Waxa jira maalmo ay asteeyeen waxa loogu yeedho bulshada caalamku oo lagu xuso dhacdooyin gaar ah.14/Nofember waa dharaarta ku suntan Xuska Xanuunka Macaanka (Diabetes).Sonkortu waa jirro timaadda Haddii uu ganacu (pancrease) soodayn ama wax ka qaldamaan

shaqada hoormoonka Insulin oo ah ka beerka ku amra inuu dhiigga ka saaro sonkorta dheeraadka ah, keydiyo, dheeraadka dux loo dooriyo iyo inayunugyada jidhku isticmaalaan sonkortaasi ay tamar uga soo saaraan.

25/March/2012-ka  ayaan sirasmi ah uga mid noqday dadka la nool macaanka.Illaa muddo laba bilood ah ayaan jidhkayga ka dareemay dabeecado igu cusbaa sida kaadi badan oo joojinteedu adagtahay, harraad badan (iyadoo dhaxan ah ayaan baraf cabbi jiray), tamarla?aan iyo wahsi socodku lur yahay iyo miisaanka jidhka oo si degdeg ah hoos ugudhacaya.

Sababaha keena macaanka waxa lagu sheegaa werwerka badan.Dadka qaarna waxa ay yidhaahdaan waaxanuun la kala dhaxlo (hereditary disease). Wuxuu hore ugu dhacay walaalkay Asad Maxamuud Gahayr oo u geeriyooday dhammaadkii 1994-ka iyo aabbahay Maxamuud Gahayr oo xijaabtay 20/Oktoober/2003  ka-dib markuu xanuunka qabay muddo lix gu? ah. Labadoodaba Alle godka ha u nuuro, hana ka waraabiyo durdurrada jannadda. Aamiin. Aamiin.

Muddo imaka laba bilood ah ayaan si joogto ah isugu mudayay dawada Insulin oo lagu sameeyo wershadaha, iyadaoo la adeegsanayo cilmiga Genetic Engineering ama farsamada hiddaha.Hidde-sidaha aadamiga eeqaabilsan soosaaridda insulinta ayaa lagu tallaalaa ili-ma-aragtayga bakteeriyada, taasoo laguxannaaneeyo meel gaar ah.Habkani waxa uu suurto-gelinayaa in la soo saaro dheecaan la mid ah kii jidhka dadku soo saari jiray

Muddada aan insulinta ehelka u ahaa waxaaan dareemay is-beddel mug leh.Miisaankii jidhkaygu wuu soo noqday.Tamar-darradi waa baaba’day. Kaadidii iyo harraadkii baaxadda lehaana meesha way ka baxeen. Waxa ii soo laabtay naruuro nololeed oo iga hagaastay.Inaan si qof caadi ah oo aan xanuun qabin u tallaabsado ayaa ii hirgashay. Doorkii aan bulshada ku lahaana siwaafi ah ayaan u buuxiyay.

Maanta  xanuunka macaanku si xawli ah ayuu ugu kordhayaa dadkaSoomaalida ah.Cidda uu haleelo waxaan fari lahaa in aan u ahayn cudur loo jiifsado iyo mid laga walbahaaro midna.

Saeed MohamoudGahair

Saedmgahair@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *