Waxaa daawanayey dabaal deggii ay Suufiyadu ku weyneynayeen dhalashadii rasuulka scw. Taariikhdii dhalashada rasuulkana lama yaqaanno isaguna ma sheegin cid kale oo sheegtayna ma jirto. Sidaas darteed waxaan u arkaa in ay Suufiyadu u dhigmaan gaalada Kiristaanka

ah oo 25ta bisha Diisambar u dabaal dega dhalashadii nebi Ciise oo cid taqaanaa jirin. Diinta Islaamka kama mid aha in la xuso dhalashadii rasuulka scw, laakiin waxaa nala faray in aynu u ducaynno, waxaana rasuulka ka sugnaaday in ruuxii maqla rasuulka oo la xusay ee aan u ducaynin uu cadaabta gelayo, laakiin lama dhihin ruuxii aan u dhalashadiisa xusin.
Waxay lahaayeen rasuulka ayaanu jecel nahay yaa faray in ay rasuulka jeclaadaan ma diin cusub oo aan Alle iyo rasuulku na soo gaadhsiin ayay hadda na barayaan. Ma jirto hal aayad oo Alle nagu lee yahay jeclaada rasuulka csw, marka xaggee aan ahayn diinta Kiristaanka oo laga keenay in ay rasuul la jeclaado.
وَمِنَ النَّاسِ مَنْ يَتَّخِذُ مِنْ دُونِ اللَّهِ أَنْدَادًا يُحِبُّونَهُمْ كَحُبِّ اللَّهِ وَالَّذِينَ ءَامَنُوا أَشَدُّ حُبًّا لِلَّهِ وَلَوْ يَرَى الَّذِينَ ظَلَمُوا إِذْ يَرَوْنَ الْعَذَابَ أَنَّ الْقُوَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًا وَأَنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعَذَابِ(البقرة 165). 
Macnaha aayaddan waxaa sidatan:
Waxaa dadka ka mid ah kuwo Alle mooyee wax kale Ilaahsaday una jeclaaday sidii uu Ilaah yahay oo kale, hase yeeshee kuwa uu Alle Ilaaha u yahay ayaa wax kasta Alle ugu jecel, haddii kuwa dulmiga sameeyaa ay arki lahaayeen cadaabka ayay garan lahaayeen in aan Alle laga awood weyneyn iyo in aan laga cadaab darnayn.
Alle mooyee kolay ku tahay rasuulka scw cid kale oo dhan oo la jeclaadaa waa xaaraan, sidaasna aayaddan kor ku dhigan ayaa laga dheehan karaa. Ma jirto aayad Quraan oo Alle addoomadiisa ku farayo in ay rasuulka scw jeclaadaan laakiin wuxuu na farayaa in aynu u ducaynno, sida ku cad aayaddan hoos ku dhigan.
إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا(الأحزاب 56).
Macnaheeduna waa sidatan:
Alle iyo malaa’igtiisuba waxay u ducaynayaan nebiga sidaas darteed kuwa xaqa rumeeyaw idinkuna u duceeya si wanaagsanna isu dhiiba.
Isla mar ahaantaas wuxuu Alle faray rasuulka in uu u sheego dadka in haddii aad jeceshihiin Alle aniga i maqla oo isoo raaca markaas ayuu isaguna idin jeclaanayaa eh, laakiin Alle marna ma dhihin rasuulka jeclaada aan idin jeclaado eh. Rasuulka qof jacayl adduunyo waa u jeclaan karaa sida xaasaskiisii oo kale, haddii uu geeryoodayna jacaylkaasi waa dhammaaday, laakiin si cibaado ah in loo jeclaado ma bannaana ee Alle keliya in la jeclaado ayaa bannaan, sida ka muuqata aayaddan hoos ku dhigan.
قُلْ إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ(آل عمران 31).
Macnaheeduna yahay:
Waxaad dadka ku dhahdaa haddii aad Alle jeceshihiin aniga i raaca oo wax iga maqla waxna iga qaata, markaas ayuu Alle idin jeclaanayaa idiinna dembi dhaafyaa eh, Allena lagama dembi dhaafid iyo naxariis badna.
Sida aayadda ka muuqata Alle magaciisa kuma laamaanin rasuulka oo ma dhihin
إن كنتم تحبون الله و الرسوله
Laakiin wuxuu Alle dhahay إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ oo keliya.
Sidaas oo kale ma jiro xadiis saxiix ah oo rasuulka ka sugnaaday oo dhahaya aniga i jeclaada.
Marka waxaan weydiinayaa meesha ay Suufiyadu ka keentay jacaylka rasuulka. Rasuulku haddii uu Alle u doortay rasuulnimo ma aha hanti uu isagu iska lahaa ee waa deeq Alle siiyey, la iskumana diidana in uu istaahilay oo uu ahaa kan inta Alle abuuray ugu khayrka badan, iyada lafteeda isagu iskama dhigin in uu noqdo kan inta Alle abuuray ugu khayrka badan ee waa deeq Alle, sidaas darteed Allah noo soo diray rasuul naga mid ah ayaa iska leh ammaan oo dhan, waayo isaga oo keliya ayaa khayrkaas na siiyey xaqn u leh in uu na siiyo cid kale oo na siin kartaana ma jirto. Nebiguna csw haddii uusan Alle fariin noogu soo dhiibin isagu qof ahaantiisa waxba nooma awoodeen.

Marka Suufiyadan jid kasta la taagan nebiga ayaanu jecel nahay, haddii uusan Alle ku amrin in ay rasuulka jeclaadaan ma shaydaan ayaa ku amra. Waxaan shaydaanka u aqaan Alle mooyee wax kasta oo kale. Suufiyadu ama waa in ay caddayso meeha ay ka keentay rasuulka scw ayaan jecel nahay haddii kale waa in ay u soo laabtaan sunnadiisii iyo manhajka Alle oo barax la’.

Waxaan jeclaan lahaa in aan helo naqdi fara badan si aan uga faa’iidaysto dadka aqoonta i dheer. Laakiin waa in la ii keeno aayad ama xadiis nabiga ka sugnaaday oo aan shaki ku jirin saxnimadiisa. Waana jeclaan lahaa in aayadda iyo xadiis kii noqdaba la soo qoro.

G/le Sare Omer Suleiman Ali                14/02/2012

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *