Hargeysa(ANN)Shirkada caalamiga ah ee Dahabshiil ayaa la guddoonsiiyey shahaado ka turjumaysa inay noqotay shirkadda keliya ee heer caalami ah ee carwadii shanaad ee dalka  ku soo bandhigtay adeegyada kala duwan ee ay bulshada u qabato.Wasiirka Wasaaradda

 

 ganacsiga iyo Warshadaha ee Somiland Mr. Cabdirisaaq Khaliif ayaa shirkada Dahabshiil shahaadadaas ku guddoonsiiyey xafladii xidhitaanka Carwada, ayaa yidhi,  “Waxaan u mahadnaqayaa shirkadihii kala duwanaa ee soo bandhigay waxqabadkoodii iyo wxii kala duweanaa ee ay soo bandhigeen gaar ahaan Shirkadda Dahabshiil oo ah shirkada keliya ee heer caalami ah ee ka soo qaybgashay Carwada.”
Mr. C/risaaq Khaliif waxa uu  yidhi “Waxaan markale aad ugu mahadnaqayaa Shirkadda Dahabshiil oo si wanaagsan noogala qayb qaadatay sida aad ku aragtaan sawirka weyn ee wajahadda hore ku dhagan ee magaca Shirkadda Dahabshiil.”

Cabdirashiid Faarax Axmed oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee  shirkada Dahashiil, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin shahaadada  la guddoonsiiyey oo uu tilmaamay inay ka turjumayso heerka shirkada iyo kaalinta ay kaga jirto adeegyda Bulshada .
 
Waxa uu sheegay inay shirkad ahaan afar qaybood oo kala duwan oo ay kaga qayb-qaateen bandhigii carwada, kuwaas oo kala ah, Xalaawada, isgaadhsiinta, ganacsiga caadiga ah iyo qaybta Bangiga.
Sidoo kale  waxa uu tilmaamay in la guddoonsiiyey labada shahaado oo ka mid la siiyey shirkada Dahabshiil, halka ta labaad-na la gudoonsiiyey qaybta isgaadhsiinta ee shirkada SOMTEL.

 


 
Waxa uu Cabdirashiid xusay inay shirkad ahaan badhigaa ku soo bandhigeen gaadiidka dabdemiska oo uu xusay inay yihiin laba baabuur oo shirkadu ugu talo-gashay in loogu adeego dadweynaha iyo in lagu bakhtiiyo  dababka, isla  markaana waxa uu tilmaamay inay heegan ku jireen muddadii ay carawdu socotay.
 
Shahaadooyinka la kala guddoonsiiyey labada shirkadood ee Dahabshiil iyo SOMTEL, ayaa kala ah heerka labaad iyo ka sadexaad, oo ka dhigan inay saddexda kaalmood ee ugu horeeya laba ka mid ah ay ku guulaysteen.

Dhinaca kale  wargeyska caanka  ee The EastAfrican, oo kasoo baxa dalak Kenya ayaa  cadadkiisii 26, September 2010,warbixin dheer kaga hadlay koboca shirkadda Dahabshiil ku sheegay inay Khubarada xagga dhaqaalaha xawaaladuhu  rumaysan yihiin in lacagta ugu badan ee dadka debeda saddex dalool laba meelood ahaan (2/3) ay marto Shirkadda Dahabshiil oo laga xawilo, iyada oo in ka badan kala badh lacagtaasi ay gasho Somaliland.
Sidoo kale waxa warbixintaa wargeyska lagu xusay in Guud ahaan Somalida maanta, tobankii qofba hal ayaa lagu qiyaasaa in uu debadda u baxay oo uu deggan yahay., taas oo sida uu sheegay Dadka Soomaalida   ka dhigtay  inay noqday dal aan dadkiisii lahayn xuduud. Sidaa awgeed, Dahabshiil waxa uu adeeg u sameeyaa  ayuu yidhi dad ilaa hal malyuun ka badan oo Somali ah oo debadaha ku kala baahsan, kuwaasi oo uu u sahlo inay si degdeg ah lacag ugu soo xawilaan dadkoodii gudaha.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *