Sida aad la socoto waxa sannad kasta ka qalin jabiya Jaamacaddaha Dalka arday lagu qiyaaso 3,500 qof, iyaddoo laga soo bilaabo sannadkii 2004 oo ahayd markii difcadii ugu horeysay ka qalin jabisay

Jaamacada Hargeysa (UOH), ay maalinba maalinta ka danbaysa ay soo kordhayso ardayda ka soo baxaysa Jaamacaddaha Dalka, kuwaasi oo u baahan jiheyn iyo qorshihii shaqo loogu abuuri lahaa, isla markaana kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka iyo sidii qorshe loogu samayn lahaa ardayda dadka saboolka ah ee aan fursad u helin in ay Jaamacada bilaaban, taasi oo dhalinyaradaasi aan fursada u helin jaamacadaha ku jihaysa dariiq khaldan sida; Hargeysa oo ay ku soo badanaya dhalinyaradda habeenkii isa shiidaysa oo ay ugu danbeysay kuwii boobay suuqa Gobanimo habeenidmaddii 27 September, 2013 oo ahaa labo kooxood oo ka tirsan labo xaafadood (Birta iyo Daruuraha), kuwaasi oo markii danbe isu bedeshay in ay suuqa Gobanimo ay cagta mariyaan oo boobay iyagoo wada jira kuna heshiiyay qaab-boobis ah.

Sidaasi darteed, anigoo ka fakiraya Barnaamijkayga ku qoran buugayga ‘’Hankayga iyo Himiladayda Hogaamineed’’, isla markaana eegaya khatarta ay leedahay shaqo la’aantu oo dalka ku keeni karta in uu galo khatar siyaasi ah, haddii ay sidan ku sii socoto Caruuraha xaafad xaafad isu dilaya iyo tuugada iyo dhaca habeenkii ka socda haddii uu sidan ku sii socdo ay gaadhayso heer waxba laga qaban kari waayo hadhow, iyadoo ay dhacdo in hadh-cad dadka lagaga boobo Mobile-ka ama lacag shandada ugu jirta, oo uu tuug kala cararo suuqa dhexdiisa (suuqa gobanimo ayaan u soo joogay maalin cad oo dadku arkayaan oo aanay sidaa cidi u eegaynin). Hadaba, waxa aan go’aansaday in si mutadawacnimo ah u soo ban-dhigo qorshe arrintaasi waxa lagaga qabanayo oo aan ka soo guuriyay buugaygaasi, iyadoo aan fursad u siinayo cid kasta oo barnaamijkan ‘’Hankayga iyo Himiladayda’’ ka faa’idaysanaysa oo u fursad u helaysa ay waxa kaga qabato shaqo la’aanta oo ah sababta u weyn ee waxani u dhacayan, iyadoo aan Xukumadda iyo cid kasta oo fulin karta aan u soo bandhigo qorshe ka yimid fikirkayga oo dal aan aqoonsi lahayn lagu horumarin karo dhaqaalihiisa, isla markaana hoos loogu dhigi karo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, korna loogu qaadi karo dakhliga iyo abuurista mashaariic wax-soo-saar, qorshahaasi oo aan u hibeeyay Jaamacadda UoH oo aan doonayo arday ahaan in aannu ku samayno research kana midho dhalino, iyaddo si cilmiyaysan loogu soo ban-dhigo doono qorshahan oo wata cilmi baadhistiisa (research) qoto dheer oo lagu samayn doon, iyadoo ay iigu muuqato in arrimahaasi xal-loogu heli karo qorshayaashan hoose;

Asaasida shirkaddaha wada-lahaanshaha (Cooperate Companies law); In la dejiyo qorshe is-faham laga dhex dhalin karo dadka aqoonta leh ee ka soo baxa jaamacadaha iyo dadka haysta saving ($1,000 – $10,000), iyadoo laga duulayo in Aqoonyahanku soo ban-dhigo qorshe maan-gal ah oo uu ku abuurayo Shirkaddo abuuri kara fursado shaqo (job-opportunities), sidoo kale dadka haysta Saving ay kaga qayb qaadan karaan maal-gelinta mashruucaasi uu aqoon yahaynku soo ban-dhigay yeelan doonana shares, taasi oo ay dawladdu ku suurto-gelin karto in ay abuurto sharcigii wada lahaanshahah Shirkadda (Cooperate Companies law), lana hir-geliyo himilada ah ”to work or act together to achieve a common goal”, sharcigaasi oo u damaanad qaadaya dadka share-ka gashanaya in hantidooda loo ilaaliyo, iyo dadka hogaaminaya Maamulka Shirkaddana ee soo ban-dhigay fursado shaqo lagu abuuri karo lagu ilaaliyo qorshahooda fulineed ee ay u dejiyeen (Policy, procedure and Plans) in ay ku maamulaan Shirkaddooda, taasi oo ah qorshaha uu dalka USA ku gaadhay horumarkaasi balaadhan ee uu maanta caalamka ku hagayo , taasi oo ah iyadoo ay ku badan yihiin shirkadaha wada-lahaanshaha (Cooperate Companies), aasaasna u ah marka la isu-geeyo Maal, Maskaxa iyo Muruq ay si fudud loo heli karo hanti 800Million ah oo lagu asaaso shirkaddo waxa-soo-saar (Production Compnaies), taasi oo hoos u dhigi lahayd shaqo la’aanta. Tusaale waxa kugu filan; bal u fiirso Mulkiilayaasha Face book iyo Microsoft waxa ay la yimaadeen Fikir aqooneed oo maan’gal ah, waxanay heleen cid u maal-gelisa. Tusaale ahaan; ka soo qaad in aynu helnay 10,000 oo qof oo haysta celcelis ahaan hantida $5,000 (shan kun oo dollar) waxa ay noqonaysaa $50,000,000 (Konton Million oo dollar). u fiirso imisa shirkaddood ayaa lagu abuuri karaa maalka intaasi leeg ee sida fudud la isugu keenayo haddii sharci kala haga loo sameeyo? Imisa qof ayay shaqo loogu abuurayaaa? Fadlan adigoo ka fog qabyaalad, ku xumee, nin jeclaysi, dano-gaar ah, Iwm si qoto dheer oo muwaadinimo ku jirto uga fakir faa’idada ku jirta qorshahaasi taageerna. Waxanan soo jeedinayaa in Xukumaddu samayso hay’ad qaabilsan Cooperation companies-ka si ay dhalinyarada haysa fikir cusub ugu soo ban-dhigi karaan hay’adaasi, isla markaana ay Hay’adaasi ka dib marka ay hubiyaan midho dhalka qorshahaasi ay u ban-dhigto dadka danaynaya in ay maal-gashadaan.
Lacagta dhulka la geliyo loo jiheeyo Maal-gelin; Waa in la keeno qorshe lacagta dhulka la gelinayo loogu jiheeyo maal-gelin, tusaale ahaan waxa aan ka soo qaaday dhulka lacagta la geliyay ee uu la fadhiyo wax dhaq-dhaqaaq ahna aan samayn oo aan ku qiyaasay dalka oo dhan lacag dhan $800 Million (100,000 oo Jago dalka oo dhan X $8,000 celcelis ahaan qiimaha jagadiiba = $800,000,000 (Sideed boqol oo million), lacagta intaasi leeg haddii lagu maal-geliyo warshaddaha, beeraha iyo xoolaha waxa laga heli lahaa shaqo abuur iyo koboc dhaqaale. Waxa is waydiin leh sidee loogu jiheyn karaa? Bal qabso oo sababta kelifta in dhulka uu qofka lacag geliyo waa labo qodob; 1) mid ka baayacmushtareeya markii uu arkay faa’idada xooga ah ee ku jirta maadaama uu waayay waxa kale oo uu geliyo isha faa’ido keliya ee uu garanayaa waa dhulka oo faa’ido laga helo wax kale uma muuqdaan aan ka ahayn lacag yar iyo faa’ido badan oo uu ka heli karo iyo  2) iyo mid u iibsadda in hadhow uu isticmaalo oo aan qiimo sare laga siin dhulka tusaale ahaan; jagddii ku taalay xaafadda 150 sannadkii 2000 waxa ay ahayd $3,000 maantana haddii ay ugu jaban tahay waa $30,000, waana sababta aniga iyo in kale oo badan ku kalifta in ay dhul mustaqbalka u iibsadaan si ay uga fogaadan qiimaha sare ee hadhow laga siinayo. Ta kale dhibaatada uu dhulku ku hayo bulshada iyo in magaalooyinku fidaan waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa; qofka muddo 7 sanno ururiyay $25,000 ee doonaya in uu guri dhisto ma jago ayuu siistaa lacagtaasi uu ururiyay muddada dheer? mise guri ayuu ku dhistaa? waa waxyaabaha aan aad uga damqado ee hor-taagan in magaalooyinku fidaan oo qurux bataan, lagagana badbaadi karo lacagta faraha badan ee dhulka inagaga jirta. Hadaba si arrintaasi xal loogu helo oo dhaqaalaha badan ee dhulku la fadhiyo looga hor-tago, waa in la fuliya damaanad qaadka muwaadinku uu siiyay Dastuurka JSL ee xaqa u siinaya in muwaadin kasta helo Dhul uu dego, dhulkana lagu soo celiyaa gacanta dawladda, iyadoo ay ku filan tahay in la dhaqan-geliyo;
sharciga oo dhigaya in qofku 6 bilood ku dhisto iyo in qof kasta la waydiiyo taariikhda dhulka lahaanshihiisa iyo cashuurta ku baaqatay, taasi oo aanu qofna awoodayn in uu bixiyo cashuurtii ku baaqatay illaa maalintii dalka la soo galay 1991, iyaddoo cid kasta iskaga tegi lahayd maadaama uu damaanad qaad u helayo in uu dawlada ka helo meel uu dhisto marka uu u baahdo, qorshahanina waa mid hore u tijaabisay Dawladda hoose Hargeysa kuna hantiday dhulka la dejiyay Xaafadda Killinka 5aad iyo Maxamuud Mooge. Aniguna diyaar ayaan u ahay in aan u hogaansamo fulinta sharicga oo aan wareejiyo dhulkaygaasi oo aan ugu horeeyo waa haddii aan helayo damaanad qaadka Dastuurku i siiyay marka aan u baahdo dhul aan dhisto in aan helayo. Sidoo kale, waxa xal loogu heli lahaa dhibta ka jirta mushkiladda dacwadaha dhulka oo mashquuliyay nidaamkii garsoorka oo waxa keliya ee ay maalin kasta ka shaqeeyaan 80% waa dacwadaha dhulka,
Qaabka kale ee Dhulka waxa looga qaban karo ee gacanta dawlada loogu soo celin karaa ee ugu fudud waa; in Dhulka banaan cashuurtiisa sannadkii laga dhigo labo jeer in la qaado (lixdii biloodba mar), isla markaana la fuliyo sharciga ku qoran warqada lahaanshaha ee ah in Lix (6) bilood uu qofku ku dhisto, haddii uu ku dhisan waayo muddadaasi 6 bilood ah cashuurta dhulka lagu laban-laabo, iyadoo lix-bilood oo kasta oo uu dib uga dhaco in uu dhisto cashuurta dhulka banaan lagu sii kordhinayo oo lix bilood kasta lagu sii laban-laabayo, illaa ay gaadho heer aannu iska bixin karin tusaale ahaan illaa $4,000 (afar kun oo dollar) oo cashuur ah jagadii 80x60Ft, ta kale si aanay khiyaamo u dhicin haddii uu muwaadinku soo dalbado in uu dhisme waa in uu noqdaa Dhisme dhamaystiran oo aannu qabyo noqonayn guriga uu dhisayo, lana hela cadaymaha dhismaha; sida dhismaha shirkada fulinaysa ama heshiis ay wada galeen qofka shakhsiga ah ee u dhisaya, qorshahaasi uma arko in wax dhib ahi ku jirto ama xad-gudub lagu samaynayo qofka, waxa ay iigu muuqata faa’idada laga helayo waxa ay tahay; 1) dhulkii sii qaali-garoobayay oo qiimihiisu hoos u dhaco, 2) maal-gelintii dhulka lacagta la gelinayay oo yaraanaysa loona jiheyn karo maal-gelin wax-soo-saar (Share companies) 3) dawlada hoose oo ka hesha Dakhli cashuureed,  4) Cashuurta dawladda dhexe ka heli lahayd qandaraasyada shirkaddaha ama For-man dhisaya maadama qofka marka uu dhisanayo lagu xidhayo in uu dhisanayo guri dhamaystiran oo uu heshiis la gelayo cida u dhisaysa (Shirkad ama Shakhsi), 5) iyadoo dhulku uu si fududu ugu soo  noqon lahaa gacant dawladda oo qof kasta oo dhisanaya ay cashuur ka heli lahayd marka la siinayo.
Qaabka looga faa’idaysanayo Xoolaha oo ah Shidaal dhulka dushiisa saran iyo kor-u-qaadisata wax beerashada; si shaqo abuur loogu sameeyo Ardaydan iyo dhammaan kuwa shaqo la’aantu haysato, waa in la keena qorshe looga faa’idaysanayo dhulka miyiga ah ee la iska oodanayo, iyadoo laga faa’idaysanayo lacagta dhan $800,000,000 Million ee dhulku la fadhiyo oo loo jihaynayo maal-gelinta ama shares la iska ururinayo shirkad xoolaha ka faa’idaysata lagu samaynayo, waa in la dhiiri-geliyo maal-gashiga dhaqashadda Xoolaha oo aan u arko in ay yihiin shidaal muuqda oo qiimo ahaan u dhigma shidaalka aynaan sugayno ee aynu ku garaadsanay 1960 illaa hadda iyadoo la leeyahay waa la soo saarayaa, sida looga faa’idaysan karo waa in la helo toban (10) riig oo qodi karaa 300 illaa 500 oo ah halka loogu tegi karo Biyaha dhulka hawdka oo ku haboon xoolo dhaqashada, iyaddo la casriyayn lahaa fursadna loo heli lahaa in xoolaha la fadhiisiyo oo la naaxiyo, si uu qiimahoodu kor ugu kaco oo u gaadho illaa $200 Neefkii, lana mid noqdo foostada shidaalka ee aynu ku hamiyayno 53 sannadood in la soo saaro, isla markaana dhinacyo kale wax soo saarka Xoolaha looga faa’idaysan lahaa dhawr nooc sida; Dhoofintooda, Cadkooda oo warsheddo loo samayn lahaa, Lafahooda oo laga samayn lahaa qalbka qurxinta iyo weelka, istimaalka caanahooda oo lagaga raysan lahaa kuwa qasacadaha ee debadda laga soo dhoofiyo lana samayn lahaa warshaddo qasacadeeya iyo qaar caano maraaci ka sameeya, wershaddo ka faa’idaysta Haraga oo ka samayn lahaa Kabo, shandado, Dhogorta oo laga samayn lahaa Dharka, Dhiiga oo gaar looga faa’idaysan lahaa. Side ayaa looga hor-tegi karaa dadka iska ootay dhulka oo loogu soo celin karaa gacanta dawladda? Way fududay waxa loo sheegayaa qof kasta oo dhul Ootay in keliya uu leeyahay inta waxa uga beeran yihiin ama uu wax ka beeran karo sharcigaasi ayaa la fulinayaa, faa’idada ku jirta waxa ka mid ah; 1) in la kordhiyo wax-soo-saarka oo qof kasta beerto intii uu awoodo, 2) in la helo dhul ay shirkadduhu ku samaystaan maal-gelin oo xoolaha lagu dhaqo, 4) in xoolihii oo meesha loogu gelayaa ay xadka Ethiopia dushiisa tahay dib loogu soo celiyo degaankan laga Ooday ee ay ka haajireen oo la dhiiri-geliyo xoolo dhaqashada, 4) in dadka ootay 5 Kmsq ee ku haysta 30 neef adhi ah, 2 Sac iyo 1 Awr lagu dhiiri geliyo in shirkadu dhulkiisa ku siiso share uu kaga mid noqonayo lahaanshaha shirkadda iyo xoolihiisa oo laga iibsado iyo shaqo laga siiyo Shirkadda dhulkiisa uu ku wareejiyay oo shaqo abuur ka helo qofka iyo qoyskiisuba.
Kobaca dhaqaalaha;
Xukuuma kasta oo jirta waxa furaha horumarkeeda qayb ka ah kobcinta dhaqaalaha oo ah in si fiican loo ururiyo cashuuraha loona maamulo, taasi oo haddii lagu gulaysto ay keeni karto in ay Xukumaddu abuurto mashaaric horumarineed oo wax lagaga qaban karo shaqo la’aanta, waxaanan u arkaa in fursadahaasi lagaga fa’idaysan karo qodobadan;

dhaqan-gelinta cashuurta dhigashada Laamiga dhinaciisa (Parking Taxation); In dawladda dhexe iyo dawladda hoose si wada jir ah iskaga kaashadaan qorshe dakhliga dalka lagu kordhin karo waxna lagaga qaban karo dhismaha wadooyinka iyo shaqo Abuurkaba, kaasi oo ah in la hir-geliyo Parking taxation, kaasi oo aan saamayn ku yeelanaynin dadka saboolka ah iyo gaadiidkoodaba, keliya dakhli lagaga heli lahaa dadka wata baabuurta raaxada, isla markaana ka dakhli badan xeerka Wadooyinka ee dhawaan la ansaxiyay oo inta laga heli karo aan ku qiyaasay malo-awaalkayga Hal (1) Million (eeg tusaalahan 40,000 Baabuur oo aan ka soo qaaday inta baabuur ee nool iminka ama cashuur bixin karta x 80,000/Sl.Sh X 2 jeer cashuurta sannadkii = 6,400,000,000/Sl.Sh. una dhiganta $1,015.873 (rate $1 = 6,300), waxa aan soo jeedin lahaa in la hir-geliyo Qorshe dakhli lagaga heli karo dadka lacagta leh ee wata baabuurta raaxada kaasi oo aan u arko in uu ku filaan karo kharashka dhismaha wadooyinka aynu doonayno in dalka laga dhiso iyo magaalooyinka gudahoodaba, dakhligaasi oo ku kooban dadka wata Baabuurta raaxada ee ka adeegtaan suuqa dhexe (Down town) iyo Supermarkets iyo Hotels-ka waaweyn ee ka baxsan suuqa dhexe laga qaado baabuurkiiba 500/Sl.Sh. waxa laga heli karaa qiyaas ahaan dakhli dhan $28.6M (labaatan iyo sided milyan iyo lix boqol oo kun oo dollar) oo lagu abuuro mashaariic horumarineed oo dadku shaqo loogu abuurayo iyo wadooyinka oo lagu dhisayo iyo guryo jaban oo loo dhiso dadka danyarta ah oo qiimo jaban lagaga kireeyo, waana cashuur laga qaado dhammaan magaalooyinka caalamka, iyadoo aan daraasad ku sameeyay sida lagu heli karo dakhligaasi oo ah sidan; dhaq-dhaqaaq aan ku sameeyay gaadiidka gelaya suuqa dhexe ee Hargeysa oo aan ka eegay 4 Jiho (Jihada Wadada Biriishka Hargeysa, Jihada Wadada Sacaadadiin super market hor marta, Jihada Wadada Jeelka Hageysa hormarta, Jihada Wadada ka timaada New Hargeysa) oo aan ka soo qaaday 50% in ay ka adeeganayaan halka 50% ay dhaafayaan iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ee ka dhaca suuqa laga dukaameysto ama Supermarkets waaweyn ee ka baxsan suuqa dhexe, waxa aan ka soo qaaday Dalka oo dhan in ay ka dhici karaan maalintii 1,000,000 oo jeer oo la sameeyay dhaq-dhaqaaq dhigasho Parking-ka ku soo jeeda Laamiga (tusaale ahaan imisa jeer ayaad ku noqota suuqa maalintii), qiimaha laga qaadayo halkii mar-dhigasho uu yahay 500/Sl.Sh ah X 30 Cisho x 12 Bilood = 180,000,000,000/=SL.SH sannadkii una dhiganta (RATE 6,300) = $28,571,429 (labaatan iyo sagaal million oo dollar ku dhawaad), ka fakir muwaadin adigoo kaashanaya caqliga saliimka ah ee muwaadinimo; inta Waddo ee Sannadkii ay dhisi lahayd iyo inta mashruuc ee ay furi lahayd iyo inta qof ee shaqo ka heli lahayd lacagtaasi oo mashaariic shaqo abuur ah lagu sameeyo tusaale ahaan; companies wax-soo-saar oo dawlada iyo shicibku wada leeyihiin ama guryo qiimo jaban oo loogu dhiso dadka danyarta ah, ama mashaariic lagu maal-geliyo xirfadaha ay qaban karaan dadka danyarta ah ee u baahan in mashaaric nolol maalmeedkooda ka raadsadan loo sameeyo sida; bir tumista, kabo ama dhar-samaynta, Iwm.
Dhaqan qalinta cashuurta Fuel Tax; waa cashuur caalamka ka jirta oo la saaro shidaalka Baabuurku qaadanayo oo la saaro petrol Station in uu bixiyo bil kasta ama sannadkiiba u soo xereeyo Dawladda, taasi oo wax weyn ka tari lahayd horumrinta Wadooyinka (infrastructure development), waxa aan malo-awaali karnaa cashuurta laga heli karo tusaale ahaan 40,000 Baabuur oo isticmaala celcelis ahaan bishii shidaal dhan 300Ltr oo dawladda loo saaro cashuur ah Litter-kii 500/Sl.Sh waxa ay noqonaysaa 40,000 Baabuur X 300ltr X 500Sl.Sh Per litter x 12 Bilood = 72,000,000,000/Sl.Sh una dhiganta rate 6,500 lacag dhan $11,076,923.10( 11 Million) waad dareemi kartaa lacagtaasi oo mashaariic ama wadooyinka la geliyo faa’idada laga heli lahaa.
Kobcinta Democracy Systeme Somaliland iyo caalamka (Reforming Democracy system);
Casriyaynta habka Democracy; waa qaab lagu kordhin karo dhaqaalaha Dalka qof kastana u noqon karo cashuur bixiye, ma haboona in aynu wax-uun ku dheganaano waa in aynu nooqna dad Mu’alif ah (Create people) oo System Democracy ee aynu qaadanay wax ku soo kordhin karnaa oo aynu waxa ka bedelno oo aanaynaan sidiisa uun u haysan, Maraykanka waxa aan u arkaa in annu sidii ku haboonayd ugu dhaqmin Democracy sysem-ka, waxa igu maqaalo ah habkan Electro call ee lagu saleeyo kuraasida xubnaha States-ka yeelanayaan ay tahay mid ka soo bilaabantay sidii magaalooyinkaasi dhaqaalahoodu ahaa wakhtigii la bilaabay oo aan dib loo bedelin, marka loo eego dhaqankooda oo aad uga fog qabyaaladda way ku haboon tahay in ay u dhaqmaan qaabkan ay hadda yihiin in kasta oo ay ku haboonayd in ay 5 sanno ee doorashoba ay ku saleeyaan dhaqaalaha states-ka si state-kasta cadaalad u helo una kobciyaan dhaqaalaha dalka, laakiin inaga dhaqan-keena marka loo eego gaar ahaan dhinaca qaybaaladda waxa loo baahan yahay fursadaasi inaga oo ka faa’idaysanayna waa in aynu arrintaasi casriyayno oo wax ku soo kordhino Democarcy System-ka, taasi oo lagaga bixi karo qabyaalada oo dadku is-gobolaysi ku xisaabtami ama isku xulufaysan lahaayeen lana xoojin lahaa is-dhex-galka korna loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka, xalna loogu heli lahaa cabasho gobolada qaarkood ka jirtay markii aynu qaadanay Ratio-yada lagu soo gelayo Baarlamaaanka, habka keliya ee cadaalad ku heli karaan cid kasta ama gobol kasta, laguna kordhin karo dakhliga qaranka waa in aynu ku salaynaa Economically Election; tusaale ahaan ratio-ada gobol kasta ay noqoto wixii uu qaranka cashuur ka helay 5 sanno in lagu siiyo kuraasida Wakiiladda iyo Guurtiga, fadlan ha u turjimin masaladan si khaldan oo aan u jeedo Berbera ayaa ugu dakhli badan oo helaysa kuraasida ugu badan, ma helayso kuraasi badan waayo qorshahaygu waa in Berbera Dekedeeda laga dhigo Free Port, ogsoonow ma jirto caalamka dawlad ku xisaabtanta dakhliga export & Import ee Dekeddaha iyo Customs-ka (waayo caalamku hore ayuu uga fakiray arrintaasi tusaale ahaan haddii dalkaaga cunaqabatayn lagu soo rogo dawladaasi waa dhacaysa dadkeeduna halis ayuu gelayaa), markaasi Berbera marka laga dhigo free port wixii ay gudaheeda (Internal Revenue) dakhli cashuuraha bariga ay ka hesho ayay ku xisaabtamaysaa oo Vote-keeda kuraasta lagu salaynayaa taasi oo ay kala mid noqonayso Gobolada kale ee ku xisaabtamaya internal Revenue, taasi waxa aan u arkaa in ay  dawladu dakhliga ku kordhin karto, dakhligaana ay ku samayn  karto mashaariic shaqo loogu abuurayo dhalinyaradda Jamacadaha ka soo baxda iyo muwaadiinta kale ee shaqo la’aantu hayso, isla markaana lagula dagaalami lahaa qabyaalada oo looga gudbi lahaa qaab is-gobolaysi ah, lana xoojin lahaa is-dhex-galka bulshada iyo qof kasta in gobolkiisa cashuurta kaga waajibtay uu bixiyo.
Hir-gelinta Presidency Direct Election without Party; In darstuurka lagu kordhiyo in la helo qof ama 2 qof oo doorashada madaxweynaha kaga qayb-qaata doorasho toos ah (presidential direct election for one persone), iyadoo qofka ama 2 qof  la tartamayaan saddexda (3) Hogaamiye ee ka tartamaya saddexda xisbi ee jira, iyagoo si shakhsi ah u tartamaya sida ka dhacda USA oo 2 xisbi ay jiraan dad si keli-keli ah ula tartama, arrintaasi oo fursad u siin lahayd dad badan oo leh haybad hogaaamineed oo aan fursad u helin in ay xisbi hogamiyaan ay kaga qayb-qaadan lahaayeen tartanka Doorashada Madaxweyanaha, una arko in ay habkaasi ku soo bixi karaan lana heli lahaa muwaadinin leh aragti fog oo qoto dheer oo wax lagaga qabanayo koboca dhaqaalaha dalka iyo la dagaalanka shaqo la’aanta dalka oo xad-dhaaf ah khatarna keeni karta haddii aan wax laga qaban wakhtiga dhow.
Reforming Mayor Election; in waxa laga bedelo qaabka doorashadda Mayor-ku uu ku imanayo taasi oo caqabad weyn ku ah horumarinta magaalooyinka, waxanad arkaysa halkii uu horumarin u fakiri lahaa in ay caqabad ku yihiin 25 mudane ee lala soo doortay, faa’idada laga helayo waa labo arrimood;
In la helo Mayor aqoon leh hawlaha maaraynta (Management) oo dejiya qorshaaha (Strategy) lagu horumarin karo magaaladda, waxanan arkaa in nidaamkan cashuur badani kaga lunto dawladda dhexe bal u fiirso inta guri ee qof keliyi leeyahay ee kiraysan oo cashuuri ku waajibtay waa cashuurta ugu fudud ee lunta, waxana la gaadhi lahaa heer shaqo daadajin la sameeyo oo Gobolka (State-ka) kasta uu hanto kharashka adeegyada bulshada ee ay ka mid yihiin; Waxbarashada, Caaafimaadka iyo Booliska Magaaladda, taasi oo aan u arko in loo baahan yahay si kor loogu qaado adeega bulshadda ee magaalooyinka.
In ay noqoto goob (platform) ay siyaasiyiinta doonaya in ay dalkan Hogaamiyan ay ku soo qaatan tabobar, bal u fiirso Mayors-ka States-ka USA akhirka waxa ay u tartamaan Madaxweynenimo, waana goob lagu soo tijaabiyay wax qabadkooda. Haddii nidaamkaasi la hir-geliyo waxa la heli lahaa siyaasiyiin la soo tijaabiyay wax-qabadkooda.
La dagaalanka Qabyaaladda oo ah aafo qaran oo burburisay dhaqaalaha dalka, haddii la fuliyo waa sabab lagu kordhin karo dakhliga, laguna xoojin karo is-dhex galka bulshada, isla markaana lagu hagaajin lahaa qaabka Degsiimooyinka magaalooyinka, taasi oo loo baahan yahay si dawladdu ula dagaalanto waa in ay xoojisaa qaabka degsiimooyinka Dhulka oo ay la soo noqotaa dhulka in ay gacanta ku hayso dhulka sida uu dastuurka JSL dhigayo in muwaadin kasta oo somalilander ahi uu helo dhul uu dego, qof kastana halka uu jecelyahay in uu dego maahee la siiyo meel kale si loo xoojiyo is-dhex-galka bulshada ee magaalooyinka, isla markaana dib-u-habayn lagu sameeyo Daamaha qabyaalada loo degay oo intii isku reeriba dhinac u martay arrintaasi oo dhibteeda leh qarankuna aanu ka tisqaadi karin. Sidoo kale waxa ay dawladda Dhexe iyo Hoose ay ka heli lahayd dakhli ay ku kobciyaan dhaqaalaha dalka;  tusaale ahaan qofkii dhul u baahan in dawlada hoose ka qaado $500 waa dhulka rasmiga ah ee Dhismaha dhagaxa ah laga dhigayo taasi oo dabooli lahayd baahi kharash oo ka taagan Wadooyinka magaaladda dhexdeeda iyo Biyoomareenda (drainage) in ay guryuhu yeeshaan, iyadoo dhulka laga dhigo Laamiyada qorshaha aan u soo jeedinaya  uu yahay keliya in laga dhisi karo guri bilic leh oo noqon kara degsiimo ama Meherad (tusaale ahaan guri dagsiimo oo fooq qurux badan ah ama Supermarket leh dhisme qurux badan) taasi oo bilic u yeeli lahayd dhulka Laamiyaddu ay maran oo ah siyaasad lagu dabaqo caalamka oo dhan in gurigii laami lagu soo jeedinayaa uu noqdo dhisme qurux badan oo leh bilic soo jiidasho.
Gebo-gabo:

Si qorshahan uu u noqdo mid midho dhal loona gaadho ujeedada ka danabaysa oo ah daacadnimo muwaadin doonaya keliya in uu uga faa’ideeyo hankiisa iyo himiladdiisa uu dalka waxa ugu qabanayo cidii ka faa’idaysan karta sida Xukumada, waxa aan soo jeedinayaa in qorshahan laga sameeyo dood TV iyo war-baahinta kala duwan, si loo tijaabiyo oo loo helo jawaab laga duulo oo assaas u ah hir-gelinta qodobadaasi kor ku xusan qaabka ay u hir-geli karaan iyo sida ay logical u yihiin.
In Jaamacada Hargeysa (UoH) oo aan barnaamijkan u hibeeyay in ay gacan naga siiyaan anagoo ah group arday ah in daraasad cilmiyeed (research) ku sameyno qodobada khuseeya shaqo abuurka iyo kobcinta dakhliga naguna kabto aqoonta loo baahan yahay ee Research-kan.
In Dawlada iyo cid kasta oo awooda in ay Group-kayagaasi ardayda ah ay gacan ka siiyaan kharashka ku baxaya daraasadaasi qodobada khuseeya shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha, oo ay fulin doonaan Arday ka mid ah Faculty Business gaar ahaan Senior-ka sannadk 2013-2014, iyadoo marka la dhamaystiro daraasadaasi cilmiyeed ay Jaamacaddu u samayn doonto xaflad ay ku soo ban-dhigi doonto; Ardayda, Ganacsatada maal-gashiga danaynaysa, Xukuumadda iyo cid kasta oo danaynaysa ka midho dhalinta hadafkan cilmiyeed ee hoos loogu dhigayo shaqo la’aanta, korna loogu qaadayo dhaqaalaha Dalka iyo shaqo abuurka oo xooga la saari doono dhinaca wax-wada-lahaanshaha (Cooperation system companies) sidii loo samayn lahaa.
Qorshahan oo aan ka soo qaatay Buugayga la yidhaaho ‘’Hankayga iyo Himiladayda’’ oo aan u arko in lagu horumarin karo dalka,  waxa aan qodobadan hor-dhacaha ah idiinku soo ban-dhigay maddaama aannu wakhtigu ii samaxaynin oo aanay ii muuqan fursadda aan ku fulin lahaa, in laga faa’idaysto oo la dhaqan geliyo gaar ahaan Xukumada oo fursad u haysata wakhtigan. Keliya waxa aan codsanayaa haddii aad qayb ka mid ah ama dhamaan qaadato fikirkan oo aad hir-geliso waxa sharaf iigu filan in aad Fikirkayga igu xusto iyadoo mahadsan oo aan la igala bakhaylin muwaadinimadayda.
Wixii fikir ah ee aad ku biirinayso ama kaga soo hor-jeedo waa soo dhawaynayaa is qancinta iyo fikirkaagu waa mihiim, fadlan igala soo xidhiidh email; ahroble@yahoo.com , Facebook; Abdikarim Roble GM tel#; 9100371 ama 0634429485……….. Qore; Abdikarim Hersi Roble Senior student UOH Year 2013-2014……………… Waad mahadsan tihiin

By Abdikarim Roble
ahroble@yahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *