Hargeysa(ANN)Allaah ha u naxariistee waxa caasimadda Hargeysa lagu aasay shalay marxuum Maxamuud Axmed Cali (Afqalooc) oo ka tirsanaa mudanayaasha golihii hore ee Wakiillada Somaliland, kadib markii uu Salaasadii ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo

loo geeyey xannuun asiibay.
Meydka marxuumka oo subaxnimadii hore ee shalay la keenay Hargeysa, waxa jinaasadda aaskiisa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Somaliland iyo boqollaal qof oo ka mid ah shacabka caasimadda Hargeysa.
Marxuum Mujaahid Afqallooc oo taariikh weyn ku lahaa halgankii dib-u-xoraynta iyo dhismaha qaranka Somaliland, waxa taariikh-nololeedkiisii oo kooban soo ururiyey Mr. Aadan Ciise Maxamed, waxaannu ku bilaabay sidan:
“Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Cali (Afqallooc, waxa uu ku dhasahy magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer sannadkii 1953-loo.
Waxbarashadiisii dugsiga hoose waxa uu sannadkii 1963-kii ka bilaabay dugsiga hoose ee Malko-durduro ee caasimadda Hargeysa, waxaannu ilaa fasalkii saddexaad ee dugsiga sare dhiganaayey dugsiga Faarax Omaar, waxaannu u gudbay fasalkii 4aad ee dugsiga 15 May ee ku yaalay Muqdisho, waxaannu Alla ha u naxarisitee mujaahidku wuxuu sannadkaas noqday amma galay kaalinta 1aad ee ugu sarreysay dhammaan ardeyda Soomaaliya
1975-kii waxa uu galay Kuliyaddii Ciidammadda ee Soomaaliya, isaga oo sannadkii 1977-kii ka qallinjabiyey kulliyaddaas, noqdayna sarkaalkii ugu sarreeyey ciidammadii ka qallin-jabiyey Kulliyadda Ciidammadii Soomaaliya. Isla sannadkaas waxa uu galay dagaalkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo ka galay meesha uu kula magac baxay Kunbalshe, waxaana halkaa ka soo gaadhay dhaawac culus oo ka muuqday loona tiring karo astaamaha dhimashadiisa, waxaannu qaatay dallacaad iyo bilad-sharaf geesinimo.
Sannadkii 1978-kii ilaa 1982-kii wuxuu macallin ka noqday Kulliyaddii Ciidammada Soomaaliya, sannadkii 1982-kiina waxa uu waxbarasho u tagay dalka Maraykanka.
Sannadadii 1984-kii ilaa 1989-kii waxa uu bare ka ahaa Kulliyaddii Jaalle Siyaad, waxaannu sannadihii 1989-kii ilaa 1993-kii ku jiray SNM, waxaannu ahaa Taliyihii Guutada 1aad ee saldhiggoodu ahaa hawdka magaalada Burco.”
Allaah ha u naxariistee taariikhda marxuum Axmed Cali ayaa hore ugu soo baxay barnaamijka ‘Raad-reebka taariikhda oo ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *