Waxay ahayd arrin aad looga xumaado oo kusoo cusboonaatay SAXAAFADA SOMALILAND. Arrintaas aad ayaan shakhsiyan uga xumaaday wallow aan horeba ugu muujiyey walaalkay Maxamed  Axmed Jamac (Calooley).  Uma holan qalinka in aan ku muujiyo sida aan uga xumahay xaalada cusub

ee taal, waayo xaalado badan oo cusub waa la filan karaa inaga oo ka duuleyna DIGNIINTII wasiirka Madaxtooyada ee ahayd FICILO WEYS KU DEYAYAAA!!! Laakiin waxa aan qormo kooban idinku weydin doonaa SU’AAL AAN LAGA JAWAABIN INTII KA DAMBAYSAY WEERARKA?.

A.      Waxa la weeraray Xarunta wargeyska HUBAAL ee magaalada Hargaysa.

B.      Waxa soo weeraray niman afka soo duubtay !

C.      Waxa dhacday dhaawac iyo isku day dil (maadaama oo rasaas lagu riday qof aan hubeysnayn)

D.      Waxa la qabtay mid ka mid ah qolada weerarka ku timid.

E.       Waxa uu ahaa askari booliska Somaliland ka tirsan.

F.       Waxa baxsadey mid ka mid ah nimankii weerarka ahaa.>?

Waxa Taliyaha ciidanka boolisku Somaliland Sareeye Guuto Abdilahi Fadal Iman inoo xaqiijiyey in askaragii booliska ah la aqoonsaday lana marin doono sharciga…………… cida baxsatayna lagu daba jiro oo lasoo qaban doono sharcigana la horgeyn doono. Waxaan aad ugu hambalyaynayaa shacabka reer SOMALILAND oo ah dad caadifadu ka dhawaajiso dhamaantood oo aan xumaha aqbalin …………. laakiin ay u dheertahay iin (nimco waliba nuskhaan lahe) caadifadu marka ay degto halkaas ku ilaawa wax kasta xitaa hadii waxay diidanayeen sii socdaan. Siyaasiyiin miisaan leh ayaa ka hadlay, Saxaafada ayaa ka hadashay, Haayadaha amniga ayaa ka hadlay oo waxaan arkayay maxkamada iyo xeer-ilaalinta ciidamada Qalabka sida oo la weydiiyey weerarkaas, waxa ka hadlay ururada xuquuqal insaanka, shicibka kale tiro maleh. LAAKIIN DHAMAANTOOD waxay sheegeen in ay ka xunyihiin, cambaaraynayaan, in wax laga qabtana dalbanayaan.  Inta aanan u gudbin Su’aasha aan laga jawaabin aan wax yar ka hadlo Dembi (crime), iyo noocyo ka mid ah si ay inoogu noqoto iftiimin su’aasha aan laga jawaabin.

Dembi waa fulinta ficil ama diidista amar aad ku muteysan karto  xukun sharci taas oo xeerarkuna dhigayaan ciqaabtiisa. Hadaan si kale u sheegno waa qabashada hawlo sharci daro ah ama sharciga ka hor imanaya.  Dembiyadu waxay noqon karaan shan nooc midkood 1) Dembi ka dhan ah dadka (Dilka, farosaarka, Kufsiga, dhaca IWM); 2) Dembiyo ka dhan ah hantida (tuugada); 3) dembi ka dhan ah anshaxa bulshada; 4) dembiga Raqabad-cad (White-Collar Crime) ama dambi madaxeed. Waa dambi la galo iyadoo la isticmaalayo awood xafiis ama mansab inta badan dadka sameeya waa dad sharaftoodu bulshada dhexdoodu ay sareyso ama xil ka haya xafiis (Qalin ku gaf ama xil ku gaf). 5) dembiyo abaabulan (organized crimes) Dembiyada noocan ahi waa kuwo ay sameeyaan kooxo adeegsanaya qaabab xirfadoodu sareyso haday noqoto sida loo galayo, sida loo qorshaynayo iyo sida loo raad tirayo intaba. kuwa noocan ahina waa kuwa ugu adag baadhistooda iyo helistooduba. Aqoonta iyo xirfada ay isticmaalaan ha’adaha baadhistu kuwo la mid ah ayey adeegsanayaan kooxaha ku caanka ah dembiyada abaabulan.

Maxay tahay SU’AASHA AAN LAGA JAWAABIN………….? waxaynu maqlaynay qof la qabtay magaciisa oo saddexan waa la inoo sheegay, xilka uu ka hayay saldhiga maxamed mooge oo Araseyn ahna wa la inoo sheegay. Waxa aan la inoo sheegin MAGACA DEMBIILAHA MAQAN ……… in uu maqnaado dhib ma laha oo qof ayaa dembi gala oo baxsada la raadiyaa xitaa isaga oo maqane ah xukun ku dhacaa! Laakiin su’aasha aan idin weydiinayaa waa QOF KA LA SOCDAY MA JIN ayuu ahaa mise lama arke ayuu ahaa? Ma waxa ay wada socdeen askariga qof aanay is garanayn oo ay isu soo raaceen weerarkan mise waxa la sugayaaa inta Qofkaas la AAMUSIIN DOONO (Fasax dheer loo diri doono) mise waxa la raadinayaa qofkii lagu shaambadeyn lahaaa ee la odhan lahaa hebel ayuu ahaa waanu soo qabanay inta gurigiisa loogu daato?. Arrintani waa arrin ugub laakiin waxa aan aad uga warwersnahay in ay noqoto arrin hadii lagu guul daraysto in baadhis wanaagsan la sameeyo sharcigana la hor keeno dadka ku lug yeesha keeni karta in ninkii saxaafada dhibsadaaba uu u adeegsan doono cid ka aamusiisa ……….. tani waxay halis  u tahay dhalinyarada dalka oo shaqo la’aan baahsani haysato.

Waxaa muhiim ah baadhis ay qayb ka yihiin baadhayaal madax-banaan in la sameeyo waayo Aqoonta baadhistu kaliya ma taalo booliska. Saraakiil badan oo aan hada shaqayn ayaa jira ….. dad aqoon casri ah u leh baadhista Dembiyada ayaa la helayaa.  WAXAA INA HORYAALA IN AAN OGAANO DEMBIILAHA MAQAN  MAGACIISA OO SADDEXAN (waxaan filayaa xiligan in la hayo qisada qaybtii Wargeyska HUBAAL, Markhaatiyadii ka ag dhawaa iyo ASKARIGA u xidhan iyo sawirka sida weerarku u dhacay waa hadii ay sameeyeen baadhayaashii goobta ugu horeyn gaadhay). WUXUU NOQON KARAA KU DHEJIN (SET UP and Labelling) uu askariga xidhan yahay SHARAXAAD (DECORE)………………….! .MAQANAHA AYEY KU JIRTAA SIRTA KIISKANI,   WAA ARAGTIDAYDA SHAKHSIGA AH IYO AQOONTAYDA GAABAN.

ABDISHAKUR Hassan-kayd (KAYD)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *