New York(ANN)Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa aqlabiyad ugu codeeyay inay  Falastiin goobjooge  ka ahaato Qaramada Midoobay, waxaana u codeeyay qaraarka loogu oggolaaday Falastiin doorkaa ay ku yeelan hawlaha iyo hay’addaha qaramada midoobay 138 dal, waxa

diiday qaraarkaa 9 dal oo ay hormood u yihiin Maraykanka iyo Israail, halka 41 dal oo dalka Britain hormood u yahay ay ka aamuseen qaraarkaa.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas oo ka hadlay fadhiga golaha guud ee qaramada Midoobay ka hor intii aan codka guusha weyn u ah dalkiisa la qaadin ayaa  sheegay inuu weydiisanayo Qaramada Midoobay inay soo gudbiso shahaadadii dhalashada Falastiin.
Dalalka Israaiil iyo Mareykanka oo iyagu  si weyn uga  soo horjeeday qaraarka ayaa sheegay in aanu waxba soo kordhin doonin, laakiin Mareykanka waxa uu ku baaqay in dib loo cusbooneysiiyo wada xaajoodka, iyadoo Israil dhineecada sheegtay in aan qaraarkaasi  waxba ka bedelayn waxa ka jira halkaa oo ay tahay wax aan macne badan ku fadhiyin.
laakiin Kadib markii qaraarkaa la ansixiyay  waxa uu  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, sheegay inay hoosta ka xariiqeyso baahida in dib loogu laabto wada xaajood nabadeed oo macno leh.

Talaabada Golaha guud ee Qaramada midoobay fadhiga loo dhanyahay ku meel mariyay arrintan, ayaa wer wer iyo cabsi ku abuurtay Israil iyo Maraykanka, kuwaas oo qaraarka fadhigaa loogu codeeyay in kor loo qaado maqaamka Falastiin uu ku yahay weji gabax taariikhi ah.  sidoo dalka Britain ayaa si weyn uga walaacsan arrintaa.
Qraraarka ayaa  waxa ay u oggolaanayaa Falastiin inay ku biiri karto hey’adaha Qaraada Midoobay oo ay xubno ka noqonkarto Maxkamadda denbiyada dagaalka iyo kuwo kale, waxayna kor u qaadaysaa maqaamka Falastiin, iyadoo daanka galbeed ee Webiga Urdun iyo Gaza ay ilaa xalay ka socdeen damaashaadyo lagu soo dhowaynayo qaraarka golaha guud ee qaramada Midoobay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *