Waa Maan Guracan Iyo Garasho Jaan- W/Q. Axmed X. Cabdillaahi Rooraaye

Akhristayaal waynagii todobaadkii hore soo af meernay wajigii koowaad ee ururada xagjirka aha ee geeska ka hana qaaday wajiga labaadna wakhti aan durugsanayn ayaan gali doonaa hadii eebe idmo laakiin maqaalkan ama taxanahan waa ka duwan yahay guulwadayn iyo amaan maaha macaarid lafo jabis aha maaha canbaarayna maaha waa talo iyo tilmaan lexejeclo huwan waana garnaqsi hadii garbaxshe la helo ama laga garaabo.

Akhristayaal maqaaladan ama qormooyinkan waxaan aad u jecelahay inaan iftiimiyo macnaha iyo ujeedada aan uga gol leeyahay hor iyo horaan waxan ahay muwaadin soomaalilander ah oo gaadh ka haya landta iyo mushkiladaha ku xeeran waan madax banaanahay oo cidna uma xidhni oo caloosha iyo dana ii gaara halbeeg iima aha, waa waxay ila tahay ama aan war hayo ee ila wadaaga ceeb la,aan. Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland guud ahaan gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyada somalailand axmed maxamed maxamuud siilaanyo iyo wasiirkiisa arimaha dibada dr maxamed c/laahi cumar guusha ay ka gaadheen siyaasada arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ha maqaam aad u wanaagsan iyo guri barwaaqo ayay ku nageeyeen.

 

Ma qabo hogaamiye kale oo reer Somaliland ah baa qadan kara inuu raysalwaaraha ingiriiska odhan kari lahaa maslaxada Somaliland karaamada umada reer Somaliland iyo rabitaan kooda ayaan madaxwayne u ahay maslxada iyo ingiriiska ayaa xil kaa saaranyahay sidaa darted waxaan ixtiraamayaa waxaan hogaaminayaa siyaasada iyo danaha reer Somaliland shirkana kama muuqato taasi sidaa daraadeed waan ka xumahay inaan idhaahdo iman mayno inaan diido codsigaaga madaxwayne kuma seegin waxaad kala dooratay qadiyadii jiritaanka Somaliland iyo macaawimo badan oo la ina siiyo oo afduubta yoolka iyo rabitaanka umadeena madaxwayne hambalyo go’aan taariikhiya oo ku sawiran quluubta iyo sadriga umada reer Somaliland ayaad qaadatay waana go’aan adag laakiin ay kugu barbar taaganyihiin umadaadu.

 

Inta badan way dhacdaa in dawladaha dunidu ay mar mar is waafaqi waayaan maslaxadahoodu maraykanka iyo ingiriiska ayaa mar mar midayn waaya maslaxadahooda oo kala baydha qadar iyo imaaraadka carabta ayay ku dhacdaa inay kala dano noqdaan arimaha qaarkood intaa halkaa aan u daayo.  Waxa kaloo jirta oo aan cadaynayaa mudadii aad dalka hogaaminaysay waxqabad badan oo dhinacyo badan leh baa muuqday oo balanqaadkii kulmiye ee wakhtigii ololaha buugii cagaarnaa wax badan baa ka fulay inkasta oo aanu burco dhaafin mudane madaxwayne dawladaadu wasiiradaadu waxay u qaybsamaan laba:

1 wasiiro ka adag shaqadooda oo daacad u ah umada oo waxqabad badan ku talaabsaday oo aan lahayn himilo ka badan wasiirnimo oo leh aqoon iyo garasho hogaanineed dadkuna raali ka yihiin nasiib wanaag.

2 iyo wasiiro aan lahayn waayo aragnimo siyaasadeed iyo aqoon ay ku hanan karaan xilka aad u dhiibtay isla markaana leh han iyo himilo ka durugsan wasiirnimada qaar waxay doonayaan madaxwayneyaal qaarna waxay dhisaan madaxwaynayaal kale oo aan adiga ahayn waxay urursanayaan dad iyo aduun dalka iyo dadka u shaqayn maayaane iyagaa shaqaysanaya mudane madaxwayne waxaad awoodaadii ku ururisay kuwa danbe, mudane madaxwayne dadku adiga ayay ku doorteen may dooran inamo aanay garanayn oo ujeedo iyo rabitaan guracan leh guusha ay xukuumadaadu gaadhay waxa sabab u ah wasiirada dadka iyo dalka u shaqaynaya guul darada dawladaadna waxa sabab u ah oo ay ku ururaysaa kuwa iskood u shaqaysanay waxaan tusaale u soo qaadanayaa kuwa wanaagsan dr maxamed c/laahi cumar oo ku guulaystay inuu siyaasadii arimaha dibada Somaliland ee aad u igmatay uu ka soo baxay qaadsiiyaya dariiq saxa waxa kaloon ku darayaa dr sacad cali shire wasiirka qorshaynta ee somaliland oo wadanka u yimid inuu u shaqeeyo ee aanu ka shaqaysan.

wasiirka waxbarashada samsam cabdi aadan oo ka soo baxday xilkii wax barashada. Aan ku daro in kastoo wasaarada caafimaadku ay hoosta ka xuntahay dr xuseen xoog waa wasiir dadaalay inuu arimaha caafimaadkja ka soo abxo carqalado kastaa ha ku wareegsanaadaane. Waxaan raacinayaa wasiirka beeraha faarax geedoole oo aad u dadaalaya waxaan kaloon raacinayaa wasiirka cusub ee dibu dajinta oo aan ahayn wasiir soo shaqo tagay oo siyaasiyan Somaliland qiimo wayn ku leh.

 

Aan ku soo af meero wasiirka duulista iyo hawada maxamuud xaashi cabdi oo horumarkuu madaarada ka sameeyay ay wax muuqda yihiin oo aan la dafiri Karin intaasi waa guulihii xukuumada waxase ka badan guul darooyinkii halka ay kuwo kale ku noqdeen xukuumadaada aafo qaran kud iyo kansar aan dawo lahayn mudane madaxwayne waxaa ka soo burqanaya qasriga madxtooyada go’aamo ka caagan oo curad ah haykalka haybada iyo sunaha dawladnimo waa kuwo lumin kara kalsoonida xuumada axmed siilaanyo iyo shacbiga waa kuwo mugdi galin kara hogaaminta xukuumada axmed siilaanyo waa kuwo dhantaali kara midnimada iyo wada jirka umada reer Somaliland aan idhaahdo maaha dhaqankii iyo caadadii baadi soocda u ahayd hogaaamiye axmed maxamed maxamuud siilaanyo waa gad cusub waa guuldaro ku hareeraysan oo marar badan mada lufisa go’aamada madaxwaynuhu qaadanayo rabow qaranka u gargaar dhacdooyinkaa oo taxane ah oo xog iyo xaqiiq ah akhristoow la soco.

Fiiro gaar ah: Akhriste ma ihi nin naxli ka shaqaynaya waxaan ahay nin u heelan dantaada dhuux macnaha iyo ujeedada fikradaadana ku soo dir gamme_.com  wa bilaahi tawfiiq. Lasoco….

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *