Arabsiyo(Arraweelo News Network)Munaasibad balaadhan  oo si weyn loo abaabulay, isla markaana lagu daahfuray shebekad cusub oo kusoo biirtay mareegaha internetka ee ku hadla Afsoomaaliga  ayaa

maanta lagaga dhawaaqay magaalada Arabsiyo ee duleedka dhinaca Galbeed ee Hargeysa.
Munaasibada Furitaanka Shabakadda, wax aka qaybgalay Masuuliyiinta heer degmao iyo gobo lee Gebilay iyo Arabsiyo iyo sidoo kale madax  katirsan Xisbiyadda Mucaaridka iyo xisbiga xukuumiga ah, Xildhibaan,  Madaxda Hay”addaha iyo  Laamaha Dawladda Gobolka Gabiley, Gudomiyaha Magaalada Arabsiyo, Haldoor Cuqaal Haween, Siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada deegaanka.

Cabdishakuur Maxamuud Haybe oo ah Tafaftiraha shebekadda cusub oo ka hadlay munaasibadaa ayaa balanqaaday inay si dhexdhexaad iyo hufnaani ku dheehan tahay Guud ahaanba Bulshadda Somaliland ugu adeegayaan.

Gudomiyaha Gobolka Gabiley, Gudomiyaha Ururka Afgarad, Xildhibaano Wakiiladda Katirsan iyo xubno xisbiyadda Mucaaradka Qaarkood Metelayay Gudomiyaha magaalada Arabsiyo ayaa dhamaantoodba Si isku mid ah u Boogaadiyay furitaanka Mareegta cusub, kuwaas oo Maamulka kula dardaarmay inay si dheeli tiran ugu shaqeeyaan Bulshadda, isla markaana ka digtoonadaan waxyaabaha anshaxa ka baxsan iyo wixii dhibaato u keenaya dadka iyo dalka.
Odayaal dhaqameed iyo Haween ubadan Dadka deegaanka Arabsiyo ayaa iyaguna ka muujiyay dareen farxadeed furitaanka mareeg Magacooda ku hadasha oo ay sheegeen in ay wax badan ka tari doonto xidhiidhka bulshada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *