Burco(ANN)Shirkada isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku soo bandhigtay ku dhawaad afar adeeg oo cusub,  kuwaas

 

oo loogu tala galay macaamiisha shirkada Telesom inay isticmaalaan.

Xaflada Munaasibada lagu soo bandhigayey adeegyada cusub ee Shirkadda  Telesom oo ka qabsoontay xarunta shirarka ee shirkada Telesom ee magaalada Burco,  waxa ka qayb galay madaxa waaxda horu marinta iyo ganacsiga ee shirkada Telesom Cabdi Salaan Ismaaciil Nuur, madaxa suuq gaynta ee shirkada Telesom Cabdiraxmaan Aar, masuuliyiinta shirkada Telesom ee gobolka Togdheer, madaxda shirkadaha Beder, Ilays iyo marti sharaf kale oo badan.

Madaxa waaxda horumarinta iyo ganacsiga ee shirkada Telesom Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo ka hadlay halkaa ayaa ka waramay adeegyada cusub ee ay shirkadu daaha ka fayday iyo sida ay u shaqaynayaan, adeegyadaas oo kala ah

 


Kayd Services oo ah adeeg kuu sahlaya in marka mobile-ku lumo lanbaradii kaaga jiray aad dib u heli doonto, fariimaha codka oo ah adeeg fariinta codka aad ugu gudbinayso mobile kale, IVR oo ah adeeg loo sameeyey ganacstada dalka,  kaas oo ay wax ku xayeysiisan karaan.
Sidoo kale Mr.  Cabdiraxmaan Aar oo isaguna munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay inay adeegyadani yihiin kuwo faa’iido balaadhan u leh bulshada cid kasta oo isticmaasha oo ay macaamiisha usoo kordhiyeen.

Madaxda shirkadaha Beder iyo Ilays Mr.  Cali Mahdi Ismaaciil oo munaasibadan ka hadlay ayaa shirkada isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ku amaanay daah furka adeegyadan cusub ee ay soo bandhigtay.

Gebagebadii munaasibadaa wax aka hadlay Maamulaha shirkada Telesom ee gobolka Togdheer Maxamuud Xaaji Ibraahin oo sheegay  waxyabaha ay  soo bandhigeen  shirkadoodu  ee  guulaha ay shirkada Telesom gaadhay mudooyinkii u danbeeyey,  wuxuuna si cad u sheegay inay adeegayada ay shirkada Telesom macaamiisheeda soo gaadhsiisay 52 adeeg oo kala duwan oo ay hada isticmaalaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *