Marka hore waxaanu mudane madaxwayne mahadnaqan wayn oo ballaadhan kuugu jeedinaynaa tallaabada horumarka ah ee aad ku dhawaaqday in aad gudi qaran u saarayso furashada ururrada siyaasadda dalka oo muddo 8 sanno ah ay xukuumaddii hore ee fadhiidka ahayd ku

hortaagnayd geedi socodka dimuqoradiyadda, adiguna Madaxwayne aad ka dhabaysay ballanqaadkii iyo siyaasadda xisbiga KULMIYE ku guulaysatay inuu furi doono
ururrada siyaasadda dalka.

Haddaba, waxa iswaydiin mudan
wakhtigan munaasib ma tahay in bulshada Somaliland
isku diyaariso furashada ururrada siyaasada? Mise saddexdan xisbi ayuun baa ah
kuwo lama taabtaan ah? Sidoo kale, saddexdan xisbi qaran ma yihiin kuwo
damaanad qaadi kara masayrka iyo geedi-socodka dimuqradiyadda bulsho-waynta
Somaliland? Waxay ila tahay iyadoo aynu ka
faa’iidaysanayno dhammaan xaaladaha siyaasadda ee ina soo maray tan iyo intii
aynu kasoo gudubnay shir-beeleedkii Somaliland ee ku salaysnaa nidaamkii
Axdi-qarameedka 1993-kii ee Boorama, una gudbiney Aftidii dastuurka ee ah
nidaamka dimuqradiga inoo horseeday, taas oo ku salaysan hal cod iyo hal qof
(One Man one Vole) iyo xaqa xorriyadda, is-abaabulka ka qaybqaadashada miidaanka
siyaasadda oo aan u xidhnayn cid gaar ah.

Waxa xusid mudan in dastuurka
Somaliland caddeeyey sida uu qeexayo qodobkiisa 9-aad farqadiisa 2-aad oo
sheegaysa in dalka Somaliland yahay mid ay
siyaasaddiisu ku dhisantahay urur-siyaasaddeed iyo hannaanka xisbiyada badan,
taasna uu dammaanad qaaday dastuurku. Waxa iminka jira oo aynu ognahay in muddo
sagaal sannadood ah ay golaha deegaanada Somaliland
wali fadhiyaan kuraastoodii, sababtuna tahay furitaan la’aanta ururrada
siyaasadda, kaasi oo ay hore ugu soo tartameen toddoba urur-siyaasadeed,
saddexdii ugu codka badnaana ay u gudbeen xisyo qaran.

Mudane madaxwayne waxaan kuu soo
jeedinayaa in wakhtigan oo umada Somaliland u baahan tahay in la furo
urur-siyaasadeed, horena aad noogu ballanqaaday, taasina ay tahay ta keliya ee bulshada
reer Somaliland, gaar ahaan dhallinyaradu si hagar la’aan ah kuugu hiilisay
codkooda kuna gaadhay in aad ku fadhiisato kursiga ugu sarreeya Somaliland.

Haddaba iyadoo saddexdan xisbi
yihiin kuwo aan dammaanad qaadayn baahida siyaasadeed ee dadweynaha, khaasatan
dhallinyarada Somaliland u baahan tahay, balse ay yihiin kuwo ku sifoobay in
mar walba cid gaar ahi ku amar-ku-taaglayso oo si gaar ah u sheegato, isla
markaana aanay jirin meeqaam siyaasadeed oo dhallinyaradu ku dhex leeyihiin xisbiyadaas
jira, hase ahaatee wakhtiyada doorashooyinka oo keliya u adeegsada sidii ay ugu
dan-gaadhi lahaayeen hawlahooda siyaasadeed, iyagoo ku tartama oo mar walba ka
faa’iidaysta muruqooda iyo maskaxdooda, laakiin aan ahayn mid ka turjumaysa mustaqbalka
siyaasadda iyo horumarka ee dhallinyarada mid dhow iyo  fog toona ee dalkooda.

Sidaa daraadeed, Mudane; Madaxweyne aniga oo ku hadlaya magaca dhallinyarada Somaliland ee inta aannu isku fikirka iyo aragtida siyaasadeed nahay, waxaannu u diyaarnahay oo naga go’an in aanu isku abaabulno sidii aannu u furan lahayn ururro siyaasadeed oo aannu doonayno inay ka dhex muuqdaan miisaanka dhallinyarada Somaliland oo ah xoogga, aqoonta, maskaxda iyo midhaha dalkani leeyahay, kuwaas oo la hubo inay yihiin cidda keliya ee dalkan iyo dadkan horumar ballaadhan gaadhsiin kara, maadaama inta badan maskaxdoodu ka fayowdahay dhaqannada qabyaaladda, cunsuriyadda, nin jeclaysiga iyo musuqmaasuqaba.

Mudane Madaxweyne, annaga oo og aqoonta iyo xeel-dheerida siyaasadeed ee kugu dheehan, isla markaana kaaga mahadnaqayna hannaanka odaynimo ee aad dalka ku hoggaaminayso iyo sida aad u fulinayso ballanqaadyadii aad shacabka u samaysay wakhtigii aad ololaha ugu jirtay
kursiga dalka u sarreeya ee Madaxweynaha Somaliland, waxaannu si sharaf iyo
qadarin mudan kaaga codsanaynaa in aad xubno dhallinyaro ah ku darto guddiga
aad ku dhawaaqday in aad u saarayso ka soo talo-bixinta furashada ururrada
siyaasadda Somaliland, maadaama ay yihiin cududda keliya ee xaq u leh furashada
ururro siyaasadeed oo ay talada kaga qaybgalaan, adigana xaq fara badan kugu
leeyihiin. Waxaannan Madaxweyne, hubaa in haddii aad tallaabadaa qaado in aad
diiwaanka taariikhda Somaliland ka geli doonto
baal-dahab ah oo dhallinyaradu weligood kugu xasuustaan.                      

by Maxamed Axmed
Jaamac (Caloolay)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *