Hargeysa(Araweelo News Network)Ururka Samo-falka iyo Horumarinta Bulshada Ee Tabantaabo ayaa habeenkii xalay kulan afur ah usameeyey 70 Xubnood oo ka mid ah,

Qurbajooga Degmada Sabawanaag Kulanka Afurka ah oo ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horeyntii Warbixin kooban oo ku saabsan ujadadii kulankan loo qabtay iyo xog-waran ku saabsan waxyaabihii ururkan uqabsoomay mudadii uu jiray madasha ka soo jeediyey Gudoomiyaha Guud ee Ururka Tabantaabo Mr.Xamse Gaaxuug oo ku dheeraaday kaalinta uu qurba-joogu kaga jiro horumarinta dalka iyo dadkaba isagoo isla markaana xusay in Ururka Tabantaabo loo aasaasay sidii loo horumarin lahaa Deegaanada Sabawanaag iyo Nawaaxigeeda .
Gudoomiye Xamse Gaaxnuug ayaa sidoo kale waxa guud marey waxyaabihii Ururkooda Tabantaabo u qabssoomay mudadii uu jiray taasoo uu tilmaamay in Ururkoodani Kaalin weyn ka qaatay Horumarin balaadhan oo dhinacyada Waxbarashada ,Caafimaadka Biyaha iyo dhamaan Baahiyaha Bulshada ah oo dhawaan laga bilaabay Deegaanka Sabawanaag Taasoo uu Xusay in Ururkoodu utaagan yahay sidii xal loogu heli lahaa Baahiyaha bulsho ee ka taagan deegaanka degmada Sabawanaag
Dhinaca kale Gudoomiye Xamse Gaaxnuug ayaa qurbajooga Degmada Sabawanaag ku guubaabiyey inaay kala qayb-qaataan dadaalkaa ay ku jiraan ururkoodu isla markaana ku booriyey Xubnaha ka tirsan qurbe-jooga degmada ee sida Xilkasnimada ah uga qayb-qaata hawlaha lagu horumarinaayo Degmada.
Gudoomiye Xamse Gaaxnuug ayaa waxa uu si gaara ugu mahadnaqay Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ,Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Mowliid Waris C/laahi iyo Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida Qurbajooga Degmada oo uu xusay inay tahay Xubinta ugu firfircoon Qurbajooga Degmada isla markaana ugu taakulada iyo taageerada badan ururka iyo Ganacsade Xaaji C/fataax Xuseen Gamaameeye oo ka mida ganacsatada dalka joogta ee u dhalatay deegaanka oo uu xusay inuu yahay xubinta ugu firfircoon isla markaana ugu kaalmada badan ee ururka ku xidhan.

Sidoo kale waxa iyana warbixin kooban madasha kasoo jeedisay Marwo Aamina Casayr Magan oo ah Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Ururka Tabantaabo oo iyana dhankeeda ka warbixisay waxyaabbihii u qabsoomay garabkooda iyo sidoo kale qorshehooda dhow ee ay hiigsanayaan ,
Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Ururka Tabantaabo Marwo Aamina Casayr ayaa waxay hadalo guubaabo iyo dhiirigalin isagu jira madasha ugasoo jeedisay Qurbejoogii Degmada Sabawanaag ee kulanka isugu yimid iyadoo isla markaana ku adkaysay inay sida ugu wacan uguna macquulsan ugasoo qayb-qaataan horumarinta Deegaankooda.
kulanka Afurka ah oo ahaa mid la isku arkay ayaa waxa sidoo kale Hadalo kasoo jeediyey Guudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mudane Maxamed Shugri Xulul ,Gudoomiyaha Haayada ICT-ga Qaranka Mr.Cali Cabdilaahi Daahir ,Xoghayaha Dawlada hoose ee Hargeysa Mowliid Waris , Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida Qurbajooga Degmada iyo Ayaan Axmed Baashe oo kamida Saraakiisha Sare Ee Wasaarada Arimaha Gudaha kuwaasoo dhamaantood iska daba-marey in loo midoobo isla markaaana la iska xil-saaro sidii wax loogu qaban lahaa Deeganka Degmada Sabawanaag.
Dhinaca kale Xubnihii Qurba-jooga ee madasha joogay ayaa goobta kaga dhawaaqay qaadhaan lacageed oo ay ugu deeqeen horumarinta degmada iyadoo isla markaana ay ugu miisaan cuslaayeen xubnihii madasha qaadhaanka kaga dhawaaqay Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo madasha ka dhiibtay Lacagtii ugu badnayd ee qof qurbejoog ahi ugu deeqo degmada taas oo dhamayd 10,000 $ toban kun oo dolar iyo sidoo kale Marwo Siraad Burku-joog oo madasha ka dhiibtay 2000$ waxa isaguna madasha 500$ ka dhiibay Mr.Xidig Cabdiyare oo kamida qurbajooga Degmada ee Dalka Sweden iyo C/baasid Xildhibaan Timacade oo ka mida ardayda Deegaanka Sabawanaag ee wax-ku barta Dalka Chine (Shiinaha) ayaa isna dhankiisa madasha ku gudoonsiiyey ururka Tabantaabo Solaro uu ugu talo galay Macalimiinta Dugsiga Boodhinka ee Degmada ,dhinaca kale xubo tiro badan oo kamida dal-jooogta iyo qurba-joogta Degmadan ayaa madasha kaga balan qaaday qaadhaan kala duwan oo tiro badan.


Dhinaca kale ayaa waxa isna Warbixin dheer oo guubaabo iyo mahadnaq isagu jirtay madasha kasoo jeediyey Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey isagoo isla markaana ku dheeraaday waxqabadka baaxada leh ee uu ka keenay ka Suldaan ahaa Xukuumadihii talada kala dhaxlay ee dalka isaga danbeeyey isagoo isla markaana carabka ku adkeeyey in Xukuumada hada talada haysaa ay tahay Xukuumadii ugu waxqabadka badnayd Deegaanka Sabawanaag ee soo marta dalka isagoo isla markaana usoo jeediyey dadweynaha Deegaanka Sabawanaag inaanay ka abaal ka dhicin waxqabadkaas mudakarkaa ee dhan walba leh isagoo dhanka kalena soo bandhigay banaadyo mugle oo uu xukuumada ka hayo,  isla markaana dhakhso looga fulin doono Deegaanka Sabawanaag insha allaah.
Gabagabadii Xafladan ayaa waxa Ururka Tabantaabo Shahaado Sharafyo Abaal marin iyo dhiirigalin madasha ku gudoonsiiiyeen sadex qof oo ka mida dadweynaha Deegaanka Sabawanaag oo ay xuseen inay sidii loo baahnaa iyo si kasii wacanba uga shaqeeyeen ugana qayb-qaateen hawlahii Horumarinta Degmada ,sadexdan qof ayaa waxay kala ahaayeen Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida Qurbajooga Degmada oo uu xusay inay tahay Xubinta ugu firfircoon Qurbajooga Degmada isla markaana ugu taakulada iyo taageerada badan ururka iyo Ganacsade Xaaji C/fataax Xuseen Gamaameeye iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Mowliid Waris C/laahi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *