Hargeysa(ANN) Urur-siyaasadeedka UDHIS, ayaa cayimay xiliiga ay qabanayaan shirweynohooda. Kadib markii ay dhamaatay maalmihii lasoo dhaafay  wejigii labaad ee shuruudaha Kunka  qof  ee lagu qiimaynayay qiyaasta Ili –qabatyda, taas oo  lagaga doonayay urur walba inuu tiro Kun Qof  oo

 

taageerayaal ah lixda Magaalo-madax  ee dalka ku yeesho .
Qoraal kasoo baxay xafiiska UDHIS ee Magaalada Hargeysa  caawa oo ku Taariikhaysan April 1 2012, ayaa lagu cayimay mudada  shirweynaha oo ka dhacaya Caasimada Hargeysa 10- 12 April 2012, balse qoraalka laguma sheegin goobta lagu qabanayo shirweynaha Ururka.
Qoraalkaa oo uu ku saxeexanyahay  Gudoomiyaha Ku- meelgaadha ah ee  Ururka UDHIS   Ibaraahin Xuseen C/llaahi, (Dhega weyne),  isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay shebekada Araweelonews , ayaa u qornaa sidan:-
“Ururka UDHIS oo maanta shirk u yeeshay xaruntiisa Hargeysa, wuxuu soo saaray Go’aamadan:-
1- wuxuu magcaabay gudi qaban-qaabo shirweynihii Ururka, kuwaas oo ka koban 17 Xubnood,
2- wuxuu cayimay mudada uu qabsoomi-doono shirweynuhu oo noqonaysa bilawga ,  April 10- 12, ee maalamaha Salaasada iyo Arbacada, isagoo shirweynuhu soconaya labadaa maalmood.
3-  Madasha shirweynhu  waxay noqon doontaa  Caasimada jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.
4- sidaa awgeed waxay gudida hagida Ururku oggaysiinaysaa  Ergooyinka, Marti-sharafeedka , gudida diiwaangelinta Ururada  iyo dhamaanba Hay’addaha ay khusayso inay ku talagalaan kuna soo diyaargaroobaan mudadaa la xusay ee shirweynaha Ururka.”
Ayaa lagu yidhi Qoraalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *