Kooxda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee dagaalada kaga jira Magaalada Muqdisho ee dagaaladu aafyeen,  islamarkaana ka taliya inta badan Koonfurta Somalia  ayaa  Bayaan ay soo saareen horaantii todobaadkan ku shaaciyay inay gebi ahaanba mamnuuceen  adeega

 xawilaada lacagaha loo isticmaalo  ee ZAAD. Adeegaa   ayaa ah mid casriya oo ah  hab lacagaha la isugu diro telefoonada mobile-ka (Mobile money Transfer), kaas oo ay badhatamihii sanadkii 2009, soo kordhiyeen shirkadaha isgaadhsiinta ee Hormuud, Golis iyo Telesom oo xarumo kala duwan ku leh Somaliland, Muqdisho Somalia iyo maamul goboleedka Puntland,
Inta aynaan u gelin ujeedada mawduuca kooxda Al-shabaab ku joojisay adeega Zaad, dareenka uu xanbaarsanyahay  iyo doodaha ka dhashay ee dulyaal, waxa xusid mudan badhtamihii 2009, markii ugu horaysay ee shirkadaha isgaadhsiinta ka dhawaajiyaan inay soo kordhiyeen isticmaalka adeeg casri ah oo fudaynaya inaad lacagta ku kaydsato, dirato, ku iibsato iyo waxyaabo kale, adigoo isticmaalaya Mobile-ka gacanta.
Hase yeeshee Dad badan ayaa durbadii doodo iyo falanqayn ku sameeyay adeega ay shirkadahaasi sheegeen inay soo kordhiyeen, waxyaabaha uu qabanayo iyo habka loo isticmaalayo, isla markaana waxa jiray doodo iyo aragtiyo siyaabo kala duwan loogu falanqaynayay adeegaa cusub, iyadoo doodaha qaarkood ku tilmaameen in  nooca adeega cusub ee lacag dirista Zaad yahay mid casri ah oo muujinaya horumarka dhinaca isgaadhsiinta iyo adeegyada looga faa’idaysto ee dunida hore u martay, balse waxa jiray doodo kale oo odhanayay maaha bulshada noocan ah ee dagaalada faqriga, gaajada iyo jahligu naafeeyeen tii waxyaabahan oo kale loo keeni lahaa ee qorshayaal iyo xeelado kale oo bilaw ah.
Dadka doodahaa qabaa waxay tilmaamyeen inay marka horeba dadka isticmaala telefoonada Mobilada gacanta ee bulshada Soomaalidu yihiin tiro yar, isla markaana tirada dadka Mobilada sitaa aanay inta badan aqoon u lahayn isticmaalkiisa, marka laga reebo inuu qofku diran karo, isla markaana qaban karo marka uu soo dhaco, kuwaas oo xataa aan nambar gashan Karin, ama kala soo bixi Karin marka ay u baahdaan inay garaacaan mid ka mid ah Numberada ugu xeraysan ee ay u baahdaan ilaa ay qof kale weydiistaan inuu ka caawiyo. Sidoo kale doodaha la kowsaday bilawgiiba adeega cusub ee Zaad ayaa inta badan ku tilmaamayay mid aan la aamini Karin, isla markaana abuuri kara mushkilado dhinaca amaanka ah, maadaama ay marka horeba dadka moobilda gacanta qaataa la kulmi jireen Tuugo ku daamicida oo mararka qaar ay falalka tuugada noocaa ahi naftooda ku waayaan Mobilada gacanta. Sidaa awgeed aan la aamini Karin isticmaalka adeegaa.
Marka laga yimaado doodahaa, falanqaynta iyo fasiraado kale oo ka dhashay  adeega Zaad iyo isticmaalkiisa, waxa iyana jiray doodo sii xoojinayay cabsida laga qabo adeegaa cusub, kaas oo kusoo beegmay xili ay boqolaal qof oo u badan Haweenka Somaliland ku mashquulsanaayeen mashruuc dhawr sanadood si qarsoodi ah  uga socday Somaliland oo loo bixiyay, : “Jiif oo Jaq”, kaas oo si hoose lacag malaamyiin dollar ah loogaga urursaday boqolaal  Haween ah, balse ugu danbayntii meel loo raaco la waayay. Kadib markii la xaqiiqsaday inuuu ahaa qorshe debeda laga soo waariday oo si casriyaysan loogu dhaco dadka, iyadoo loo sheegayo qofka inuu shirkad ganacsi oo weyn ku leeyahay Sheer, isla markaana lacagta uu keeno bil kasta laga siinayo masaariif uu ku debero noloshiisa, iyadoo lacagtiisii u shaqaynay. Laakiin mashruucaa ayaa ugu danbayntii fashilmay, isla markaana ay boqolaal haween ah oo qayb ka noqday mashruucaa Jiif oo Jaq madaxa isla galeen, markii ay mid waliba tii soo dabtay tafta qabsatay.
Sidaa awgeed waxa durbadiiba soo baxay doodo si weyn ula xidhiidhinayay mashruuca Adeega Zaad inuu yahay qorshe cusub oo dib loogu soo casriyeeyay Bulshada Soomaalida, isla markaana la doonayo in loo soo raaciyo isgaadhsiinta Teefoonada ee Mobile-ka,   waxayna  si gaara dadka sheekadaa hore la xidhiiyay  farta ugu  fiiqeen  qaybta kaydsiga lacagta ee aan la garanayn halka loo raacayo iyo sida loo aamini karo, maadaama ay boqolaal  qoys ka dhaxleen mashruucii Jiif oo Jaq dhibaato dhaqaale xumo oo soo waajahday iyo faqri, isla markaana fashilkiisu uu sababay burburka boqolaal qoys. Kadib markii rag badani ogaadeen in   Haweenkoodu ku khamaareen raasamaalkoodii iyo dahabkoodii oo ku galeen sheerarkaa si qarsoodi ah, sidaana lagu dalaaqay markii ay soo baxday sheekada fashalka mashruucu.

Markaynu usoo noqono dhawaaqa digniinta Al-shabaab ku mamnuucday in aan la isticmaalin adeegaa ayaa kusoo beegmay, xili ay sadexdaa shirkadood ee Golis, Hormood iyo Telesom heshiis la galeen inay xawaalada Qaran u isticmaasho adeegaa lacagaha xawilaada  macaamiisheedu uga soo diraan eheladooda debeda, isla markaana  dhinaca gudaha Somaliland, Somalia iyo maamul goboleeka Puntland ay adeegaa lacago isugu diri karaan, iyadoo  aan loo baahan xawaalada qaran, taas aanu adeegu ku xidhayn xuduudo.
Waxa iyana xusid mudan inay shiradaha isgaadhsiinta ee qorshahan la yimi yihiin kuwo  asal ahaan kasoo jeeda shirkadii Isgaadhsiinta iyo xawaalada ee (Barakaat), taas oo boqolaal soomaali ah oo lacago dhigtay markii lag hirgeliyay dhulka Somaalida dabayaaqadii sagaashanaadkii  ka   galaafatay. Kadib markii dawlada maraykanku la xidhiidhisay hogaamiyaha shebekada Al-qaacida Usama Binu Laden iyo kooxdiisa, iyadoo wixii ka danbeeyay dhacdadii 11 Sep, 2001, ee dawlada maraykanku xanibtay ganacsigii shirkadaa. Balse  ay kasoo hadheen  magacyada sadexda shirkadood ee Telesom, Golis iyo Hormood oo ay u kala jabtay qaybtii isgaadhsiinta ee Barakaat, faracyadaa  oo isu qaybiyay Puntland, Somaliland iyo Somalia, balse aanu jirin wax faraq ah oo u dhexeeya oo muujinaya inay kala duwan yihiin, marka laga yimaado magacyada ay qaateen oo mid waliba deegaan kaga shaqayso.
Inkasta oo doodaha bilawgii adeega Zaad ka dhashay ee aynu soo xusnay jireen, hadana waxay dadka qaar u arkayeen inuu adeegani yahay mid aanay kolayba raali ka noqonayn dawladaha Maraykanka iyo xulufadiisu oo ay u arki karaan inuu fudaynayo ilaalinta lacagaha suuqa madaw , taas oo fursad ay ka heli karaan kooxaha uu ugu yeedho aragagixisa oo uu kooxda Al-shabaabna la xidhiidhiyo. Sidaa awgeed waxa dad badan qaadan waa ku noqotay inay kooxda al-shabaab soo saarto digniin ku wajahan adeega zaad, iyadoo shirkadaha adeegaa soo kordhiyay yihiin kuwo loo tiriyo inay wadaagaan abtirsiinyo iyo ujeedooyin siyaasadeed, waana  taas ta yeelatay muuqaalo iyo fasiraado  kala duwan
Hase yeeshee maaha wax lala yaabo digniinta kooxda Al-shabaab, waana mid u muuqata nasteex, isla markaana xanbaarsan tusaalooyin badan oo macquul ah.  Sidaa awgeed Al-shabaab oo ay xubno ka yihiin dhalinyaro lagu tilaami karo inay aqoonta tiknoolajiga ee dunida casriga ah ku talax tageen, isla markaana ay ku jiraan shaqsiyaad saadaalin kara dhibaatada iyo mushkilada ka imankarta  talaabooyinka noocan ah, waxay doodaha bayaankooda ku sharaxeen asbaabaha iyo khatarta uu dhinacyo badan adeegani u leeyahay Islaamka iyo halka uu ku danbayn karo, ama saamaynta uu ku yeelan karo dhaqaalaha dunida Islaamka, waxaynu tusaale usoo qaadan karaa qodobo ka mid ah kuwa dooda Al-shabaab salka u ah.
Al-shabaab waxay sheegeen in adeega Zaad (Mobile money Transfer), yahay mid ay ka danbayeena Yuhuuda iyo Marayanku, isla markaana doonayaan in lagu wiiqo dhaqaalaha wadamada  islaamka iyo kuwo kale oo ku yaala Africa iyo Asia oo dhaqaalahoodu soo kobcayo. Sidoo kale waxay ka digeen waxay ugu yeedheen   Khatarta Xatooyada Xeeladeysan (Hacking), iyagoo ku tilmaamay  Moobilada inay yihiin qalab u nugul xatooyada xeeladeysan, isla markaana  ah mid saamayn weyn ku yeelan karta dadka adeeggan isticmaala.
 Sidoo kale waxay ku doodeen inuu adeega Zaad ee noocani yahay mid lagu khal-khalinayo  dhismaha  dhaqaalaha Muslimiinta, iyagoo si gaar ah u xusay  Mujaahidiinta, sababtoo ah bay yidhaahdeen waxaa loo adeegsan karaa waxa loogu yeedho “ladagaallanka fangareynta argagixisada,” taas oo ah marmarsiiyo lagu doonayo in lagu bannaysto xoolaha, xuquuqda iyo xorriyada dadka Muslimka ah, si fara gelin loogu sameeyo, iyadoo awalba lagu hayay xili walba handadaad joogto ah.
Waxa kale oo ay  ku doodeen Khatarta ka dhalankarta hadii adeeggaa la joojiyo,  ama uu burburo, iyagoo xusay inay xiliga ay doonaan si fudud adeeggan amar ugu joojin karaan  siyaasiyiinta reer galbeedka, kuwaas oo sida ay kooxda Al-shabaab ku dooday, ama ka digayso   u cuskanaya eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna tusaale usoo qaateen  sidii hore ugu dhacday shirkaddii ‘Barakaat’.  Iyagoo dhinaca kalena xusay inay dhici karto in shirkaddu dhaqaala beesho, taas oo ay ka digeen inay dhibaato baaxad leh iyo khasaare aan laga soo kaban dhabarka u saari karto Bulshada Muslimka ah.
Marka laysku soo ururiyo doodaha ay Al-shabaab kaga digay adeega Zaad iyo waxyaabaha ay u daliishadeen ayaa u muuqda kuwo u dhaw xaqiiqda, isla markaana si cad u qeexaya dhibaatada qarsoon iyo khatarta uu yeelan karo isticmaalka adeegaa oo dabada ku haya shirkadaha maamula dhaqaalaha reer galbeedka oo aanay ka madhnayn  Yuhuudu. Laakiin su’aasha ay dad badani is weydiinayaan ayaa ah, waa maxay ujeedada deg dega ah ee kooxda Al-shabaab digniinta uga siisay isticmaalka Adeegaa sadexda shirkadood ee keenay oo lala xidhiidhinayo inay door weyn ka qaataan jiritaankooda, kuwaas oo  kasoo jeeda wixii ka badbaaday shirkadii Barakaat,  maadaama  aanu weli caga dhigan adeega cusub ee Zaad. Waxa jira laba aragtoyood oo jawaab ka bixinaya arimahaa, kuwaas oo midi tahay inay khuburada kooxda Al-shabaab oo ka duulaysa xogo iyo macluumaad ku saabsan adeega ku ogaadeen inay dawlada Maraykanka iyo xulufadoodu daba socdaan Adeegaa, isla markaana joojiyaan, iyagoo ka duulaya inay fursad siin karaan, waxa ay ugu yeedhaan argagixisada oo uga faa’idaysan kara lacago aan la kantarooli karin oo loo isticmaalo adeega Zaad. Kadibna lagu fuliyo hawlgalo. Sidaa awgeed ay deg deg u joojiyaan dalalka Maraykanka iyo xulufadiisu.   Sida ay  kooxda Al-shabaaba xustay.
Laakiin jawaabta kale ee kasoo baxday digniinta kooxda Al-shabaab ayaa noqon karta mid ka duwan sidaa, isla markaana u muuqan  karta khatar kasoo socota Maraykanka iyo saxiibadii, taas oo noqonay inuu qorshaha adeega Zaad oo uu Maraykanku daba socday uu galaafan karo shirkadaha  Isgaadhsiinta ee Hormuud, Golis iyo Telesom oo aanay weli ka hadhin Maraykanka iyo xulufadiiisu, kuwaas oo ku dooda in dhaqaalaha faraha badan iyo macaashka ay helaan shirkadahaasi  in aanu ka muuqan deegaamada ay ka adeegaan,  iyadoo  dhinaca kalena isticmaalka adeega Zaad iyo qorshohooda cusubi daaha ka fayday xidhiidhka ka dhexeeya shirkadahaa iyo sida aanay lahaanshahoodu u kala fogayn, waana taa khatarta u muuqata waqtigan kooxda Al-shabaab oo is tustay inuu adeega Zaad galaafan karo qaybaha Isgaadhsiinta ee shirkadahaa. Ka hor inta aan la gaadhin xiliga uu caga dhigto. Sidaa awgeed waxay kooxda Al-shabaab oo doonaysa inay ka dhawaaq horayso Maraykanka soo saartay Bayaankaa, kaas oo nuxur ahaan xanbaarsan digniin ay iyada lafteedu fariin ugu diray Maraykanka iyo xulufadiisa inaanay xidhiidh la lahayn shirkadahaa iyo fariinta kale oo ah digniin ay uga digay shirkadahaa khatar kaga soo waajahan dhinaca reer galbeedka.
Si kastaba ha ahaatee Bayaanka kooxda al-shabaab wuxuu nasteex iyo badbaado u yahay shirkadaha mar keliya wada gashaday shaadhka adeega Zaad iyo Bulshada Soomaalidaba, isla markaana wuxuu dhawaaqa Al-shabaab sii xoojiyay dareenkii iyo shakigii la kowsaday adeega, iyadoo dadka isticmaalka adeega bilaabay dib uga faagteen, isla markaana ka dalbadeen xarumaha shirkadahaa inay  wixii lacago kaga jiray uga saaraan. Balse waxaynu ka warsugi doonaa halka ay isugu biyo shubtaan ujeedooyinka iyo qorshayaasha dagaal ee xulufada Maraykanka iyo khuburada kooxda Al-shabaab.
By. Arta Abyan
Araweelonews Editor

E-mail, arta.abyan@yahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *