Hargeysa(ANN)Allah ha naxariistee waxa saaka ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Taliyihii Ciidanka Qaranka ee Gobolada Bari  ee Somaliland Sareeye Gaas, Maxamed

Cabdi Aadan  oo magacdheeraa (Dhancade), kaas  oo ku geeriyooday gurigiisa magaalada Hargeysa. 
Sareeye Gaas,  Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade), waxa loo sameeyay aas qaran, iyadoo aaska Marxuumka ay ka qaybgaleen Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, xubnaha Labada Gole Baarlamaan , Saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne tiro badan.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Dawladii Somalia, isla markaana kasoo shaqeeyay meelo badan, balse markii danbe la xidhay sideetanaadkii, isagoo ka mid ahaa Saraakiishii lala xidhay Madaxweyne Xigeenkii Somalia Ismaaciil Cali Abokor.
Sida ay sheegeen saraakiisha aqoonta u lahaa Marxuum Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade), wuxuu tan iyo markii la aasaasay ciidanka Qaranka Somaliland ka mid ahaa saraakiisha Ciidamada Somaliland, wuxuuna sanadii ugu danbeeyay ahaa Taliyaha Aaga Ciidamada Gobolada Bariga ee Somaliland, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Somaliland.  

Dhinaca kale Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  tacsi u diray Ciidamada Qaranka JSL, isaga oo ka tacsiyadaynaya  geerida ku timi Allah ha u naxariistee  Taliyihii Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari Sareeye Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade). 
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taa  la mida u diray sida lagu sheegay dhanbaal tacsi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland  Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Allah  ha u naxariistee Marxuum Sareeye Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 02-04-2013 laguna aasay Maanta.

Madaxweynha Somaliland ayaa qoraalkiisa Tacsida ah  ku sheegay  in  Marxuumku ahaa  Halyey Qaran oo kaalin muhiima ka soo qaatay difaaca dalka, kaalin muhiimana kaga jiray ciidamada qaranka JSL, iyo Dalkaba, wuxuuna madaxweynuhu Marxuumka uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Qaranka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan uu ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *