Qoraalkan uu afhayeenku sida gaarka ah ugu akhriyey saxaafadda qaarkeed lagacaga loogu deeqay, waxay ina soo xusuusinysaa maamul xumi xukumada ee 100 cisho, waxa

uu wax-qabad ku-sheega kusoo koobeen saddex arrimood iyo mid Afraad oo la magac dhabay, (Arrimaha Bulshadda), laakin aan waxba laga sheegin.

1- Dhismaha Xukumadda

2- Arrimha Aminga

3- Arrimaha Dhaqaalaha

Waxaa kale oo uu afhayeenku ku sheegay in buug si gaar aha loogu soo qorayo dhammaan wax-qabadkii xukumadda ee 100 cisho. Insha Allha waxaan ka eegaynaa in xukumaddu soo bandhigto wax aan waxan ahayn.

Dhismaha Xukumadda

Wax-qabadkii boqolka cish (100 Days) xukumadda cusub, waxaa uu afhayeenku ugu horeysiiyey dhisid xukumad tiro yar oo tayo leh. Hadaba , marka uu leenahay tiro yar oo xukumadeed muxuu uga jeeda afhayeenku? Tirada yari waa imisa? Muxuu ku saleeyey tirada yar?

Tiro

Waxaan qiyaas uga dhigaya tirada yar ee xukumadda labaadn arrimood.

1- Waxaan uga dhigayaa qiyaas isku darkii xukamddii ay Somaliland ku hungoodaye ee July 1, 1960,

2- Ta labad waxaan qiyaas uga dhigayaa xukuadda cusub ee wadanka aan jaarka

nahay ee Itoobiya (Ethiopia) oo maalmo ka danbeysay tan Somaliland

Lixdankii markii la isku daray labada wadan ee xorriyada ka kala qaataya labda wadan ee Great Britain iyo Italian kadibna lagu magacaabi jirey Somali Republic, waxay ay xukumaddii marka la dhisay ay magacawday xukumad tiro yar oo ka kooban seddex iyo toban wasiir oo uu weliba uu ku jiro Raiisal Wasaaruhu iyo ku-xigeenkiisu (13

Ministers). Tirad dadka wadanka ku noola marka (Population) wuxuu lagu qiyaasayey Toban Million (10 Million).

Midda labada waa mid qoyan oo ayaamo laga tirianyo, waa wadankan aynu jaarka nahay ee Itoobiya (Ethiopia) waxaa dhowaan ka dhacayd doorasho waxaan xukumadda ku guulystay… Raiisal Wasaare Meles Zenawi (PM Meles Zenawi), wuxuu soo magacaabay xukumadd ka kooban labaatan wasiir (20 Minsters). Tirada dadka wadanka ku nooli waa Sagaashan million oo wax yar dhiman (90 million).

Akhriste ma kula tahay wadan tirada dadku dhan yahay Seddex Million iyo badh (3.5 Million) in ay xukumadoodu noqoto 20 wasiir, adiga oo ka qiyaas qaadanaya wadamada aan kor ku soo sheegay?

Xukumadan waxay ku hungooday in ay dhisto xukumad tiro yar, xaqiiqda meesha ku jirtaa waa midka.

Tayo

Tayadda waxaan ku soo koobaya sidan:

Wasiirka sheeganaya inuu sito shahadda tacalinta sare iyo sodon sano (30 years) oo waayoargnimo shaqo oo uu weliba kala yimid wadanka ugu awooda badan addunka ee Maraykanka ee haddan leh wasaaraddan la ii dhiibay kuma salysan qaybsiga reereed ee 4.5 anagu garanmaayo tayadda.

Afhayeenku markuu ka hadalyey Hay’adaha wuxu yidhi, “Hay’addo badan oo hoos iman jiray madaxtooyada ayaa ayaa lagu celiyay meelihii ay mudnaayeen, sida Tv-ga qaranka oo la hoos geeyay wasaaradda warfaafinta, laanta socdaalka oo la hoos geeyay wasaaradda daakhiliga” Wuxuuse ilaawey in Ishii dhaqaale ee wadanka (Waa Dekedda Berbera) dib loogu soo celiyey Madaxtooyadda., maxaa Dekadda iyada loogu dayn waaye meeshi ay mudnayd?

Arrimaha Amniga

Afhayeenku wuxu yidhi marka uu ka hadlayey Arrimaha Amniga sidan, “Waxaad xasuusan tihiin 300 oo nin oo ka soo degay xeebta galbeedka Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, aakhirkiina dawladda Itoobiya oo ay dhinacooda ku socdeen ay ka aarsatay oo ay ka adkaatay”

Afhayeenka waxaa ka khaladan sida uu sheegi lahaa sida ay xukumadu ugu hungooday ilaalinta Aminga Qaranka, wuxuna waxqabadka Xukumadda ka dhigay fashilaadii ka raacaday ciidankii dhamaa  240-ka  Nin ee maalinta cad u soo badheedhay inay ka soo degaan xeebaha Somaliland iyaga oo si cad u muujiyey in aan jirin awoodna u lahayn in ay sugto nabadgelyedda wadankeeda xukumadda Somaliland maanta ka talisa, baylahan tahay. Afheenku inuu ka xishoodo ayay ahayd inuu waxqabad ku sheego fadeexadii ku dhacaday xukumadda, may ahayeen inuu arrinta soo hadal qaado haba yaratee.

Isaga oo afhayeenku ka hadlaya Arrimah Amniga wuxuu kale oo uu yidhi, “Waxaa saamaxaad madaxwayne lagu sii daayay maxaabiistii siyaasadeed ee xiligaa xidhxidhnayd” waa markii kowaad ee ay xukumaddu sheegtay ama ay daaha ka qaado in ay sii daysay maxaabiis u xidhan siyaasad, waxaan rejeynayaa in magacayooda ay ku soo qoran waxqabadka uu afhayeenku sheegay in ay soo wadan. Waxaase xasuusin muddan in Xakiinkii xukuma tuugta, markii la soo da’ayey ay suuqa magaalda Hargeysa qudha kaga jari gaadheen dharaarcad. Muwaadinkii soo sheegay ninka walaxa qarxa sitey uu dharaarcad ku dilay magaaldda Burco, iyada oo lagu sheegay inuu ka baxsaday Boliskii.

Wuxuu kale oo Afhyeenku yidhi, “Waxaa la kala diray oo madaxwaynuhu khudbadiisi ugu horaysay ku kala diray guddidii nabadgelyada ee lahayd awooda xukun ee aan sharciga ku dhisnayn” wuxuu afhayeenku hilmaansan yahay in xeer uu ku bedelay Wasiirka Arrimaha Guduhu Waakan aniga oo ka soo xigtay shebekadda Oodweyne:

Hargesya (Oodweynenews)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa shaaca ka qaaday in guddidii nabadgelyada ee madaxweyne Siilaanyo laalay lagu beddelay xeer la sameeyey sannadkii 1962kii oo la yidhaa xeerka ilaalinta nabadgelyada (Public Order Low). Xeerkan wuxuu leeyahay awood xadhig

fulineed oo ay sameyn karan marka ay u arkaan in ficiladda qaarkood nabadgelyada wadanka ay khatan geli karto

Akhriste afheyeenku wuxuu waxqabad ka dhigay, waxay reer Xamarku ugu yeedhi jireen jugjug minaanka joog waaye, ama mahamahdii ahayd oodi qaadis iyo jeedis waa isla gurigeyen, haddii ay xaaran ahayn Guddida Nabadgelyada ee Xukumadii Riyaale, Akhrsite miyaan tan Wasiirku magacabay iyana Xaaran ahayn? Ogow afhyeenku wuxu ku darsaday waxqabadkii xukukmadda ee 100 cisho.

Arrimaha Dhaaqaalaha

Arrimaha Dhaqaaluhu waa midka ay ku kashifantay xukumadda cusub, 100 cisho waxay ku soo koobay afhayeenku sidan, “Waxaa ballanqaadkii xukuumadda ee boqolka cisho ku jiray musharka shaqaalaha dawladda ka maqnaa kaas oo la bixiyay. Musharooyinka shaqaalaha iyo kharashaadka socodsiinta shaqada ee la bixiyayna waxa ay kala yihiin:- Mushaharka iyo kharashaadka la bixiyay oo ka soo jeeda bishii koobaad ilaa bishii todobaad ee sannadka 2010 waa 38 bilyan 862 milyan, taas oo ah mushaharka iyo kharashaadka ay ka tagtay xukuumadii hore ee daynta ah ee lagu lahaa ee ay xukuumadda cusubi bixisay. Intii ay xilka haysay xukuumaddanina waxa ay mushahar iyo kharashaadba u bixisay 58 bilyan, 240 milyan. Isu gayn waxa ay xukuumaddani bixisay 102 bilyan, 909 milyan ayay intii boqolka maalmood ahaa ay xukuumaddani kharash ahaan u bixisay. Waxaa intaa dheer raashinka ciidamada, shidaalka, qalabka xafiisyada iyo dayactirka gaadiidka”

marka aad akharido qoraalkan kooban ee aan kor ku xusan, waxaad arkaysa in aan hayn mid is waafaqsan, waayo, wuxuu afhayeenku sheegay in todoba bilood (7 months) bishii koobad ilaa tii todobaad SL 38,862,000,000 ay bixisay xkukmadu, kharshakaan ay ka dhaxashay xukumaddi hore. Intii ay xukunka haysay oo ah boqol cisho (100 cisho) waxay mushahar iyo kharash u bixisay SL 58,340,000,000, waxa uu ku sheegay labada kharash isugayntooda SL 102,909,000,000.

Wax aanan garanynin meesha ay ka keeneen isugenta xisaabtan waayo marka aad isugeyso xisaabta ay sheegayaan waxa ay noqonaysaa SL 97,102,000,000

Muddane akhriste waxaa kale oo meesha ka muuqda in xukumaada cusubi ay kharashka gashay ama isticmaashay 100 cisho ay ka badan tahay mida ay istcmaashay xukumaddii ka horeysey 33.27% waa marka aan ka xisaab qaadano qoraalka kor ku xusan ee uu afhayeenku ku sheegay wax-qabadkii 100 cisho ee xukumadda.

Arrintan ay sheegayn waxay ku tusaysa

1- In wax ay sheeganayaan ahayn mid saxa ah

2- In waxqabadka runta ah ee 100 cisho aanu ahayn mid jira

3- In waxqabdka arrimaha dhaqaaluhu uu ku salaysan yahay wax aan jirin.

waa marka aan u raacno waxay ay iyagu soo qortaan ee aynaan ka hadla xaqiiqda waxqabadka xaga arrimaha dhaqaalaha, waayo waxaan og-nahay in maceeshadu kordhay oo sicibara xad-dhaaf ahi ku yimid dadweynaha reer Somaliland tusaale waxan u soo qaadankara bishe Augusts waakan halka uu mareyey sicir-baraku marka:

1- Gadbadaba Bariiska ah ee 50 KG ah 29 Dollar nooca u jabani ka u

qaalisanina 34 Dolar. 2- Gadbada Sonkorta ah 50 Kg 44.5 Dollar. 3- Pastada 10 Kg 9.5 Dollar. 4- Daasada Caano Boodhaha ah nooca u jaban 13.5 kuwa u qaalisanina 18 Dollar. 5- Daqiiqda 50 Kg 36 Dollar. 6- Daasada Saliida ah 3 Litir 4 Dolar. 7- Tenega Timirta ah 10 Kg 15 Dollar 8- Gadbada Dhuxusha ah 40000 Afartan Kun oo Somaliland Shilling ah.

Afhayeenku mar uu ka hadlayey arrimaha dhaqaalaha waxa kale oo uu yidhi, “Si loo dhamaystiro biriishka labaad ee Hargaysa oo dumay sannadkii 2004, boqolka maalmood ee ugu horeeyay waxaad ka garan kartaan Madaxwaynuhu goobaha uu socodka toos ugu tagay ayay ka mid ayayd biriijku markii uu xafiiska wax yar fadhiyay , maalintaa madaxwaynaha wax dayn ah oo kama maqnayd dhinaca biriijka oo la odhanayo madxtooyada ayaa lacagtii bixin wayday may jirin oo way haysteen, balse nasiib darro

arrin dabeecad ah awgeed roobab iyo daadad jiray ayaa tiirka dhexe la xidhi kariwaayay, sabab uu qabyo u yahay oo aan taa ILLAAHAY ahaynina ma jirto” wuxuu si toos aha u sheegay in ay ku fashilmeen balan-qaadkii ha in 100 cisho lagu dhamistri doon Birjika (bridge) Magaalada Hargeysa, wuxuuna afhayeenku shirka u yimid inuu wax-qabadka 100cish ee xukumadda uu ka tirsan yahay inoo sheego.

Muddane u fiirso hadaladii afhayeenka ee sidan uu u yidhi “Waxa kale oo madaxwayne ku xigeenku soo dhagax dhigay wadada Dila iyo Boorame oo 4 km ay xukuumaddu dhisayso.” Muddane akhriste wuxuu waxqabad ka dhigay afhyeenku wadada uu dhagax dhigay madxweyne-ku xigeenka ee la dhisi doon, wuxuu doonayey inuu inoo sheego waxqabdkii 100 cisho ee xukumadda.

Muddane akhrste waxaan ku soo xidhaya qoraalkan inaad adigu xukunto in xukumadu ku guulaysatay waxqabadkii 100 cisho ee ay dadkeeda u balan qaaday oo ay fulisay ama ka dhabaysay balantii iyo in ay ku guuldaraysatay.

Osman Awad

Waaba2003@yahoo.ca

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *