Somaliland: Anti-Tribalism Movement is non-profit social reform movement that works with tribal communities with the view to promote tolerance, reconciliation and forgiveness.

Through a combination of community workshops, conferences and reconciliation days, Anti-tribalism Movement has sought to educate tribal communities of the negative impact of tribal discrimination and promote tolerance and unity.
We have launch this campaign to crackdown the sicknesses of tribalism in Somaliland by promoting a new approach  of social, economical and political diverse within all members of Somaliland communities. This will bring a better political stability for our country by laying the foundation and the milestone of patriotism for the future generations of Somaliland and its leadership.

QORMADA QARANKA SOMALILAND-QABYAALAD DIID waa Urur ku bahoobay, kuna walaaloobay ladagaalanka xumaha qabyaalada. Waa Urur yar iyo weyn, rag iyo dumarba ku qancay in shayga qudha ee Somaliland burburin karaa ay qabyaalad tahay. Waa Urur aduunka meelkasta ka jooga ayagoo xidhiidh fiican ka sameeyey xaga Facebook ga. Maadaamoo si dhakhso ah ufidayo waxaa uu ka shaqayn doonaa sidii  bulshada reer Somaliland ay u heli lahayd Website balaadhan ooy ka heli doonaan macluumaad badan iyo codkaaga oo lamaqlo iyo meelo aad cabashadaada ugudbisan karto. Ururku waxuu soo dhawaynayaa cidkasta oo muwaadin ah, ama shicib ha ahaado ama dawlad amase mucaaradba. Waxaad hada nagalasoo xidhiidhi kartaan xaga Facebook ga.

Waxaan hadaba xaga hoose ku xusay talooyin Ururku jecleysteen inay ugudbiyaan shicibka reer Somaliland, dawlada iyo mucaaridka Qaranka.

Waxaa horta maanta nasiib daro ah in qarniyo badan dib loo noqdo, Laguna faano ama meel laysla soo taaga waxii laga xishoon jiray oo ah Qabyalad.
Mudooyinkii u dambeeyeeyey waxaa wadanka hadheeyey olole qabyaaladeed oo waliba bishii barakaysnayd ee Ramadaan la dhex eryayo.
Qofka bani’aadamka ahi markuu fikiro, fikirkaas ayuu ficil u rogaa. Tusaale ahaan hadaan ka fikiro inaan meel tago waxaan kafikiri sidaan ku tagi lahaa oo ah ficilkii ama lug ama gaadiid miduun hanoqdee kadibna ficilka waxii kasoo baxa ayaa  faa’iido ama khasaare miduun dhala. Sidoo kale qofku ama Siyaasi ha noqdo ama dano kale halahaado ee markuu ujeedada uu doonayo ka fikiro, ficilka ama gaadiidka uu uraacayaa waxay tahay labo mid uun in gaadiid qabyaaladeed uu fuulo iyo in gaadiid cilmiyaysan uu fuulo si guusha uu doonayo u gaadho. Hubaal waxaa ah, ta qabyaaladeed in natiijadeedu ay Burbur iyo is nac ku dambayso, halka ta cilmiyeysani midho dhal leedahay.

Waxaan dadka reer Somaliland uga digayaa inay dadka iyo dalka daneeyaan halkay shaqsi jacayl iyo qabyaalad eegayaan.
Waxaan dawlada kula talinayaa in dal-dalooladeeda ay awdo, ayadoo ka fogaanaysa ficiltanka iyo waxyaabaha xasaasiga ku ah dhismaha iyo sharafta dawladnimo oo ugu horayn ay cadaalada wax kabato iyo qaybta shaqaalaynta wasaaradaha oo aad moodo in wasiirkastaa ciduu doono shaqaalaysiiyo asaga oon kafikirayn in shaqsigani uu noqon doono xubin ka mid ah dawlada oo hadii uu qaloocan yahay ama cilmiyan aanu Hanan karin jagadan ay noqonayso xubin dhismaha dawlada ka qaloocday hadaan sikale u dhigo waxaa badan cid wasiirku aanu Baayacmushtar uu leeyahay aanu ku aamineen laakiin adeega bulshada uu ku aamino.

Hadaba mar hadaan taabtay waxaan u arkayey dal-daloolada dawlada inaan hadana eego waxaan u arko in xalku yahay oo ah in dawladu abuurto Hay’ad balaadhan oo u xilsaaran shaqaalaysiinta wasaaradaha taasoo ka madax Banaan maamulka wasaaradaha ay shaqaalaysiinayo. Waa inay runtii ka koobnaadaan xubno mutacalimiin ah oo gaar ahaan ku xidhan xaga jaamacadaha si ay udiyaariyaan application forms ka kala duwan ee la isticmaali doono.

Waa in shaqaalaha dawlada siiyaan tobobar dawli ah oo ay ugu horayso in la baro wadaniyadi waxay tahay, sharciga wadanka ee shaqaalaha iyo xuquuqda muwaadinka uu u adeegayaa uu ku leeyahay.
Hadaan mida dawlada halkaa kaga baxo, waxaan inyar odhanayaa xisbiyada mucaaradka qaranka oo aan ugu horayn uga mahad celinayo dadaalka ay mucaarad ahaan isu dayayaan inay mucaarad taye leh noqdaan, taasoo aad moodo in caqalado qudhooda dhex mushaaxayaan xubnahooda shaqaale oon salka ku hayn halkey ka dagaal gali lahaayeen ama dawlada ka toosin lahaayeen.

Taas waxaan doonayaa inaan ka idhaa inay xulitaanka ay shaqaalahooda usoo xulayaan iska caabinta dawlada iyo hanashada shicibka ay dib ugu noqdaan oo qaar tayo leh soo xushaan si ay codkooda iyo samcadooduba kor usoo kacdo ayaga oo ka faa’iidaysanaya daloolada dawlada isuna dayaya inay tusmo ahaan ku buuxin karaan, waxaase nasiib daro ah  oo  imika dadka wax garadka ah ee wadanka daneeyaan badankoodu ka warqabaan, in ay dagaalo ba’ani inagaga socdaan siyaasadaha dibada taasoo dadka loo tusayo in xukumadu xuntahay ayadoo laysku dayayo sidii wadanka loo burburin lahaa oo ay ayaan daro tahay in mucaaradka qudhiisu uu qaskan siyaasad ahaan uga faa’iidayso is leeyahay hase ahaatee ay Burbur horseedayso ayadoo wadanka gudihiisa faragalimo  badan laga wado taasoo ladoonayo in lagu abuurayo nabada iyo xasiloonida loona aan haysano lana doonayo inaan ku biiro dawladaha faragalimaha noocaasa loo gaystey ee maanta nabad daro iyo ducuf dawladnimo hadhaysay.

Hadaba tashuushkan oo laynagaga furay halkaynu u buknay oo ah qabyaalad iyo Habar-Habar ayaa waxaad moodaa in shirarkoodii iyo xadhko maleegeediu qoorta laynoo sudhay, hadaba Waxaan mucaaradka usheegayaa in dayacnaanta dawlada ay si  kale uga faaiidaysta laakiin midnimada iyo wadaniyadaba ilaashaan kana feejignaadaan waxyaabaha wadanku ku burburayo waliba idinkoo cidii waxaas wada ee magaciina ku wadana iska qabanaya.
Waxaa mihiim ah in QABYAALADA meel looga soo wada jeedsado.
“Dugsi male Qabyaaladi Waxay Dumiso MOOYAANE”. AHN Abwaan Tima Cadde.

By Sociologist Saeed Issa Eleyeh

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *