London (ANN)Urur Siyaasadeedka  Rays oo ka mid ah Ururada ugu cad-cad ee doonaya inay u  tartamaaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen Doorashada golayaasha Deegaanka, ayaa  Xafiis ka furtay xarunta Caasimada Britain ee London. Xaflad si weyn loo

soo maamuulay oo lagu qabtay Bariga magaalada London taariikhdu marka aya ahayd 31.03.2012,  oo  ujeedadeedu ahayd furitaanka Xafiiskaa,  waxay taageerayaasha Rays  kusoo bandhigeen Dhoolatus weyn oo ay ku muujinayeen sida ay ugu leeyihiin awood iyo taageerayaal London, isla markaana kusoo bandhigaan inaanay dalka gudihiisa keliya ku lahayn taageerayaal iyo cududu balaadhanm basle ay dalka debediisana ku leeyihiin taageerayaal xooggan Urur Siyaasadeedka Rays.
Xafladaa wax kasoo qeyb galay dad aad u tiro badan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee Jaaliyaddaha  Somaliland sida Dumarka, Dhalinyaradda, waayeelka degan wadanka UK iyo marti sharaf kale oo badan.
Xidhiidhinayaha Munaasibadaa  Axmed Yusuf Cabdi, ayaa soo  dhaweyta  iyo furitaanka xaflada ka dib wax   Aaayaddo Quraanka Kariimka ah ka khiriyay Sheekh Cabdi Axmed Kuutiye.  Iyadoo markaa kadibna Micrifoonka ama codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Aqoonyahan Ibraahim Maxamed Cali oo ka waramay taariikhda ururka sidii loo asaasay iyo ujeedooyinkiisa uu u tagan yahay ururka RAYS.  Wuxuuna  ka waramay inay muhiimada iyo himilada ururkani mid u taagan Aqoonyahanaddam  Dhalinyarada iyo Shaqaallaha Somaliland.
Aqoonyahan Ibraahim wuxuu madasha  ka  xaqiijiyay inay urur kale oo imika tartanka ku jira ay doonayaan inay kusoo bireen ururka Rays  oo ay horena ugu soo bireen laba urur.
.
Sidoo kale waxa  iyaguna madasha ka hadlay Odayaal kala duwan oo ku dhiirigeliyay in ururkan Rays la taageroo oo lala shaqeeyo maadaama u yahay urur u taagan Aqoonyahanadda,  Mustaqbalka Dhalinyaradda ee soo socda oo wadanku u baahan yahay, isla markaana ay  haboontahayna in laga gudbo nimaadmka imika jira ee ku salysaan Odayashaa iyo nidaamka reeraha ah
Wax isna halkaas hadal kooban ka soo jeediiyay gudoomiyaha cusub ee la doortay Axmed Maxamed Cali Salaan oo ka waramay u joodooyinkaa iyo himilada ururkan Rays,  ugana baaqay dhalinyaradda  UK ee reer Somaliland inay ururkaa Rays la shaqeeyaan oo loo bahan yahay in aqoonta iyo waayo aragnimada ay  dalka  UK iyo dalalka kaleba  ka qaateen  ay wadankoodii  ugu faaiideeyaan.
Weedhaha laga jeediyay madashaa munaasibada furitaanka xafiiska Rays ee Uk, waxa  kadib waxa madasha  lagaga  dhawaaqay gudida UK ee loo doortay inay hogaamiyaan xafiiska Rays ee London. Wax kale oo halkaa laga  sheegay in ururka Rays  xaafiisyo sidan oo kale ah  ka furan doona wadamada kale ee Yurub dhawaan, sidoo kalena Xaafiisyo kale  laga furi doonno magaalooyinka kale ee UK.

Magacyada Gudida Rays ee United KingDom ee lagu doortay madasha.

1. Gudoomiyee Ururka: Axmed Maxamed CaliSalaan
2. Gudoomiyee Ku Xigeen: Yasin Cabdi Kabatoole
3. Xoghaye: Axmed Cawil Ismaaciil
4. Khasnaji: Fadumo Muse Xasan
5. Xubin: Cabdikarim Cabdi Digale
Alla mahad Leh.
Mustafe Omar Yare.
Fuaad101@hotmail.co.uk

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *