Doorashadii dalka dalka ka dhacday 26-kii Juune ayaa  reer Somaliland u darereen sidii  ay codkooda u dhiian lahayeen  , isla markaana ay ka takhalusaan  nidaamkii muddada sideeda sano dalka ka talinaayay, nidamkaas

 oo lagu eedayn jiray waxqabad la’aan wada gaadhay dalkoodhan, taas oo ay ugu  weynayd  , musqumaasuq, cadaaladaro, cabudhin muwaadin raygiisa dhiibta iyo kalsoonidii shacabka oo u hanan waayay .badi shacabka Somaliland waxay aaminsanayeen in uu isbadalkani uu meesha ka saari doono degamooyin badan oo ay wali ka taliyaan masuliyiintii  xukuumadii Rayaale oo iyagu wali  u haysta in nidaamkii Rayaale talada hayo . degmooyinka Laasciidle, Xagal oo dhinaca bari ka xiga magaalada Brebera ayaa ah kuwa aanu isbadalku samayn ku yeelan, waxana loo baahan yahay in xukuumada Siillaanyo il gaar ah ku eegto maamulada  ka taliya degmooyinka aynu soo sheeganay oo xiligii lagu jiray olalihii doorashada si toos ah  u galay olalaha, iyagoo ah kuwo aanu sharcigu u ogalayn in ay xisbi u olaleyaan, degamooyinkaa aynu soo sheeganay ayaa waxa ka jira habcsanaan samayn weyn ku yeelatay adeegii bulsho ee asaasiga ahaa. Dadka ku dhaqan demooyinka Xagal iyo Laasciidle ayaa ah kuwo u heelan isbadal ka dhac halkaas . degmada Xagal iyo Laasciidle  ayaa ah degaamooyin  leh dhul baaxadiisu  weyn tahay oo haddi la maalgashadana dalka horumar gaadhi karo. maamuladan ka jira deegamooyinkaa aynu soo sheegnay ayaa ah kuwo mar kasta musuqmaasuqa wixii mucaawino ah ee loogu talo galay deegamada. Hadaba xukuumada cusub waxaan u soo jeedinayanaa in ay fiiro gaar ah u yeelato  maamulada wali ka jira Xagal iyo Laasciidle oo ka seexday masuuliyadii ay u hayeen dadka ku dhaqan degamadaas.

Baashe Cige Cilmi
Saleeban Cismaan Hure
Hargeysa  Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *