Berbera(ANN)Urur-siyaasadeedka NASIYE, ayaa xafiiskiisii ugu dambeeyey gobollada dalka ka furtay shalay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Wefti uu horkacayey guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka NASIYE oo

shalay gaadhay magaalada Berbera, waxa soo dhowayn xooggan ku qaabilay taageerayaashooda iyo masuuliyiinta ururkaas ee Gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha ururka NASIYE Mr. Axmed Maxamuud Cumar oo markii uu xadhigga ka jaray xaruntooda magaalada Berbera la hadlay taageerayaasha ururkiisa, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dadweynaha ka qaybgalay soo dhoweyntooda, isaga oo xusay inay wax badan ka qaban doonaan baahiyaha bulshadu tabayso hadday ku guulaystaan doorashada golayaasha degaanka ee la filayo inay badhtamaha sannadkan ka qabsoomaan dalka.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Gddoomiyaha Urur-siyaasadeedka NASIYE ee Gobolka Saaxiil, odayaal iyo haween kala duwan, kuwaasoo taageeradooda u muujiyey ururka NASIYE, isla markaana ballanqaaday in aanay waxba kala hagrad doonin siduu ugu soo bixi lahaa doorashooyinka golayaasha degaanka ee ay ka soo dhex baxayaan saddexda xisbi qaran ee Somaliland.

Urur-siyaasadeedka NASIYE waxa uu hore xafiisyo uga furtay dhammaanba gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *