Hargeysa(ANN)Xaflad lagu doortay guddoomiye cusub oo ay doorteen Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland, ayaa lagu qabtay xalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. kadib markii uu geeriyooday dhowaan gudoomiyihii gudidaa Allaah ha u naxariistee

Marxuum Xaaji Ibraahim Dool oo ahaa aasaasihii gudida.

Xafladda caleemo-saarka guddoomiyaha cusub ee Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Khaliil Cabdillaahi Axmed, Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa, taliska ciidanka booliska, culimaa’udiin, dhammaan xubnaha guddigaas iyo wakiilladooda gobollada dalka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in xafladdani tahay mid loogu ducaynayey guddoomiyihii horee guddigaas, sidoo kalena lagu soo dhoweynayo guddoomiyaha cusub.

Wasiirku waxa sharraxaad dheer ka bixiyey fadliga xambaarsan tahay in bulshada islaamku wanaagga is faraan, xumaantana iska nahyiyaan.

Gudoomiye-ku-xigeenka Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Sh.Cawil Xuseen, ayaa isaguna ka warramay ujeeddada xaflada iyo waxqabadyadii guddigooda, waxaannu yidhi; “Waxaynu isugu nimi wax aynu wada leenahay oo aynu wada qabanay, markaa wixii aynu wada qabanay ayuun baan ka sheekaynayaa. Hawsha aannu ka shaqayno dadwaynaha ayaa leh, gacantana Dawlada ayaa leh, annaguna dhawaaqa ayuun baanu umadda gaadhsiinaa.

Waxa ay guddigu jirtay 12 sanno, waxana laga aasaasay caasimadda Hargeysa, kadibna gobollada oo dhan ayaa la gaadhsiiyey, marka laga reebo Gobolka Sool, muddadaasna meel fiican baannu hawsha soo gaadhsiinay,”

Sidoo kale, Sheekh Cawil waxa uu sharraxaad ka bixiyey caqabadaha ugu waaweyn ee horyaal guddigooda, kuwaasoo uu sheegay inay ugu weyn yihiin la-dagaallanka mukhaadaraadka iyo xarumaha diimaha kale lagu faafiyo, sidaa awgeed waxa uu soo jeediyey in gacmaha laysu qabsado sidii arrimahaas wadajir wax looga qaban lahaa.

Guddoomiyaha gusub ee Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Sh.Maxamed X.Maxamuud Xiiray oo xafladda soo xidhay, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey dhammaan ka qaybgalayaasha munaasibadda caleemo-saarkiisa, waxaannu Ilaahay ka baryey inuu u fududeeyo hawsha culus ee loo xambaariyey.

Waxa kaloo iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiinta gobollada dalka ee Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, kuwaasoo xafladdaas ku soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha ka horyimi muddadii guddigoodu jiray.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *