Hargeysa(ANN)Maareeyaha cusub ee madbacadda qaranka Cabdillaahi Maxamed Jaamac (InaCaray),  ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Maareeyihii hore Cali Siciid Raygal oo si ku meelgaadh ah usii hayay xilkaa. Kadib markii todbaadkii hore loomagcaabay  Wasiirka Wasaaradda

 

Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.
Xaflada xil wareejinta waxa kasoo qeyb galay Maareeyeyaasha Wakaaladdaha  Biyaha Hargeysa, Hay’adda wadooyinka, Xildhibaano, Agaasimaha guud ee Ciyaaraha iyo masuuliyiinta iyo shaqaallaha madbacadda qaranka.
Maareeyihii hore Madbacadda qaranka  Cali Siciid Raygal oo ka hadlay xafladaa ayaa tafaasiil ka bixiyay waxyaabihii u hirgalay iyo duruufihii uu kula wareegay, wuxuuna  isagoo guullo sheeganaya  oo  arrintaas ka hadlaya yidhi,  “Waxa maanta ii farxad ah inaan walaalkay Cabdilaahi Caray oo aan anigu ku aqaano nin aad iyo aad u karti badan, nin dabeecad wacan oo bulshadda la dhaqmi kara. Nin hawshii madbacadda qaranka oo runtii hawl badan iyo tacab badan iyo hawl badani iga gaadhay in nin aan aqaano oo aan ku aamino aan ku wareejiyo maanta arrintaasi farxad ayay ii tahay.”
Maareeyihii hore oo ka hadlayay duruufihii uu Madbacadda kula wareegay wuxuu yidhi,  “Waxyaabihii aan madbacadda ugu imid lixdan shaqaale ah waxay lahaayeen mushahar todoba bilood ah oo ah sanadkii 2009-kii. Waxa kale oo ay shaqaaluhu lahaayeen mushahar laba bilood ah oo ah sanadkii 2010-kii. Mushaharkaasi oo marka la isu wada geeyo dhamma 345 Milyan oo shilin. Istoodhka qalabkuna wuu madhnaa oo waxba may oolin. Makiinadaha shaqaynayay in badan baa shaqadoodu gabaabsi ahayd oo aan shaqaynaynin. Waxay ahayd meel laga qaxay oo lagu kala yaacay, waxa meelo badan buuxiyay qashin badan. Sidoo kale dhammaan adeegyadda madbacadda oo dhan ayaa taagnaa. Baanka dhexe waxa u yaalay oo ugu jiray Madbacadda hal malyan iyo 4 Boqol oo kun oo shilin. Xaaladdii aan kula wareegay sidaasi ayay ahayd.”
Wasiirka Ciyaaraha ahna Maareeyihii Hore oo ka hadlayay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu madbacada joogay, wuxuu yidhi “Waxaanu dayactirnay dhammaan wixii suurto-gal noo noqday mishiinaddii wax daabacayay. Waxaanu hirgelinay nidaam ilaalinaya dukumantiga dawladda ee faraha ka baxay meel walbana lagu daabici jiray. Waxaanu madbacadda u diyaarinay inay daboosho baahiyaha daabacaadeed ee dawladda ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba lagu daabici jiray oo ay imika qaban karto marka laga reebo waxyaabo yar yar.”
“Waxaanu madbacadda u iibinay makiinad cusub oo letter Press ah oo daabacda juwanadda cashuuraha ee dawladda hoose, waxaana nalaga siiyay 7500 oo Dolar. Waana markii u horeysay ee makiinado aanu iibsano. Waxa kale oo aanu iibinay makiinad yar oo daabacaysa kaadhadhka lafta ah oo daabacaysa kaadhadhka aqoonsiyada shaqaalaha oo xataa liisamadda lagu samayn karo. Waxaana makiinadan nalaga soo siiyay 5700 oo dollar.”ayuu yidhi Md. Cali Siciid Raygal.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay bixiyeen mushaharkii muddo dhaafay ee shaqaalaha 87%, waxaanu carabaabay inay ka hadhsan tahay shan kun oo Dollar oo qudha. Waxaanu intaas ku daray inuu dhisay hool cusub oo loogu tallo galay in la dhigo makiinadaha cusub.
Wasiirka Ciyaaruhu wuxuu sheegay inay shaqadii madbacadda laban laabeen isla markaana ay hagaajiyeen qorshihii daabacaada madbacadda qaranka, waxaanu u mahad naqay madaxweyne Siilaanyo oo uu xusay inuu wareegto ku mamnuucay in dukumantiga dawladda aan laga daabici Karin madbacadaha gaarka loo leeyahay.
Md. Cali Siciid wuxuu sheegay inay ku guulaysteen samaynta xeer maamul oo ay ku shaqeyso madbacadda kaasi oo uu xusay inay hortaalo madaxweynaha Somaliland.
Maareeyihii hore wuxuu xusay inay sanadkan cusub u qorshaysanayd sidii ay wakiilo ugu yeelan lahaayeen gobolada dalka si loo fududeeyo adeega daabacaada dukumtiyadda qaranka.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay u qorshaysnayd sidii kor loogu qaadi lahaa tababaradda iyo xirfadda shaqaalaha madbacadda qaranka.
Maareeyihii hore wuxuu sheegay in madbacadda qaranku ay ka kooban tahay 10 xafiis, 4 Istoodh, laba hool oo la dhigo makiinadaha, Hoolka lagu habeeyo buugaagta iyo mid cusub oo dhawaan la sameeyay.
Md. Cali Siciid Raygal wuxuu sheegay inay madbacadda ka hawl-galaan 55 shaqaale ah, waxaanu tilmaamay inay yaalaan 16 Makiinadood oo 12 ka mid ahi shaqaynayaan.
“Waxa Madbacadda u furan afar bog xisaabeed (account) sadex waxay ka furan yihiin Baanka dhexe, midina waa dahabshiil. Baankaas dhexe bog xisaabeedka ka furan 71 ayaa la yidhaahdaa 646 Milyan iyo 534 kun iyo 132 shilin Sl ah ayaa miisaaniyad la ansixinayo ku xidhan oo dhawaan kuugu soo dhacaya. Waxa jira account yar oo aanu shaqaalaha ugu tallo galay inaanu xaq ugu ururino laakiin account-kaasi ma aha mid daruuri ah haddii ay kuu suurto gashana waad wadaysaa haddii kalena waad iska daynaysaa. Account-kaasna waxa ku jira 580 kun iyo 154 shilin Sl ah. Waxa kale oo jira account madbacadda uga furan laanta dhexe waxaana 169 Dollar. Account-ka Dahabshiil waxa kuugu jira $17 kun oo Dollar iyo $812,”ayuu yidhi Cali Siciid.
Waxa kale oo uu ammaanay shaqaalaha madbacadda qaranka oo uu ku sifeeyay kuwo shaqadooda ka adag, waxaanu ka dalbaday inay Maareeyaha cusub ula shaqeeyaan sidii ay isaga ula soo shaqeeyeen.
Maareeyaha cusub ee madbacadda qaranka Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay maareeyihii hore ahna Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Waxaanu tilmaamay inuu xog ogaal u ahaa marxaladihii madbacadda qaranku soo martay iyo sidii ay ahayd xiligii uu qabsaday Cali Siciid Raygalba.
“Waxaanu ku dedaali doonaa xilku waa iska meertee waxaan rajaynayaa inaan aniguna maalinta dambe aan mid intan inleeg intaan u akhriyo ku idhaahdo Cali Siciid waxaanu kala wareegnay waad ogaydeene’e maantana halkaasi ayay maraysaa,”ayuu yidhi Cabdilaahi Caray.
Maareeyuhu wuxuu shaqaalaha madbacadda u soo jeediyay inay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen maareeyihii hore.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Maareeye Ku xigeenka Madbacadda qaranka Jaamac Axmed C/Raxmaan oo ka waramay waxyaabihii u qabsoomay madbacadda qaranka, waxaanu maareeyihii hore ku sifeeyay mid waxqabad u saaxiiba oo wax badan ku soo kordhiyay.
Maareeye Ku xigeenku waxa uu xusay inay sii sagootinayaan maareeyihii hore isla markaana ay soo dhawaynayaan Maareeyaha cusub. Sidoo kale waxa xafladaas ka hadlay Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *