Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay shalay dib-u-habayn ballaadhan oo lagu samayn doono dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ee Madaarka Hargeysa, kaas oo ay ku kacayso lacag gaadhaysa Afar milyan

iyo dhawr boqol oo kun oo dollar.
Mashruuca dib-u-habaynta madaarka oo ay maalgelinayso dawladda Kuwayt, waxa fulinaysa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ah oo la yidhaa China Hona Group oo hore ugu guulaysatay qandaraaska lagu dayactirayo madaarka Hargeysa, gaar ahaan dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan oo dib-u-habayn weyn lagu samayn doono.
Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasabaddaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucan dawladda Kuwayt ka caawinayso ee dib-u-habaynta iyo dayactirka lagu samaynayo uu ka dhigi doono garoonka Hargeysa mid la mid ah madaarrada caalamiga ah, isagoo xusay in tallaabadani qayb ka tahay waxqabadyada ballaadhan ee xukuumadda KULMIYE muddadii ay xilka haysay ku tallaabsatay.
Wasiirku  waxa uu intaa ku daray inay dedaal xooggan u galeen sidii mashruucan loo hirgelin lahaa madaarrada Hargeysa iyo Berbera looga dhigi lahaa qaar heer caalami ah, isagoo tilmaamay inay wasaarad ahaan isku hawleen sidii dib-u-casriyayn loogu samayn lahaa Madaarka Egal International Airport iyo ka Berbera
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuca dib-u-ballaadhinta Madaarka Hargeysa, ayaa ugu horreyn u mahadceliyey dawladda Kuwait iyo shirkadaha hirgelinaya dayactirka, isaga oo tilmaamay in mashruucani yahay mid horumar u horseedaya dalka iyo bulshadaba.
“Waxaan ku faraxsanahay dib-u-habaynta dariiqa diyaaraduhu maraan lagu sameeyey iyo dhismayaasha kalee aan ku soo arkay madaarka ee casriyeynta weyn lagu sameeyey. Waxaan mahad ballaadhan u celinayaa in alla intii ka qaybgashay, maalgelinaysa, wax nagala qabanaysa ee dhaqaalaheeda galinaysa sida dawladda Kuwayt ee naga maalgelinaysa, hawshanna wax nagala qabanaysa aad iyo aad baan shaqaalaha, shirkadaha iyo ciddii kale ee ka qaybgashayna mahad ballaadhan ugu jeedinaya, waxaanay inoo noqon doontaa horumar weyn oo la taaban karo, kuna soo kordhay dalka iyo dadkaba,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *