Hargeysa (ANN) Maareyihii hore  Hay’adda Korontada Hargeysa Md. Xassan Cisman Aadan (Sabce) ayaa sheegay in xilkaqaadistiisa uu masuul ka ahaa Chief of Cabinent Madaxtooyadda Mr. Xirsi Cali X. Xasan, oo uu sheegay in ay isku qabteen lacago dayn ah oo Hay’adda Kortadu ku lahayd

Xukuumada, lacagtaasi oo ahayd   Halbilyan iyo dheerad, waxanu Maareyihii hore sheegay si lacagtaasi loo siiyo Wakalada Korontada uu Madaxweynuhu amar ku siiyay Xirsi in lacagtaasi la siiyo una qoro warqad Wasiirka Maaliyada, balse uu  xirsi iska hortaagay, sheegayna in Wakaladda Korontadu anay anfacaynin Dawlada iskana xidhi doonan oo ay ku wareejindoonan maalqabeenada Somaliland sida Dahshiil oo kale.
Sidaasi waxa uu ka yidhi mar uu xaflad balaadhan xilkii uu ku warejinayey Mareeyaha Cusub ee Wakaladda Korontada Hargeysa loo soo magacabay Mr. Wali Xaawo.
Isaga oo arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi  “Xirsi waxa uu nagu yidhi haddii aanay Wakaladda Korontadu  is-bixinaynin, kharash uun la galin maayee dee waa in maalqabeenada dalka lagu wareejiyaa sida Dahabshiil oo kale.” Ayuu yidhi Sabce.
Maareyihii hore  Hay’adda Korontada Hargeysa Md. Xassan Cisman Aadan (Sabce) waxa kale oo uu ka dhawaajiyey Dayn badan oo lagu leeyahay Hay’adda Korontada Hargeysa, isaga oo dayntaasi ku sheegay  70% in ay Shiidaal tahay,isagoo arrintaasi ka hadlaayana wuxuu yidhi “ Maanta daynta lagu leeyahay Hay’adda Korontadu waa $353,234 Dollar oo 74% ay tahay Shiidal uun, inta kalena waa shaqaalaha Mushaharkoodi, gaar ahaan Bilihii Jenwery, March.”Ayuu yidhi Sabce
Waxa kale oo uu yidhi”Markii aan xilka qabtay wax shaqayanayay oo kaliya hal Mishiin, marka waxaanu u tagnay Madaxweynaha aniga iyo Maareeye ku-xigeenka, waxaanu uga waranay halkay xaaladu marayso marka waxanu waydiisanay, Madaxweynaha lacagtii Wakaladda Korontadu ku lahayd Dawlada, oo ahayd hal bilyan iyo dheerad, si ay u daboosho bahiyo badan oo yaalay meesha, marka anaga oo hawshaas  ku guda jirnay waxa noo soo galay Xirsi Xaaji Cali Xassan Chief of Cabinent waxanu Madaxweynuhu  bixiyey amar uu leeyahay qoraal u soo samee Wasiirka Maaliyada hala siiyo lacagtooda Wakalada Korontada, Xirsi wuxu yidhi ma waraysanaa Wasiirka Maaliyada, Madaxweynihii ayaa yidhi maxaynu ka waraysanaynaa hay’add dhan oo qaranka ayaa ah dumaysee ee u qor Wasarada Maaliyada warqada. Balse waxaba noomu qorin”Ayuu yidhi Maareeyihii hore ee Korontada Hargeysa.
Sabce waxa kale oo uu sheegay in markii dhawar goor ku noqnodeen Xirsi uu hadal ka duwan hadaladdii hore uu ku yidhi “Xirsi markii aniga iyo Wasiirka Hawlaha Guud u tagnay waxa uu igu yidhi, waxaad keenta Xisaab Xidhkaaga, Dakhligaaga, iyo Shaqaalaha, marka anigu waxaan ku idhi Xirsoow maxaad ku falaysaa waxaasi, kadibna waxa uu igu yidhi, meeshan dawladu lacag uun galin-meeyse haddii aynay is-bixineeyanin meesha waynu iska xidhaynaa, marka anigu waxaan idhi haddaba way fiicantahay arrintaasi waxaana jira hay’addo badan oo arintaasi ay shaqadooda tahay sida Xisaabiye Guud iyo hanti dhowr oo ku soo baadhayee dee waa in aad madaxdaa dirataa ayaa wanagsan tahay, marka waxaan isidhi waar marmarsiiyo ayaa jire u gudbi waxan uu doonayo kadiban waan u gudbiyey wixii uu iga doonayey sida xisaab xidhkii, Shaqaalihii.
Waxa kale oo uu sheegay Sabce in iyaga oo arintaasi isku og ee uu gudbiyey dhammaan wixii laga doonayey oo dhan ay ku xigtay warqad uu Madaxweynuhu soo saaray oo odhanysa waxa laga qaaday xilkii, Ereyadii ku qornaa warqaadasi waxa ka mid ahaa markii cabasho badani kaa timi waxaan ka qaaday xilkii, dee anigu garan mayo cabashadaas badan ee iga timid oo cid iga cabatay garanmaaye shaqaaluhuna igama cabanee dee yaa iga cawday..
Waxa uu sheegay in uu wareejinayo Saddex mishiin oo shaqaynaya iyo mid dib u hagaajin lagu sameeyay,  waxa kale oo uu sheegay  in intii uu xilka hayay uu ku soo kordhiyay gadiidkii hore u  yaalay gaar cusub sida  gaadhi landcruiser ah iyo Shan mooto.

Araweelonews Mobile 
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *