Marxuum Abokor Xasan Dhunkaal1Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan

 

Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay geerida Marxuum Abokor Xasan Dhunkaal oo ka mid ahaa Odayaasha ugu caansan cuqaasha Somaliland, isla markaana ahaa Chief Caaqil si weyn loo ixtiraamo.
Marxuukma oo mudooyinkan xanuunsanayay ayaa habeen hore ku geeriyooday dalka Yemen oo xaalad caafimaad loo geeyay, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland dhanbaal tacsi ah u diray
Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii, Asxaabtii, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi Chief Caaqil Abokor Xasan Dhunkaal oo ku geeriyooday Dalka Yaman.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Oday dhaqameed taariikh ma guurto ah ku leh dalka, isla markana kasoo shaqeeyey dib u dhiska dalka iyo dadkaba wakhtigii uu Chief caaqilka ahaana lagu xasuusan doono sidii qiimaha badnayd ee uu uga dhex muuqan jiray shacbiga isaga oo u adeegaya dadkiisa iyo dalkiisaba, ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland eek a hadlayay geerida Marxuum Abokor Xasan Dhunkaal, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenku  ALLE uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi dhanbaalka Tacsida ah.

Allah ha u naxariistee Marxuum Abokor Xasan Dhunkaal oo ahaa Chief Caaqil si weyn looga yaqaan deegaamada Soomaalida iyo geyiga Somaliland, wuxuu kasoo jeeday Qoys taariikh facweyn ku leh Bulshada Somaliland, gaar ahaan gobolada Sanaag, Togdheer, Saaxil iyo Sool, wixii ka horeeyay gobonimadoonkii iyo xiliyadii halganka gobonimadoonka iyo halgankii dalka lagu xoreeyay ilaa dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka oo uu Marxuumka laftiisu ka mid ahaa Odayaashii doorka wax ku oolka ah kasoo qaatay.
Maamulka, Hawl wadeenada iyo Weriyayaasha shebekaddaha Araweelo News Network iyo Arraweelo.com, waxay tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo Bulshada Somaliland iyagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timi Marxuum Chief Caaqil Abokor Xasan Dhunkaal, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo, marxuumkana Illaahay naxariistii janna fardawsa ka waraabiyo. Inaa Lilaaah Wa Inaa Ilayhu Raajicuun.

 

Hargeysa(Arraweelo News)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay geerida Marxuum Abokor Xasan Dhunkaal oo ka mid ahaa Odayaasha ugu caansan cuqaasha Somaliland, isla markaana ahaa Chief Caaqil si weyn loo ixtiraamo.

Marxuukma oo mudooyinkan xanuunsanayay ayaa habeen hore ku geeriyooday dalka Yemen oo xaalad caafimaad loo geeyay, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland dhanbaal tacsi ah u diray

Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii, Asxaabtii, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi Chief Caaqil Abokor Xasan Dhunkaal oo ku geeriyooday Dalka Yaman.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Oday dhaqameed taariikh ma guurto ah ku leh dalka, isla markana kasoo shaqeeyey dib u dhiska dalka iyo dadkaba wakhtigii uu Chief caaqilka ahaana lagu xasuusan doono sidii qiimaha badnayd ee uu uga dhex muuqan jiray shacbiga isaga oo u adeegaya dadkiisa iyo dalkiisaba, ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland eek a hadlayay geerida Marxuum Abokor Xasan Dhunkaal, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenku ALLE uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi dhanbaalka Tacsida ah.

 

Allah ha u naxariistee Marxuum Abokor Xasan Dhunkaal oo ahaa Chief Caaqil si weyn looga yaqaan deegaamada Soomaalida iyo geyiga Somaliland, wuxuu kasoo jeeday Qoys taariikh facweyn ku leh Bulshada Somaliland, gaar ahaan gobolada Sanaag, Togdheer, Saaxil iyo Sool, wixii ka horeeyay gobonimadoonkii iyo xiliyadii halganka gobonimadoonka iyo halgankii dalka lagu xoreeyay ilaa dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka oo uu Marxuumka laftiisu ka mid ahaa Odayaashii doorka wax ku oolka ah kasoo qaatay.

Maamulka, Hawl wadeenada iyo Weriyayaasha shebekaddaha Araweelo News Network iyo Arraweelo.com, waxay tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo Bulshada Somaliland iyagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timi Marxuum Chief Caaqil Abokor Xasan Dhunkaal, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo, marxuumkana Illaahay naxariistii janna fardawsa ka waraabiyo. Inaa Lilaaah Wa Inaa Ilayhu Raajicuun.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *