Hargeysa(ANN)Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel ayaa Maanta koton Foosto Oo Daamur ah ugu deeqday Waddo la doonayo in laga dhigo Laami oo ku taal Xaafada Daami ee  Woqooyi Bari ee Magaalada Hargeysa  isla markaana ka tirsan  Degmada Gacan Libaax.

 

Munaasibada Deeqdaa lagu wareejiyay waxa Goob joog ka ahaa Guddiga Xaafadda Daammi,  Masuuliyiin Ka socday shirkadda Somtel iyo Madax dhaqameed kasoo Jeeda dadka ku dhaqan Xaafadda Daamm ee ay u baddan yihiin Dadka laga tirada badanyahay.
Madaxda Suuqgaynta iyo Iibka ee Shirkadda Somtel  Cabdinaasir saleeban oo Ka Hadlay Ujeedada Deeqda iyo Tirada Foostooyinka Daammurka ah ee ay ugu deeqayaan Dhamaystirka Wadada Xaafadda Daammi ayaa  sheegay in shirkadda somtel iyo shirkadda ay Mataanaha yihiin ee Dahabshiil ay si weyn uga qayb qaateen horumarka Bulshadda waxaanna uu sheegay ka dib markii ay arkeen Baahida loo qabo dhamaystirka Wadadani oo Halbowle u ah Magaaladda Hargaysa ay go’aansadeen inay deeqdaa ugu tabarucaan.

La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada laga tirada badanyahay  Mudane Barkhad Jaamac Xirsi oo isagunna Madasha Ka Hadlay ayaa Mahadnaq Balaadhan usoo Jeediyay Shirkadda Somtel isagoo siddoo kale shacabka ugu Baaqay inay Shirkaduhu u Kala soocnaadaan, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Wadadaasi waxay ahayd Carqalad waxaanu hore ugu tagnay shirkado badan oo waxtar weyn ku leh bulshada oo aanu waxba ka waynay shirkada somtel waxay ahayd shirkaddii ugu horaysay ee Baaqayaga ka Jawaabtay mudo ka yar laba toddobaad Markaas bulshadda waxaan leeyahay shirkaduhu Haydiin Kala soocnaadaan”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmadda Gacan Libaax Khadar Cismaan Guuleed oo Ka Hadlay Madasha ayaa u Mahadnaqay shirkadda somtel isaga oo ku Amaanay Doorka ay Shirkaddu Ka Gaystay Horumarka Degmadda Gacan Libaax oo Dad Danyar ahi Degen yihiin .
Waxa kaloo munaasibada  Foostooyi nka Daamurka ah ay ugu deeqday Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel wadadaa ka hadlay Boqor Ahmed Iimaan Warsame, wuxuuna  u Mahadceliyay Shirkada Somtel waxaanna Hadladiisii Ka Mid ahaa, “ aad iyo aad baan usoo dhawaynaynaa Kaalmadda Deeqda ah ee 50 Foosto waana shirkaddii ugu Horaysay ee noogu deeqda Daamur shirkadaha Kalena waxaan Leeyahay Ku dayda Somtel”
Suldaan Iid Cabdilaahi Xirsi iyo Afhayeenka   dadka laga tirada badanyahay ee xaafada u baddan  Mudane Kamaal Salaad Hassan oo iyagunna Madasha Ka Hadlay ayaa u Mahadnaqay shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel Doorka ay Kaga Jirto Horumarta Adeegyadda Bulshadda ee dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *