Somaliland: Kawaanka Waxbarashadda Aan Laga Warhayn, By. Axmed Guul-Alla

Tan iyo waqtigii jamhuuriyada Somaliland ay gooni uga go’day Somalia 1991’kii , ee lasoo noqotay xoriyadeedii waxay markasta xoogga , ama awooda saarayeen xukuumaddihii kala duwanaa ee soo maray jamhuuriyadda Somaliland iyo bulsho-weynta ku nool somalilandba in dhallinta soo kacaysa oo ilaa wakhtigaa aynu

lasoo noqonay xoriyadeena ilaa wakhtigan aynu hadda joogno sii kordhaysa aynu  ugu dedaalaynay markasta sidii loogu heli lahaa waxbarasho ku filan, taas oo hadda meel fiican maraysa.
Xukuumadadan ugu dambeysay waxa ay awood u yeelatay in ay waxabarashada dugsiyada hoosedhexe ka dhigto lacag la’aan, waxaa wakhtiga dhow aanu ka rajaynaynaa in ay dugsiyada sare iyo jaamacada dawladaba laga dhigo lacag la’aan. Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee jamhuuriyadda Somaliland iyada ayaa masuul uga ah qaranka dhammaan hawlaha waxbarasho.

Haddaba Xukuumadu gaar ahaan wasaarada waxbarashada iyo caafimaadku miyey iska indho tirayaan mise dan baa ugu jirta  Dugsiyada private’ka ah ee qolalka yaryar boqolaalka ardey ku rasaynaya. Tusaale fiican waxaynu usoo qaadan karnaa dugsiga Noradin Sheekh-madar ee hoose dhexe  ee magaaladda Hargeysa oo sida raashinka ardeyda fasalo ahaan loogu raseeyey qolalka yar-yar ee ku yaalla guryo aan loogu talo-galin xaaladaha Waxbarasho oo aan u habaysnayn  qaab-dhismeedka goobaha  Waxbarashada loogu talo-galay,isla markaana qolalkaa yar-yar lagu xareeyo ardeyda iyada oo aan loo aabo-yeelayn inta uu qaadi karo amaba ku haboon ee la eegayo inta kasoo hoyan karta lacag ee laga helayo siduu doonaba ha u buuxsamee,  iyadoo welibana daaqado hawo ku filan siiyana aan lahayn.
Sidoo kale adeegan waxaa fuliya macallin aan ku tilmaami karo calooshiisa u shaqeyste ah oo aan eegayn masuuliyada waxbarasho sida cashar diyaarintii, u gudbintii casharka oo aan macquul noqonayn in loo gudbin karo ugu yaraan boqol iyo konton ardey oo qol yar ku jiro oo mararka qaar ay dhacdaba in macallinkaba uu naqasku ku dhago , waxaa aan suurtoobayn in macallinku qiimeeyo fahanka ardeyga,  amaba inta uu ka fahmay casharkii baxay,  iyadoo si loo oggaado,  ama loo xaqiijiyo cashirkii uu macallinku siiyey ardaygana in la qiimeeyo aanay suurto gal ahayn, halkaa waxaa ka cad in xidhiidhkii ardayga iyo macallinku aanu jirinba.
Sidoo kale qaabka waxbarasho ee waqtigan casriga ah  la isticmaalo ee loo yaqaan (child centered), macallinku awood uma laha inuu isticmaalo , laakiin waxay dantu ku khasbaysaa inuu isticmaalo (teacher centered)  oo uu khudbad ahaan cashar kasta u siiyo ardayga, taasi  oo dhibaato weyn ku ah waxbarashada iyo mustaqbalka ardayga ay masuuliyadiisa waxbarasho qaadeen dadka faa’iido doonka ahi, taas oo indhaha wasaaradda ee arrintan usoo  gudbin lahaa oo ahaa kormeerka  waxbarashadda dugsiyda aan dawliga ahayn aanu jirin hadda , waxayna taasi fursad u siisay inay  iskood isku maamulaan dugsiyada gaarka loo leeyahay.
Dhinaca kale haddii aad ka eegto waxaa halis,  ama khatar ku jirta xaaladii caafimaad ee ardaydaa yar-yar oo si dhib yar isugu gudbin kara  xanuunada lagu kala qaado taabashada iyo hawadaba. Iyadoo inamo iyo hablaba qolalkaa yaryar ay is dhex hawaaraan,  iyadoo aanay jirin wax miisas ah, keliya ay yaalaan meesha foomam dhaadheer oo si cidhiidhi ah u yaalla jilbahana ay isku wada hayaan ardaydu.
Haddaba hadaanu nahay aqoonyahanada iyo waalidiinta danaynaysa dhallinta soo kacaysa  waxaanu usoo jeedinaynaa wasaaraddaha ay arrintani khuseyso siiba wasaaradda waxbarashadda  inay arrintan go’aan deg-deg ah ka qaadato, waxaananu rajaynaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan ay wasaaraddu u gudan doonto waajibkeedan.
Marar baddan ayaan  u gudbinay taladan dhowr jeer mudooyin kala duwan , taas oo maamulka iyo macalimiinta  dugsigaasi  ay noogu jawaabaan markastaba waxbaanu ka qabanaynaa arrintan iyo jawaabo la mid ah oo  aan midho dhal ahayn,  amaba been abuur noqda , taas oo hadalkayagii ka dhigtay hal bacaad lagu lisay.
Haddaba cid kasta oo  masuul ah oo garan karta  dhibta,  amaba halista ku iman karta caruurtaa yaryar maxaa ay  sugaysaa?
Waxaan soo jeedin lahaa fikirkeyga in ganaax 50% ah laga qaado,  amaba albaabada loo xidho ilaa  intay la imanayaan nidaam suurto-gal ah oo lagu dabagalo, kaas oo waafaqsan qawaaniinta waxbarashadda.
Haddii aynaan isku naxariisan ilLaahayna inoo naxariisan maayo.
Wabillaahi Tawfiiq

By. Axmed Guul-Alla
guul-alla@hotmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *