Hargeysa(ANN)Shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL, ayaa suurtogelisay in si toos ah Telefishanka Qaranka looga daawado habeenkii Sabtida kulan lagaga hadlayey saamaynta siyaasadeed ee ay Somaliland ku yeelan karaan qodobadda ka soo baxay shirkii arrimaha Soomaaliya ee dhowaan lagu

qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Kulankaa oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa ka qaybgalay Wasiirrada Khaarajiga Dr, Maxamed Cabdillaahi Cumar, Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, Diinta iyo Awqaafka Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xoog), Xannaanada Xolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, wasiirrada cusub ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Mr. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Telefiishanka Qaranka Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, masuuliyiin ka kala socday xisbiyada qaranka, xildhibaanno, dhallinyaro, haween iyo martisharaf kale oo tiro badan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa tilmaamay in shirkii London ay ka soo baxeen waxyaabo guulo u ah Somaliland
“Waxaannu xukuumad ahaan is-tusnay in loo baahan yahay in dib loo eego dariiqa aynu mareyno iyo tabaha la adeegsanayo, inaannu wax ku kordhin karno kuwii hore ee jirey, waxa noo soo baxay in labaatankii sannadood ee aynu jirnay dunidu way isbeddelaysay oo dawlado aan ictiraaf haysan ayaa la ictiraafay oo gobolka ku soo biirey oo ay ka mid tahay Koonfurta Suudaan iyo Ereteria, mushkilado kaloo dunida ka jireyna xal ayaa loo helay, markaa arrimahaasi waxay ina geyaysiiyeen bal in dib loo eego inaannu tabo cusub ku soo kordhin karno, isbeddelladan dunida socdana la qabsanno oo aannu la falgalno,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka cusub ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna halkaa ka hadlay, waxa uu u mahad-celiyey Wasaaradda Khaarajiga Somaliland ee soo qabanqaabisay kulanka lagaga hadlayey waxqabadkii ka soo baxay shirka London.
Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xusay in shirkaasi muujinayo haddii wadajir wax la isugu raaco inay guul ku dhammanayaan, waxaannu carrabka ku dhuftay in shirkaas lagu ammaanayo Somaliland oo dhan.
Dhammaan masuuliyiinta halkaas ka hadlay waxa uu hadalkoodu u badnaa in shirkii London guul weyn uga soo baxday Somaliland.
Ma aha markii ugu horreysay ee shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL u sahasho in telefishannada si toos ah looga daawado barnaamijyada noocan ah, balse waxay mar walba ku tabarucdaa gudbinta arrimaha ummadda iyo dalkaba waxtarka u leh.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *