Hargeysa(ANN)Wasiirka Dulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta xadhiga ka jaray  Dhismeyaal ka mid ah Madaarka  Caalamiga ah ee Berbera oo   qurxin iyo dayactir lagu sameeyey. Munaasibad  kooban oo ka dhacday

gudaha Madaarka  magalada Berbera oo  xadhiga lagaga jarayey qaybahaa cusub waxa ka soo qayb galay Badhasaabka G/Saaxil Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), Maayerka Degmeda Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Maamulka iyo Shaqaallaha Madaarka.

Maareeyaha Madaarka  Berbera Axmed Maxamed Cawaale oo hadal kooban ka jeediyay ka hor intii aanu wasiirku xadhiga ka jarin goobahaa  ayaa  sharaxaad ka bixiyey sida ay wax u qabteen iyo isbadelleda baaxada leh ee ka muuqda Madaarka, isagoo yidhi, “Maanta waxa uu wasiirku xadhiga inooga jari doonaa barxada hore ee Terminaalka oo aanu dhignay Mar mar si farshaxan leh loo dhigay, anagoo ku beernay dhir aad u qurxoon” ayuu yidhi.
Wuxuuna intaa ku daray in qaar ka mid ah Dhismayaasha lagu sameeyay dayac tir yidhi,  “qaybta ay dadku marka ay soo degayaan ay fadhiistan ayaanu ku samaynay tayactir aad u balaadhan, anagoo dhignay dhamaan adeegyadii ay dadka soo degayaa u baahnaayeen, waxaanu aad u habaynay Musqulihii dadku isticmalayeen”. Ayuu yidhi Maareeyaha Madaarka Berbera.

Sidoo kale Badhasaabka G/Saaxil Ramaax ayaa weedho kooban oo   uu halkaa ka jeediyay  ku sheegay  inuu aad ugu faraxsan yahay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadu  sida fiican ee uu xilka isaga saarayo hagaajinta Madaarka, isagoo yidhi, “waan ku  faraxsanahay , waayo Madaarkani  maalin walba wax baa lagu kordhiyaa Wasiirkuna waa nin ay ka dhab tahay wax ka qabsahada  Madaarka, waxaana cadayn u ah inuu maalmaha nashada uu isagu ku qaato inuu yimaado Berbera gaar ahaan Madaarka.”

Maayarka Degmeda Berbera Cabdalle Maxamed Carab ayaa dhiniciisa  halkaa ka sheegay inay ka dawlad hoose ahaan iyaguna qaybtooda ka qaadanayaan oo ay dhisayaan laami ay hore u ballan qaadeen, isagoo yidhi,  “Waxaanu anaguna ballan qaadnay Laami isku xidha Terminalka iyo Runwayga kaas oo aanu isla maantaba bilaabi doono hadii illaahay yidhaahdo.”

Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi oo markii uu xadhiga ka jaray qaybahaa Madaarka ee qurxinta iyo dib u habaynta lagu sameeyay ka dib  hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay waajibkiisa tahay  inuu wax qabto, iyadoo Wasaaraddiisu fulinay Siyaasada guud ee Xukumada ee ku wajahan habaynta Madaaradda  Somaliland.
“Dawlada waxa ka go´an inay hagaajiso dhamaan Madaarada Somaliland gaar ahaan ka Berbera oo ah Madaarka  ugu wayn Somaliland,  kaas oo ay fadhiisan karto Diyaarad kasta oo adduunka Jirta.” Ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu sheegay inay Xukuumadda madaxaweyne Siilaanyo wado qorshe ay ku doonayso inuu Madaarka Berberi  la tartamo madaarada dhigiisa ee  Geeska Afrika iyo dunida kaleba, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Xukuumadda waxa ka go´aan ah inay wax badan ka qabato Madaarka magalada Berbera.”
Wuxuuna isagoo iftiiminaya markii uu xilka kala wareegay wasiirkii dhigiisa ee xukuumaddi Rayaale yidhi,  “waxaan imi magaalada Berbera Madaarka  oo leh Qayb keliya oo ay dadka dhoofaya iyo kuwa soo degayaaba ay wada isticmaalaan, imikana waa Illaahay mahadii  inay laba meelood kala isticmaalayaan kuwa dhoofaya iyo kuwa soo degayaaba.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *