-
Published On: Mon, Mar 7th, 2011

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Geeriyooday

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Alla hawnaxariistee guddoomiyihii rugta Ganacsiga Somaliland C/raxmaan Faarax Sugaal ayaa galabta ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Magaadala Hargeysa. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelada marxuumka.

Marxuum C/raxmaan Faarax Sugaal wuxuu ahaa Ganacsade caan ka ah magaalada hargeysa, isla markaana wuxuu mudo dheer gudoomiye u ahaa rugta ganacsiga Somaliland, isagoo dhinaca kalena lahaa ganacsi gaar ah.
Marxuumka ayaa maalinta beri ah lagu aasi doonaa magaalada Hargeysa.
Tafaftiraha Shebekada Araweelonews, maamulka iyo hawlwadeenada  ayaa iyagoo ka tiiraanyaysan geerida marxuumkaa, waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana jannadii ka waraabiyo. Aamiin Aamiin

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>