Hargeysa (ANN)Urur goboleedka horumarinta dalalka IGAD, ayaa sheegay inay qorshaynayaan sidii ay geeska Afrika uga dhigi lahaayeen xarunta Xoolaha ee Afrika. Lixda dal ee ku midoobay Urur goboleedka IGAD, ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Nairobi

maalintii salaasadii ku sheegay inay dib u cusboonaysiin ku samaynayaan kor u qaadida Xoolaha Gobolka Geeska Afrika, si loo  horumariyo  Inkaaniyaadka iyo tababarada dadka ku hawlan ee Xoolaha,  isla markaana kor loogu qaado heerka Caafimaadka ee Gobolka.

sidaana waxa yidhi Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo ka hadlayey Xaflad loo sameeyey dugsiga tababarka Xoolaha  ee Sheekh oo xaruntiisu tahay Somaliland. Dugsigaa  oo ka qayb qaata tababarada.  Farsamayaqaanada xanaanada Xoolaha ee dalalka ku bohoobay urur goboleedka IGAD oo ay ka mid yihiin dalalka Kenya, Uganada, Ethiopia, Eritrea, Sudan iyo Djabout. Urur goboleedka IGAD ayaa waxa ay sheegeen inay sii daynayaan lacag gaadhaysa 60,000 oo dollar oo lagu tababarayo toban Qof oo tababar ku soo qaadanaya Jamacada MAKARERE UNIVERSTIY, ee ku taala xarunta dalka Uganda ee Kampala,   kuwaas oo ka mid noqon Saraakiisha Xanaanada xoolaha ee Somaliland marka ay soo dhamaystaan Jaamacada.

Urur goboleedka IGAD, ayaa waxa ku hawlan yahay sidii Xoolaha Geeska Afrika u noqon lahaayeen Caafimaadkooda iyo daryeelkooduba uu shaqeeyo si ay uga qayb qaataan tartanka Suuqyada xoolaha Duniada, isla
markaana urur goboleedka IGAD qaybta xooluhu waxa ay xooga saarayaan sidii bariga Afrika u noqon lahaa Xudunta Xoolaha Qaarada Afrika. Dekeda Berbera ee Somaliland ayaa sanadkii u dambeeyey ayaa waxa ay
dhoofisay Waddamada Khaliijka Carabta xoolo tiradooda lagu qiyaasay Saddex Milyan oo Neef, sidoo kale waxa iyaguna jira dalal kale oo iyaguna doonaya inay kordhiyaan xoolaha ay ka qaataan Somaliland
kuwaas oo ay ka mid yihiin waddamada Tunisia iyo Masar sida uu ku waramay u qaybsamaha Midowga Afrika ee xafiiska wax soosaarka Xoolaha Prof. Ahmed Elsawalhy. Mr. Elsawalhy waxa uu yidhi “Waxa jira dalal
xiisaynaya inay kordhiyaan xoolaha ay ka iibsadaan Somaliland,  kuwaas oo kala ah Tunisia iyo Masar” ayuu yidhi Mr. Elsawalhy.
Sannadkii ina dhaafay ay dawladda Sucuudigu si rasmi ah u shaacisay inay xayiraadii ka qaaday Xoolaha Soomaalida, gaar ahaan Somaliland, kadib markii   Xayiraad toban sanno ahayd oo saarnayd xoolaha uga yimaada Somaliland.

Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
Xigasho Wargeyska Saxansaxo

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *