Djibouti(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti  Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa manta  si rasmi ah u soo magacaabay Xukuumad cusub, iyadoo xubnaha xukuumadda cusub

uu ugu horreeyo Raysal-wasaaraha dawladda Djibouti, kadib markii uu shalay  iscasilaad u gudbiyey Raysal-wasaarihii hore ee dalkaa Dellayta Maxamed Dellayta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti  Ismaaciil Cumar Geelle oo ka duulaya is-beddelka doorashadii dhinaca Baarlamaanka ee bishii labaad ee sannadkan ka qabsoontay dalka Jabuuti, waxa uu sameeyey Xukuumad cusub oo ay ku yar-yihiin xubnaha ku cusub ee aan hore uga xilal uga soo qaban Xukuumaddii hore ee Raysal-wasaare Dhilayte Maxamed Dhillayte oo isagu shalay is-casilay. Waxaanu Madaxweyne Geelle Raysal-wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti uu u magacaabay Cabdilqaadir Kaamil Maxamed oo wax ku soo bartay waddanka Faransiiska oo uu ka baxay Jaamacad ku taalla, waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay Xisbiga madaxtooyada iyo dawladda Jabuuti.

Xoghayaha guud ee Madaxtoooyada Jabuuti Maxamed Xasan, ayaa Warbaahinta u akhriyey shalay magacyada xubnaha cusub ee Golaha Xukuumadda Jabuuti, oo uu ugu horreeyo Raysal-wasaaraha oo loo magacaabay Cabdilqaadir Kaamil Maxamed. Waxaana xubnaha Xukuumadda la magacaabay ay ka kooban yihiin 19 Wasiir iyo Saddex Xoghaye. Liiska magacyada Xukuumadda cusub ee Jabuuti ee uu akhriyey Xoghayaha guud ee madaxtooyada Jabuuti waxa uu u dhigan yahay sidan:-

1-       Cali Faarax Casoowe; Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Jeelasha iyo Xuquuqda Aadamaha qaabilsan waxa

2-       Ilyaas Muuse Abu-dawaale, Wasiirka Maaliyadda, Dhaqaalaha, qaabbilsanna Wershadaynta

3-       Xasan Dharaar Hufane: Wasiirka Gaashaandhigga

4-       Maxamuud Cali Aw-Yuusuf: Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah

5-       Xasan Cumar Maxamed Burhaan: Wasiirka arrimaha gudaha

6-       Buuni Axmed Rooble: Wasiirka Miisaaniyadda

7-       Dr. Qaasin Isaaq Cusmaan: Wasiirka Caafimaadka

8-       Dr. Jaamac Cilmi Cokiye: Wasiirka Waxbarashada Qaranka iyo Tabobbarka Xirafaha

9-       Dr. Nabiil Maxamed Axmed: Wasiirka Tacliinta sare iyo Cilmi-baadhista

10-   Maxamed Axmed Cawaale: Wasiirka Beeraha, Taranka Xoolaha iyo Ka faa’iidaysiga khayraadka Badda

11-   Muuse Axmed Xasan: Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabaynta

12-   Aadan Xasan Aadan: Wasiirka arrimaha Islaamka, Dhaqanka iyo Hantida Waqfiga

13-   Cali Yacquub Maxamuud: Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Debeeciga ah

14-   Cali Xasan Bahdoon: Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo War-is-gaadhsiinta

15-   Cabdi Xuseen Axmed: Wasiirka Shaqada iyo Dib-u-habaynta Maamulka

16-   Maxamed Muuse Ibraahim: Wasiirka Hoyga, Magaalaynta iyo Deegaanka

17-   Xasna Barkhad Daa’uud: Wasiirka horumarinta arrimaha Haweenka iyo horumarinta Qoyska

18-   Axmed Cali Sillaay: Wasiirka Iskaashiga caalamiga ah

19-   Xasan Axmed Bullaale: Wasiirka Ganacsiga, Farshaxanka iyo Dalxiiska

20-   Sahra Yuusuf Qayaad: Xoghaye-dawladeedka Istaageerisa Qaranka

21-   Aamina Cabdi Aadan: Xoghaye-dawladeedka qaabbilsan guryeynta

22-   Dabiil Xasan Dabiil: Xoghaye-dawladeedka Dhallinta iyo Ciyaaraha.

Xubnaha Xukuumaddan ku cusub ayaa ah shan xubnood oo keliya, halka xubnaha inta kale ay isugu jireen masuuliyiin xilal ka soo qabtay Xukuumaddii hore iyo kuwo shaqaale ka soo ahaa Hay’adaha dawladda ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *