Maalmahan danbe waxa ka qaylisiisay dadka Reer Somaaliland gudo iyo dibadba Imaanshaha Cismaan Kulluun, hadaba waxa is waydiin mudan imaansha Kalluun maxay ka badali kartaa qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland. waxaa

 
muhiim ah in imaanshaha ninkani iyo siyaasiyiinta kale ee aaminsan mabda”a Somaali weynba hadii ay dalka yimaadaan iyo haday ka maqnaadaanba in aanay waxba ka badali karin masiirka ay Ummadu go”aansatay ee Qaranimadda jiritaanka Somaliland,
Hadaba siyaasigan iyo kuwa la midka ahiba waxaan aaminsanahay in aanay siyaasida Soomaliland uga banaanayn kaalin ay ka galaan sax iyo khaladba kay doonto ha ahaate, laakiin waxaan qabaa in ay Cismaan Kaluun iyo rag kale oo la mabda”a ahaaba in uu cidhiidhi ka galay kaalintii ay ku lahaayeen arrimaha Somaliya maadaama oo aanay wadan taageeradda shacabka ku nool Somaliland.
Sidaa daraadeed, waxay ila tahay in aan lagu jahawareerin oo aanay inna ruxin imaanshaha Shakhsi fikirkiisa la daalay oo tabcaan ahi,una maxaafsitagay raadinta quruska qoyskiisa,sidaa daraadeed hadal haynta imaanshihiisan ina xiijiyey waxay la mid tahay findhicilku ma xaaraanbaa mise waa xalaal iyo soo hadal qaadkiisa xunba, laakiin waxa meesha ku jira maadaama ay golayaasha sharci dajinta soomaaliland ay sharci qabanaya ka soo saareen danbiyada noocan ah, in ay xukumaddu ka hadasho arrintan oo ay kala cadayso hadiiba ay u fidinayso cafis iyo hadii waajibaadkeeda sharci ka gudanaysaba.
Ugu danbayntii, inta ay arrinaatsi kala cadaanayso waxaan shacabka Somaliland ee wadaniyiinta ah iyo Saxaafadda Somalilanba in aanay wax weyn ka dhigin Siyaasigan Cismaan Kalluun ee uu jiheeyihii Siyaasadeed.
 
Khaalid Axmed Maxamed
Kampala/Uganda,
khalidbube10@hotmail.com.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *