Hoori1Kowda May waxa loo aqoonsan yahay in ay tahay maalin xoogaga shaqaalaha caalamku u soo banbaxaan midnimadooda, heer caalami, iyaga oo iska bahaysanaya cadaadiska, dulmiga iyo duudsiga la soo gudboonaada qofka shaqaalaha ah. Waxa iyana aan meesha

ka maqnayn muruqmaalka iyo xoogsatada dalal faro badan in ay maalintaas u xusaan si la isu xasuusiyo dhiigmiiradka hanti goosadka taas oo yoolkeedu yahay bulshada caalamku, goor ay noqotoba in ay xididka u siibaan habka hanti goosadka (capitalism).

Sidoo kale, waxa aan qarsoonayn maamulka shaqaalaha ee dalka Maraykanka, nacaybka ay u qabaan xuska maalintaas iyaga oo ka welwel qaba in ay ku rumowdo riyada hanti wadaagga. Sidaa darteed, madaxda shaqaalaha Maraykanka, maalintaas waxa ay shacabkooda ku booriyaan in ay caloolsha ka nacaan xoogagga ajnabi sida Japan, India, China, Mexico ama Russia oo ay ku sheegaan in ay duulaan ku soo yahiin shaqadooda, barwaqadooda iyo nidaamkooda mudan in looga daydo. Maalintaas, madaxdu waxa ay farta ku godaan nidaam kasta oo aan ka ahayn Hanti goosadka.

Inkasta oo waayahii dagaalka qabow ee loollanka Ruushka iyo Maraykanka, la shuhubeeyay xuska maalinta shaqaalaha iyada oo loo aaneeyo dalalka hanti wadaag ah iyo kuwa kale oo la hal maala shuuciga fog in ay u dabbaal deggaan soo bandhigga awoodooda iyo nacaybka fog ee lagu canbaareenayo hanti goosadka, runtii maalinta 1da May waxa ay salka ku haysaa halgan mintidnimo oo shaqaalaha adduunku ugu ololaynayeen xuquuqdooda. 1da May waa maalin caalami ah oo laga xuso dunida daafaheeda. Maalinta Shaqaalaha Adduunka waxa ay ka bilaabantay carriga Maraykanka, waxana laga xusaa dunida oo dhan marka laga reebo dalka Maraykanka, taas oo mudan in dib loo raadraaco sooyaalka taariikheed ee maalintu ku abtirsato.

Taariikhda Xuska 1da May

1884, Xidhiidhka Ganacsatada Abaabulan (the Federation of Organized Trades) iyo Ururada Shaqaalaha (Labor Unions) ee dalka Maraykanka ayaa soo afjaray olole loogu halgamayey qofka shaqaalaha ah in aan xaq loogu lahayn in uu maalintii shaqeyo muddo ka badan 8 saacadood. Wada hadalka iyo gorgortanka oo muddo soo jiidtamayey, ayaa Xidhiidhka Ganacsatada iyo Ururada Shaqaalahu ku dhawaaqeen in 1da May 1886 loo aqoonsado maalinta kama danbaysta ah ee loo jideeyey in shaqaalahu ay shaqeeyaan maalintii 8 saacadood oo keliya. Haddaba, iyada oo war sugan aan laga helin xukuumadda markaas talada gacanta ku haysay iyo loo shaqeeyaha kala duwan ee dalka Maraykanka, ayaa boqolaal kun oo shaqaale ah waxa ay ku kaceen shaqo joojin dalka goboladiisa oo dhan. Dhaqdhaqaaqa Shaqaalaha ee Chicago (Chicago labor movement) oo ay si ba’an u saameeyeen shaqaale mayal adag oo kacdoon ah ayaa mudan in aan ku soo xigano si loo garan karo hawlgalka maalintaas.

Mr. Farrell Dobbs waxa uu ahaa xoghayaha Xisbiga Shaqaalaha Hantiwadaagga ah, sannadahii 1953-1972. Qormada soo socota waxa aannu ka soo xiganay maqaal uu daabacay 1980.

1da May, 1886, oo ahayd maalinta loo qabtay meelmarinta sharciga shaqada ee sideedda saacadood, ayaa waxa soo muuqday hirar dad ah oo gaadhaya ilaa 350.000, budhcad iyo kooxo fadhataysato ah oo si xamaasad leh u muujinayay dareenkooda. Dacal ilaa dacal, shaqaalahu waxay ay dhulka dhigeen qalabka ay ku shaqaynayeen, haddii uu yahay qalabka beeraha, ka warshadaha iyo ka dhismaha intaba iyaga oo si lexaad leh isu soo abaabulay, una soo banbaxay. Amintaas magaalda Chicago, Illinois—waxa ka soo ifbaxay miudnimo xoogaga shaqaalaha kuwaas oo ku guulaystay in ay u babac dhigaan weerar lala soo beegsaday. Xilligaa, xoogaga fog ee mintidka ah ee shaqalaha degaanka Chicago waxa ay muujiyeen awood culus iyada oo ay hoggaaminayeen [Albert] Parsons iyo [August] Spies. Hoggamiyayaalsha oo markii hore aan taageersanayn gorgortanka 8 saacadood taas oo ay u arkayeen arrin weyd ah oo aan loo baahnayn in laga xaajoodo, ayaa is daad raacsiiyey markii ay arkeen sida ballaadhan oo dadku u soo banbaxeen. Markaas ayey si xoog leh u dardar geliyeen mudaharaadkii iyaga oo ku badhxayey yoolkooda fog oo ay rabeen in ay ku manja xaabiyaan maamulka iyo nidaamka xilligaa jiray.

Durba, markii uu guulaystay bannaanbaxii waxa isa soo taray falalka xukuumaddu ku cabudhinaysay shacabka iyada oo yoolka ka dhigtay ururada shaqaalaha. Ciidamada Boolisku waxa ay ugaadhsadeen dadkii hoggaminayay bannaanbaxa. Si looga hortago in ururadu ay dhabarka ka jabaan, waxa 4tii May, fagaaraha Haymarket Square laga qabanqaabiyey mudaaharaad weyn oo lagu canbaaraynayo tallaabooyinka iyo falxumada booliska. Mudaaharaadku waxa uu ku dhacayay jawi nabad ah ilaa ay ka soo fara gliyeen booliska iyaga oo soo jediyey dadku in ay dareeraan. Isla markaa, waxa qarxay bam halkaas ku dilay nin boolis ah, kuna dhaawacay dhowr kale. Markiiba boolisku waxa ay oodda ka qaadeen rasaasta iyaga oo geystay dhaawac fara badan. Shilkaas dhacay, waxa uu marmarsiinyo u noqday dawladda si ay eedda u saarto dadka u ololaynayay shaqada sideedda saacadood. Waxa sii xoogaystray xadhigga iyo taxaabidda dadka hoggaaminayey shaqaalaha, hase ahaatee, dhinaca kale, waxa ay ka fursan weyday in hoos loo yareeyo saacadahii shaqada inkasta oo aan weli si buuxda loogu guulaysan.

Arrinku faraha ayuu ka baxay. Shilkii fagaaraha Haymarket Square, xukuumaddu waxa ay u aanaysay hoggaanka ururada iyada oo siddeed ka mid ah lagu eedeeye falal qaranka ka dhan ah. Inkasta oo raggaa wax cad lagu waayey, haddana waxa ku dhacay xukun haas oo markii ay racfaan ka qaateen, eedda lagu sii buuxiyey.

Afar ka mid eedaysanayaalsha oo ah madaxii ururada, waxa lagu xukumay, laguna fuliyey deldelaad kuwaas oo kala ahaa Albert R. Parsons, August Spies, George Engel, iyo Adolph Fischer. Mid shanaad oo isagana dil lala beegsanayey, Louis Lingg, waxa uu ka baaqsaday ka dib markii uu gacantiisa isku dilay. Michael Schwab iyo Samuel Fielden, oo iyana dil loo soo jeediyey ayaa loo fududeeyey iyada oo loogu bedelay “Madaxaagu ha ku furto”. Oscar Neebe, isagana waxa lagu xukumay 15 sannadood oo xabsi adag ah.

Bulshada oo aad uga murugootay sida naxariis darrada ah ee xukuumaddu u dhaqmayso, waxa talo kaga soo ururtay in la sii xoojiyo bannaanbaxa, dhiidhiga iyo is caabinta.

Ugu danbeyntii, dhowr sannadood ka dib, guddoomiyaha Gobolka Illinois, John P. Altgeld, ayaa dib u baadhay dacwadii isaga oo soo sugay in si gardarro ah loo laayey eedaysanayaalshii. Guddoomiyahu waxa uu oodda ka qaaday dadkii u xidhnaa falalka la xidhiidhay bannaanbaxyada, sidoo kale, waxa uu soo celiyey awooddii ururada shaqaalaha kuwaas oo ku guulaystay libta shaqaalahu maanta ku naaloonayo.

Shir ku qabsoomay magaalda Paris ee dalka France (July 1889) ayaa ku baaqay in sannad kasta 1da May la xuso maalinta xuquuqda shaqaalaha iyada laga shidaal qaadanayo shilkii iyo dadkii ku qudhbaxay arrimaha la xidhiidhay bannaanbaxa fadaarahii Haymarket. Sannad guuradii labaad oo ku beegnayd 1dii May 1890 waxa si lexaad la isaga soo baxay dhammaan caasimadaha qaaradda Europe iyada oo ururada xoogaga shaqaalahu ay ka sinnaayeen in ay dalbadaan shaqada oo siddeed saacadood ku kooban, iyo in hore loo mariyo xaaladda caafimaad iyo abaal marin ee shaqaalaha. Isla sannadkaa waxa meelmaray Calanka Cas ee shaqaalaha kaas oo ka tarjumaya dhiigga ka qulqulaya dabaqadda shaqaalaha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *