Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xidhay Gudoomiyihii  Wargeyska madaxa banaan ee WAAHEEN oo kasoo baxa Hargeysa, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ka dib markii Maxkamadda degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran maxkamadeed

oo lagu xidhayo suxufigaa.
Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen waxa sida la sheegay soo dacweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Korontada Somaliland oo ku eedaynaya in joornaalku wax ka qoray maalmihii lasoo dhaafay. Waxaana  Ciidanka Boolisku maanta horgeeyeen Maxkamadda Degmada, iyadoo garsoorihii la horgeeyay suxufigaa amar ku bixiyay inuu saacadaa laga bilaabo xidhanyahay, sidaana loogu kexeeyay xarunta CID.
Qaabka loo xidhay suxufigaa ayaa u muuqda mid aan waafaqasanayn Xeerka Anshaxa saxaafada ee tilmaamaya qaabka loo marayo xadhiga suxufiga iyo habka dacwad ka dhanka ah Suxufiga, ama  Ha’yadaha warbaahinta loo raacayo ee xeerku jideeyay, isla markaana Ha’yadaha garsoorka ayaa u shaqaynaya qaabkii Nidaamkii hore ee awood sheegashada sharciga iyo cabudhinta xoriyada saxaafada ee distoorku reebay, iydaoo Ha’yada baadhista denbiyada ee CID oo loosoo gaabiyo  (Criminal Investigation Department Police), aanay meela ka soo gelin qoraalada iyo wararka saxaafada. Laakiin  ay weli maray wadadii nidaamyadii foosha xumanaa ee laga dhaxalay talisyadii shuuciyada.
Dhinaca kale waxa dhawaan Ciidanka Bilaysku isku dayeen inay xidhaan. Kadib markii ay  hujuumeen Tafaftiraha Wargeyska YOOL Maxamed Cabdi Curad, kaas oo aan loo gudbin qoraal Maxkamadeed oo sheegaya in loo haysto dacwad.
Si kastaba ha haatee talaabooyinka iyo isku dayada noocan ah ayaa u muuqda kuwo aan ka turjumayn shuruucda iyo xeerarka dalka, isla markaana ka hor imanaya nidaamka Xeerka Anshaxa saxaafada.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *