiimada aad u leedihiin Dadka Africa jooga ee Lacagaha loo dirayaa waxaad uga jabban tihiin Baananka, taasaanna keentay inaad macmiil badan ku yeelataan?.

J:>Haa, sidaa aad u sheegtay weeyaan oo Baananka waannu uga jabbanahay ta kale Haya’addaha caalamiga ahi waxay xiiso u qabbaan Shirkadaha madaxa banaan ee Lagacaha xawila oo ka dhakhso badan Baananka, mararka qaarkood ay ka aaminaad wanaagsan yihiin, gaar ahaanna haddii aannu anagu nahay Dahab-shiil waxaannu ka hadlay maadaama oo aannu Afartan sanadood in ka badan aannu khibrad u leenahay Xawilaada lagacaha in aannu sii balaadhino Shaqada haddii ay Yurub tahay, haddii ay Africa tahay iyo haddii ay Caalamka kale tahay. Sidaa ogtahay Yurub way fududeeyeen Sharciyada Shirkadaha oo tusaale ahaan hadaad Ingiriiska Xafiis ku leedahay way kuu fududahay sidii aad Dal kale oo Yurubanna ugu yeelato, markaa taa lafteeda waannu ka hadalnay waxaannu doonaynaa in Africanna sidaas oo kale samayso, maxaa yeelay Shirkadaha xawilaada Lacagaha ka shaqeeya ee Dahab-shiil ka midka yahay runtii arrimaha Samo falka ah qayb wayn ayay ka qaataan, waad la socotaa sida ay Shirkadaha Dahab-shiil uga qayb qaadato horumarka, markaa arrimahaa ayaa ka mid ahaa waxyaabihii Shirka lagu soo hadal qaaday.

S:>Sharciyada Yurub sidee loo fududeeyey, haddii aad doonaysid in aad laan ka furatid Faransiiska, ma adigoo Ingiriiska jooga ayaad ka furan kartaa?

j:>Runtii markii hore waxa jiray hadaad Faransiiska ka furatid wuu adkaa oo wuxuu Faransiisku lahaa Sharci u gaara oo ka duwan kan Ingiriiska oo kale, laakiin Wadamadan isku tagay ee Midowga Yurub waxay dhawaan sameeyeen Sharci kaa ka duwan oo ka fudud oo kuu sahlaya haddii aad Dal yurub ka mid ah Xafiis ku leedahay in aad is dhib yar Dalka kale oo Yurub ah uga furan karto, taasoo ah inaad marayso oo kaliya Nidaamkii London mid la mid ah, iyadoo aannu lagu waydiinayn wax ka duwan intii la London lagugu weydiiyey iyo iyadoo wakhtiga aad Sharciyada ku qaadanaysaa fudud yahay, iyadoo Shirkada Dahab-shiilna ay tahay Shirkadihii ugu horeeyey ee la siiyey Sharciyada Yurub oo Ruqsada ogolaanshaha ka qaadatay London, waanan ku faraxsanahay haddii aannu Dahab-shiil nahay, isla markaanna Dawlada Ingiriiskanna waannu ugu mahad-naqaynaa inay Ruqsada na siisay.

S:>Dunnida waxa ka jira tartan oo hadda waxa ku soo kordhay in Shirkadaha Telephon-nadu ay Lacagaha xawilaan, markaa kuwaa sidee ayaad ula tartamaysaan?.

J:>Horta mar walba tartan wuu jiray Dadkanna lagacaha qaadanayaanna si yaabbo kala duwan ayey u qaataan, marka ugu horaysa horta Kaashkan la qaadanayaa marka wuu jiraa oo qofku Kaashkiisa ayuu qaadanayaa, anagu hadii aannu Dahab-shiil nahay wadamo badan oo uu ka jiro siyaabo kala duwan ayaannu tartankaa uga qayb-qaadanaa oo qaar badan waannu kaga horaynaa tartankaa, sidaad la socotidba meelo badan Adduunka wuu ka jiraa, Dalal badanna waa laga joojiyey oo waa laga mamnuucay, meelaha qaarna digniintii ayaa socota, laakiin anagu haddii aannu Dahab-shiil nahay waxaannu ku dedaalnaa sidii aannu Macmiishayada ugu adeegi lahayd.

S:>Cabdirashiid waxaad dalka Jabuuti ka furteen Baan oo meelo kalena waad ku leedihiin, goormaad ku talo-jirtaan inaad Somaliland Baan ka furtaan?

J:>Horta, waanu ku faraxsanay Bangiga aanu jabuuti ka furnay, maxaayeelay waa dal caalami ah, oo horumar badan oo dhinaca dhaqaalaha ahna way gaadhay, markaa baanka waanu sii fidinayna oo dal walba waanu ka fureyna marka sharciyadiisa la ogolaado, waayo dal waliba sharci u gaara ayuu leeyahay, dalkastana marka uu ogolaanshiyaha na siiyo diyaar ayaanu u nahay inaan ka furno.
S:>Hawlo badan oo samo-fal ah ayaad dalka ka qabataan, markaa Maxaa ka mid ah waxyaabaha aad gacanta ka geysataan?

J:>Runtii sidaad u sheegtay Shirkada Dahabshiil waa Shirkada kaliya ee gaar loo leeyahay ee arrimaha Samo-falka ugu horeysa, runtiina iyada oon ciddi noo sheegin, ciddina naga codsan marka aanu aragno deegaamadana aanu ka shaqeynayo baahida ka jirta, gacan ayaanu ka geysana, waxyaabihii imika ugu danbeeyey waxa ka mid ah Wadada Boorame loo dhisayo inay Shirkada dahabshiil qeyb weyn ka qaadatay, waxa ka mid ah inaanu darbi jiifka Hargeysa qeyb weyn ka qaadanay xarunta loo dhisayo, Marka dhulalka aanu ka shaqeyno Cusbitaaladooda, Wadooyinkooda, iyo saldhigyadoodaba qeyb ayaanu ka qaadana, tusaale ahaan imika Cusbitaalka laascaanood loo dhisayo qeyb weyn ayaanu ka qaadanay, Cusbitaalada Garoowe qeyb ayaanu ka qaadanay, Muqdisho Cusbitaaladeeda, Shidaalka Mishiinada iyo dawooyinkaba qeyb weyn ayaanu ka qaadana. Markaa runtii haddii aanu nahay Shirkada Dahabshiil adeegyada arrimaha bulshada qeyb weyn ayaanu ka qaadana imika tusaale ahaan haddii la soo sheego meel ay abaaro ka jiraan ama biyo dhaamis, sida marar badan Gobolada ka dhacday, runtii Shirkada Dahabshiil waa ta ugu horeysa ee u gurmata, taasina waa mid ay ogyihiin dadka Soomaaliyeed, Shirkada Dahabshiil faa’iidada yare e dadka ka hesho ay dalka dib ugu soo celiso, taasina waa ta isku xidhay Dahabshiil iyo dadka Soomaaliyeed.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *