Fariin ku socota akhristayaasha: sidaad ku aragteen qisadan qaybteedii 8aad ee shalay (26 Nov, 2012), waxan soo qaatay gabayga caanka ah ee meerisyadiisa ay ka mid ahaayeen, “Geeluba Ugaasooy markuu, ayda miranaayo…”, gabaygaasi, sida ku dhacday suugaan kale

oo badanba, dood baa ka timid cidda dhabta ah ee asalkiisa horeba tirisay. Anigu cida aan ku sheegay inay tirisay akhristayaal diidan, oo qudhooduna aan is waafaqsanayn, oo dad kala duwan gabaygaas ku sheegaaya ayaa ila soo xidhiidhay. Hadaba, anigoo xaqiiqo raadis ah, qaybna aan ka ahayn suugaan-boobka waayadan la caadaystay, isla markaana dib ka sixi doona wixii qalad ah, waxan akhristayaasha ka codsanayaa inay bal isku dayaan inay ila soo wadaagaan cidda ay u arkaan inay gabaygaas leedahay, iyo wixii xujo ah ee ay sheegashadooda ku taageerayaanba. Wixii baadhitaankayga xaqiiqo-doonista ah iiga soo baxa dib baan ka sheegi, isla markaana, qisadan oo buug dhawaan soo baxaaya qayb ka noqon doonta ayaan sida saxda ah ku sheegi. Dabcan waa hadii ay ii cadaato in sidaan horey u sheegay ay qalad tahay.

Ku soo dhawaada qisada qaybteeda 9aad:

…….Aw mirqaan dhawr ilig baa maalintaas laga soo tuuray, waxaana shuftadii kaga qayliyay dadkii baska, hadii aanay ka baqaynin in booliisku ku soo gaadhona, malaha waabay u dhamayn lahaayeen. Abaal iyo gacan-celin waafi ah ayay nimankii uu inantiisa hadiyadda u siiyay u gaysteen. Koleyba way dhadhansiiyeen ma hadho uu ku xasuusto qiimihii ay u yeeleen. Saamiya dhacdadaas aad bay ugu faraxday, waxaanay u qososhay si aanay uba qoslin muddo dheer iyadoo wax cabsan mooyee. Arintaas dadkii oo dhan, oo ay xataa ku jiraan kooxdii budhcada ahayd ayaaba la yaabay, laakiin cid sababta garanaysaa maba jirto iyada mooyee. Waxad moodaysay wax kasta oo nolosheeda ka qaldamay inay aargoosigiisa ku jirtay, waxaanay si xoogan ugu qanacsanayd inaan Aabaheed waxba gaadhin marka la garab dhigo waxa ay iyadu ka tabanaysay. Isaga oo kaliya godob uma hayso ee Soomaalida oo dhan bay col daahii go’ay la tahay, waxaanay badiyaa ku fikirtaa sidii ay nafteeda ciilka ku raagay uga bogsiin lahayd, way se ogtahay inaanay sinaba uga bogsanaynin. Waxay kooxda ku soo dartay hablo iyo wiilal Soomaaliyeed oo horeyba ka fuulay wiishkii ay waayadanba iyadu saarnayd. Ma hubto wadadani meesha ay ku dhamaato in kastoo ay si u dareensantahay inaanay jihadii saxda ahayd kolnaba ahayn, dan se kama laha.

*** Geesta kale, Aw Mirqaan sidii uu waagii ugu guulaystay ololihii uu u bixiyay Gabooye la dirirka iyo badbaadinta sharafta reerka, waakii toshay koofiyad way nee oday-beeleed waxgarad ah isu dhigay. waakii marfashkii uu odayga ka ahaa ka bilaabay sheeko ku saabsan siyaasada iyo hogaaminta. Wuxu sheegaa siyaasadu inay tahay in dadka wixii la kasban karo la kasbado wixii la doonoba ha loo shegee. Sabab ay ka tahayba, waayadan dambe wuxu marfashka uga ololayn jiray in taageero dhaqaale loo gaysto urur ay abuureen dhalinyaro uu hormuud u yahay Liibaan Axmed oo samaan doon ah. Ururku wuxu u taaganyahay in waxbarasho la gaadhsiiyo caruuraha agoonta ah iyo kuwa ku dhaqan deeegaamada miyiga ah ee beeshiisa. Aw Mirqaan wuxu sheegaa in ururkaas qaadhaan la siiyo, laakiin isagu abidkiis waxba kuma darsan in kastoo uu ku celceliyo wanaaga ay leedahay fidinta aqoonta iyo taageerada agoomuhu. Ololahaas uu afka kaga qayb qaato si xoogan buu ugu jiraa, warkiisuna gudaha si wacan buu u gaadhay. Waakii maalmo badan oo la diraayay qaadhaan la ururiyay isagu gadhwadeenka ka noqday, qoladii gudahana la hadlay. Liibaan Yuusuf oo ah inadeerkiis, ahna ninka qorshahaba soo galiyay wuxu ogyahay, hadii uu Aw Mirqaan gees u riixo, ama ku khasbo inuu wax bixiyo, inay khasaare badan u keenayso, dadka inta ku xidhan na uu kaxaysanaayo. Marar badan buu ku yidhi, “Waadigan qabiilka uun ka warama habeen iyo maalinba ee marka qaadhaan la is waydiiyo ee dugsi lagu dhisaayo maxaad indhaha la taagtaa?” Aw Mirqaan eedaas kama jawaabin, inuu ka jawaabona ma doonaynin. Marka aanay Liibaan iyo kooxdisu joogin ee xaruntiisa uu ku qayilaayo had iyo jeer telefoono ayuu diraa, waxaanu ku doodaa inay xoolihiisii oo dhami ku dhamaadeen qaadhaanka beesha, dadka meesha la joogaana aanay karti ay wax ku bixiyaan lahayn, reerkana daacad u ahayn.

Waakii lixda caaqil ee beesha, shanta nabadoon iyo shanta suldaan ee Reer-Qudhac marba qaarkood nin iyo konton doolar u diray, waxaanay taasi u abuurtay sumcad wayn. Indhahooda wuxu ka qoranyahay halyay, waxaanay maqleen, oo aad ugu sed-buriyaan, inuu Reeraha Reer-Qansax iyo Reer-Qodax god madaw biyo ugu shubay, oo aad u caayo, ninka reerka loo mari waayay xaga qurbahana uu isaga yahay. Waatii ay saaxiibkiis Qaadiro iyo Been ma sheege kula taliyeen inuu wadankii tago, xusbi siyaasadeedna furto si uu madaxwayne u noqdo. Waxay falanqayn ku sameeyeen fursadaha uu haysto si uu himiladaas u gaadho, jawaabihii u soo baxay oo dhamina waxay noqdeen kuwii ay doonaayeen. Waxay u sheegeen inuu siyaasi dhab ah, iyo hogaamiye darajada koobaad ah yahay. Caqabada kaliya ee haysata waxay ku sheegeen saaxiibadiis, inay tahay dhiirasho la’aan. Canaan tiro badan, oo dhan kastaba lagaga yimid baa loo akhriyaayay ilaa waabarigii, waxaanay u sheegeen inuu walaca iska dhaafo oo maanta uu dhexda xidho. Waxay xasuusiyeen inaanay beesha Reer-Qudhac siyaasi kale, oo sumcad lehba lahayn, doorkanina uu kiisii yahay, waa se hadii uu sidaas ula garto oo kaliya. Arintaas wuu u guuxay Aw Mirqaan, waxaana la isku raacay in shir balaadhan loo qabto waxgaradka, haweenka iyo dhalinta beesha wixii la gaadhi karo ee Ingiriiska ku dhaqan, oo ay ku jiraan Liibaan iyo kooxdii ururka samafalka ee beeshu.

Maalintii la balamay waatii la isu yimid, waxaana goobtaas wacdaro ka muujiyay ninkii Aw Mirqaan iyo labadiisii saaxiib oo tolkii aad u guubaabiyay, kana qiiraysiiyay. Hadaladii lagu dheeraaday, ee la iska daba maray, dadkana aad u taabtay waxa ka mid ahaa, “Beel tiro badan baynu nahay, deegaan balaadhan iyo dhaqaalena waan leenahay, wadanka waxa aqoon taala gabaigeedna inaga ayaa marti la inooga yahay! Ilmaadeerayaal iyo walalayaal, Dhulkeena waxa macdan iyo baasiin ku jira, iyo waxyaabaha aan wali cidiba ogaanin tiroba ma laha oo wad ka dharagsantihiin. Waxad xasuusantihiin siday nala tahay, islaan Ingiriis ah iyo nin Shiinaha ka socday oo aan is ogayni inay waligoodba sheegi jireen in deegaanka beesheenu uu macdan ka buuxo, sababtaasna ay tahay midda ay dhulkeena geedo badani uga bixi waayeen. Dhirta ugu badan ee deegaankeenu waa kuwa qodaxda leh, kuwaasina waa astaanta ugu wayn ee tilmaanta u ah macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah.

Waxaas oo dhan caalamku waa ogyahay ee cid baan u dhaqaaqin. Beelaha liita ee deegaankeena martida ku ahina ma rabaan in xaqiiqadaas la ogaado, inaguna waan ka hurudnaa. Geesta kale, meeshii Ilaahay wax dhigay uun bay wax yaaliine, beelaha kale tacliin, garasho, geesinimo iyo karti midkoodna ma laha hal-hal qof iyo laba ay hablo beesheena ahi dhaleen marka laga reebo. Iyadoo ay sidaas tahay, oo dhaqaale, aqoon, dadnimo iyo deegaan aanu midna inagu yarayn ayaan hadana kala daadsanahay oo aynaan marnaba madaxnimo soo doonanin! Hadaynaan inagu xaalada noocaas ah badalin, yaa badali doona? Saw gabdhaheenu guur beeli maayaan?

Ilaahay wuxu yidhi, “Qolo aan is doorinin ilaahay ma dooriyo, saw maaha?” Walalayaal, anagu waxan manta ku tashanay, oo naga go’aan ah, in aan xisbi beesheena ah furno, aqooyahanka beeshana ku ururino, hogaamiye Fatxi Xaaji Yaasiin, oo uu dhalay ganacsadihii caanka ahaa, ee aad wada taqiineenna uu caynaanka u qabto xisbiga iyo umadaba! Guubaabo noocaas ah oo tiro badan, oo aan macnaheeda iyo miisaankeeda toona loo miidaan dayin baa la waday, dadkiina aad bay uga qiirodeen, mashxarad iyo sacabkuna waa kala joogsan waayeen. Liibaan Axmed oo ka mid ah dadka aad loo ixtiraamo ee shirka joogay, Aw Mirqaana ay cidba isu xigaan, aadna u yaqaana ayaana hadalkii qaatay markii ay ka baxeen kooxdii shirka soo qabanqaabisay. Meel uu hadalkii ka bilaaboba wuu garan waayay, waxaanu isagoo qoslaaya akhriyay gabaygii caanka ahaa ee Hadraawi:

“Rag siyaasi wada noqoy, Wada furay silsiladaha.

Hadba tu aanu suurayn, yidhi anigu aan saxo.

Sarif hadal ku daaldaal, Marwo dumar ku noqoy saxal.

Adna hooyo saxarlaay, Surin kugu banaanaa.”

Wuxu dareemaayay inay meerisyada uu sheegay ku filaynyihiin wixii uu sheegi lahaaba, qolada uu la hadlayaana si wacan bay dulucdiisa u fahmeen. Waxa mar kaliya Liibaan ku soo wada dhacay waxa uu Fatxi-mirqaan ka hadlaayo inaanu shaqo ku lahayn, uuna ku fashilmay hogaamintii qoyskiisa iyo maamulkii naftiisaba. Waxoogay buu yar aamusay, waxaanu yidhi, “Dhismaha xisbiga aad sheegteen, iyo hogaaminta umadu karti iyo aqoon bay rabtaa, fikir hufan, oo daawo u raadinaaya mashaakilka kala duwan ee umadda haysta ayay rabtaa, sumcad qof ahaaneed iyo sariigasho ayay rabtaa, maxaad ku keenteen qisadan aad wadaan?” Isagoo sii wada hadalka ayuu Liibaan yidhi, “Intii aad hadlayseen mar qudha maydaan sheegin qorshe dhaqaale, mid tacliineed, difaac qaran, daryeel deegaan iyo waxyaalaha la hal maala ee ay tahay inaad fikir ka yeelataan. Kursigu kiro iyo ma lacag baa, miyaa layska korayaa?” Aw Mirqaan oo is hayn la’aa intii Liibaan hadlaayay ayaa yidhi, “Waan garanay warkaaga, waa dhako kale, waana lagaa dhex guuxayaa. Adiga qoladan Reer-Qansax ee labadeenaba ina dhashay ayaa kugu shaqaysata, iyakuna inuu nin muuqda oo Reer-Qudhac ahi soo baxo ma ogola, iyadoo sidaas aanu kuu ognahay inaanu kuuba yeedhnaana qalad bay ahayd ee imikana ina kala kaxee hadii aanad rabin inuu midkeen dhinto.”

Hadana doodii dhinac kale ayuu u rogay Aw Mirqaan, waxaanu yidhi, “Qolyaha kale si kasta oo uu u liito ninkooda way taageeraan, iyaka ayaana wax ka dhiga. Haa, waad ogtihiin inaanay raga haatan muuqda oo dhami jeex iga gaadhaynin, sababta waxa ninkani sheegaayo aad u dhagaysanaysaana waa nacasnimo dhankeena ah oo aan daawo lahayn. Hadaanay sidaas ahayn Liibaan maba ku dhiiradeen inuu waxaas ku hadlo. Waar waxan uu shubayaa miyaanay qalad wada ahayn Ilaahay baaban idinku dhaariyee? Waar inaad hogaamiye noqotaa miyaanay kaliya u baahnayn uun inaad taageerada sadexda beelood ee waawayn laba ka mid ah isla heshid. Miyaanan sadexda beelood midkood ka dhalinin, labada kalena hadba tii sahlanaata aynaan wax ka dhaadhicin Karin. Dhaqaalaha, Tacliinta, difaaca… iyo waxan uu dhurayaa muxuu yahay? Dawladu ma dhaqaale ayay ka shaqaysaa ilaahay baa dadka risiqa siiyee. Tacliinta uu sheegayaa se maxay ahayd, qof kastaa ilmihiisa inuu malcaamad geeyo saw isaga uma taalo, maxaa aniga iga khuseeya?, Sidoo kale, difaaca qaranka ee uu sheegayo ayaaba iga sii yaabiyay ee muxuu ahaa? Reer-Qudhac yaa difaaci jiray waligoodba, miyaynaan Reer-qansax iyo Reer-Qodax abidkeenba ka adkayn? Miyay sida waranka loo tuuro iyo sida xabad loo rido toona yaqaaninn? Miyaynu waligeenba yaa ina daafacaaya ka warwarnay, maanka laga qaadka xagee laga haystaa? Abti baa jiidanaaya ee ha la yabina.”

Markuu sidaas lahaa, wuxu xasuustay inay Liibaan iyo isaga isku qolo wada dhashay, markaa si uu isaga duwo ayuu yidhi, “Isagu wuxu ku jab dhigay waxay xaafadaha kale ku shubaan buu sidooda isaga liqaa, laakiin aniga wad I garanaysaan oo abidkay reerahan aynu colka nahay wax ima gashanin, abtinimona la iguma khiyaamayn.”  Baaqii kama dambaysta ahaa ayuu hadalkiisii ku soo xidhay, waxaanu yidhi, “Waatii aan sheegay oo Liibaan Yuusuf-dhareerle wuxu ku shaqaynayaa fikirka Reerka dhalay ee Ilmaadeerayaal miyaad ii maqlaysaan?” Miyaanay ahayn inaynu markeena kursiga doonano?, miyaa la inaga xigaa?”

Mar qudha ayaa dadkii meesha fadhiyay oo dhami wada yidhaaheen kuu maqli mayno, geesi geesi dhalay baad tahay. Waan doonanaynaa kursiga, xaqna waan u leenahay ee nagu xisaabtan. Isla goobtii ayaa dadkii lagaga codsaday inay ka talo dhiibtaan magaca xisbiga loo bixin lahaa, rogrog badan kadibna, waxa la isku raacay magacii uu Qaadiro soo jeediyay oo ahaa “Halkanay ka dhawdahay.” Aad baa loo sacabiyay, Qaadiro na wuxu dareemay farxad nafsadeed oo baladhan. Waxa sidoo kale isla goobtii laga magacaabay gudigii beesha ee Xisbiga iyo Gudoomiye Aw Mirqaan taageeri lahayd, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha.

***La soco qaybta 10aad*****

M. Haaruun

— Tibaax iyo tilmaan: “Sheekadani waxay kaalinta kowaad ka gashay tartankii Sheeko iyo Shaahid 2012, waxana halkan dib loogu dabacay oggolaansho rasmi ah oo waafaqsan sharciga xuquuqda faafinta iyo xeerka barnaamijka Sheeko iyo Shaahid, oggolaanshahaas oo laga helay maamulka barmaamijka. Xuquuqda hal-abuurku waxay u dhowran tahay qoraaga oo lagala xidhiidhi karo: mbiixi@googlemail.com.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *