Hargeysa(ANN)Marwada koowaad  ee Madaxweynaha Somaliland  Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-weris), ayaa xadhigga ka jartay mashruuc ku saabsan xuquuqda aadanaha oo hay’ad Faransiis ah ka fulin doonto Somaliland sannadkan 2011.

 

 

Munaasibad ballaadhan oo shalay  loo sameeyey furitaanka mashruucaas oo badankiisu ku jihaysan horumarinta dadka naafada ah oo ay maalgelintiisa bixin doonto hay’adda Faransiiska ee Handicap International oo lagu qabtay shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay marwada Madaxweyne Siilaanyo, wasiirrada Caddaaladda, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Xafiiska Taakulaynta ee Madaxtooyada, madaxda ugu sarreysa adduunka iyo gobolka Geeska Afrika ee Handicap, masuuliyiin ka kala socday ururrada xuquuqal-insaanka iyo naafada Somaliland iyo marti-sharaf tiro badan oo ay ku jireen xubno kala duwan oo naafo ah.

Mr. Jean Marc oo ah masuulka ugu sarreeya hay’adda Handicap International oo fadhigiisu yahay magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, kana mid ah masuuliyiinta ka qaybgalay kulankaas, ayaa khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyey wuxuu si faahfaahsan ugaga hadlay mashruuca xuquuqda aadanaha ee hay’addiisu ka fulinayso Somaliland, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dhibaatooyinka haysta dadka naafada ah, waxaannu soo bandhigay daraasad Handicap ka soo ururisay waddamo kala duwan oo caalamka ah oo muujinaysa tirada naafada ah ee adduunka guudkiisa maanta ku nool.

Waxa kaloo uu sheegay in dunidu gaadhay xilligii la beddeli lahaa aragtiyaha gurracan ee lagu duudsiyo xuquuqda dadka naafada ah, kuwaasoo uu tilmaamay inay ka yimaaddaan dadka laxaadkoodu dhan yahay, gaar ahaan marka naafadu doonayaan fursado shaqo ay qaban karaan.
Sidaa awgeed, Mr. Marc waxa uu bulshada caalamka u soo jeediyey inay u dhago-nuglaadaan cabashada dadka naafada ah, isla markaana u tixgaliyaan duruufaha ay ku nool yihiin, isagoo dhanka kalena tibaaxay hay’ad ahaan inay u baahan yihiin sidii bulshada Somaliland u heli lahaayeen wacyigelin badan oo ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah naafada, iyadoo la adeegsanayo qalabka kala duwan ee warbaahinta.
Mr. Jean waxa uu carrabka ku dhuftay Handicap International inay muddo 29 sannadood ah ka soo shaqaynaysay wax-u-qabashada dadka naafada ah ee dacallada adduunka ku kala nool, waxaannu xusay baahida loo qabo in dadka naafada ah yeeshaan xidhiidh iyo wada-shaqayn dhexdooda ah, iyada oo aan loo eegayn waddan iyo jinsiyad toona, ugu dambayntiina waxa uu dadweynaha iyo dawladaha caalamka ka codsaday in loo sinnaado shaqooyinka mid caafimaad qaba iyo mid naafo ah, isla markaana qof waliba ilaaliyo sharafta iyo karaamada qofka kale.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa ugu horreyn si weyn ugu mahad-celisay hay’adda Handicap Intentional oo ay xustay inay ka mid tahay hay’adihii ugu horreeyey ee Somaliland, wax weynna ka qabatay horumarinta bulshada naafada ah.
Marwo Ilhaan waxa ay sheegtay in wasaaraddeedu samayn doonto xafiis u gaar ah arrimaha dadka aanu laxaadkoodu dhammayn ee naafada ah.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Professor Imaaciil Muumin Aar, ayaa isaguna ka warramay qiimaha iyo faa’iidada mashruucani u leeyahay dalka Somaliland, kaasoo uu ku tilmaamay mid ahmiyad gaar ah ugu fadhiya bulshada naafada ah.
“Curyaannimo ma jirto sideedaba, balse curyaannimadu waa maskaxda, dadka naafada ahna waxay ku sii badan yihiin dalalka aan dhaqaalaha iyo nabadgelyada fiican haysan,” ayuu yidhi Prof. Ismaaciil Muumin Aar, waxaannu intaa ku daray, “Ummad wada nacas ah ayaa cuuryaan ah! Waddama dadkoodu helaan cuntada fiican ee nafaqada leh way ka fiican yihiin kuwa foqorada ah. Lugaha iyo gacmaha uun ha eegina ee cuuryaaminada ummaddeennu meelo badan bay ka socotaa, tan ugu weyna waa jahliga.”

Waxa kaloo Wasiirku sheegay in dadka naafada ah shaqada fiican yihiin kuwa laxaadka qaba kaga, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waannu tijaabinay oo dadka naafada ahi way kaga fiican yihiin kuwa laxaadka qaba shaqada.”

Dhanka kale waxa uu xusay inay ku ogaadeen daraasad ay hadda ka hor sameeyeen inay shaqada ugu badan soo saaraan dadka naafada ah, isagoo intaa raaciyey in tignoolajiyadda casriga ah tahay mid aad u caawinaysa waxqabadka naafada.

Mr. Ismaaciil Cabdi oo ka socday Komishanka Xuquuqal-insaanka Somaliland oo isna halkaa ka hadlay, ayaa tilmaamay inay dib-u-habayn ku sameeyeen guddigooda muddada kooban ee ay xafiiska joogeen, waxaannu sheegay in la sameeyo wacyigelin badan si loo yareeyo xadgudbyada xuquuqul-insaanka ee ka dhaca Somaliland, waxaannu daboolka ka qaaday in ay dhowaan booqan doonaan xabsiyada dadku ku xidhan yihiin waqti ka badan inta shuruucda dalku xaddeeyeen, isagoo xusay in Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranku awood u leeyahay inuu inay xukuumadda iyo goleyaasha sharci-dejintaba u gudbiyo wax-ka-beddelka qodobadda xeerarka kala duwan ee caqabadaha ku ah bulshada naafada.
Waxa kaloo uu caddeeyey inay kormeer ku soo sameeyeen dhammaan jeelasha gobollada dalka oo dhan, marka laga reebo Gobolka Sool, “Waxaanu samaynay horumar ballaadhan intii aanu xafiiska joognay,” ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Cabdi.

Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-weris) oo soo xidhay shirka, isla markaana si rasmi ah xadhigga uga jartay mashruuca cusub, ayaa si weyn ugu mahadnaqday ka qaybgalayaasha kulankaas, gaar ahaan Handicap International oo iyadu maalgelinaysa mashruucan xuquuqda aadanaha ee Somaliland laga hirgelinayo.
“Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa dhammaan ka qaybgalayaasha munaasibaddan, gaar ahaan masuuliyiinta hay’adaha caalamiga ah ee innoogu yimi wax-u-qabashada dadkeenna.
“Waxa ka go’an dawladda Somaliland inay horumariso dadka naafada ah. Waa muhiim in la ilaaliyo dadka xiskoodu dhiman yahay, laakiin bulshada Somaliland waxaan u sheegayaa in dadka naafada ah ee xiskoodu dhan yahay ay leeyihiin xuquuq la siman dadka caadiga ah.
Waxaan ugu baaqayaa bulshada Somaliland in aanay quudhsan dadka naafada ah oo ay siiyaan doorkooda, mana habboona in la takooro dadka naafada ah. Carruurta naafada ah yaan la odhan waxba ma baran karaan, waayo dayaxa laguma tegin dhammaystiran, laakiin waxa horumar kasta lagu gaadhay aqoon iyo cilmi,” ayey tidhi marwo Aamina-weris.
Sidoo kale, waxay tusaale u soo qaadatay nin dhinac kasta ka curyaan ah, una dhashay dalka Ingiriiska oo ah saynisyahan weyn oo aad looga dambeeyo aqoontiisa, muxaaradooyin badanna ka jeediya jaamacadaha waaweyn ee waddankaas.

Ugu dambayn, marwadu waxa ay ballanqaaday inay hormood ka noqon doonto sidii looga midho-dhalin lahaa hirgelinta in bulshada Somaliland helaan xuquuq siman, sidoo kalena wax loogu qaban lahaa dadka laxaadkoodu dhiman yahay.

Shirkan ay wadajir u soo qabanqaabiyeen hay’adda caalamiga ah ee Handicap International, dalladda ururrada naafada SNDF iyo Komishanka Qaranka ee Xuquuqal-insaanka, waxa loogu dabbaaldagayey furitaanka mashruuc ku saabsan xuquuqda aadamaha oo sannadkan ka bilaabmi doona dalka Somaliland.

Araweelonews  Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *