View dhar 1.BMP in slide showHargeysa (ANN)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda  iyo Arrimaha Bulshadda  Somaliland Baashe Axmed Yuusuf, ayaa maanta  xadhigga ka jaray Dukaan  si khaas ah u iibinaya dharka iyo lebiska  dhalinayaradda oo tayadiisu sarayso. Dukaankaa  cusub oo lagu magcaabo Diesel, isal markaana

 

laga furay magaalada Hargeysa, kaasoo lagu iibiyo noocyada kala duwan ee Dharka iyo Kabaha iyo qalabka loogu tallogalay xaraga dhallinyarada oo noocyo kala duwan ah.

Dukaankankaa Dhalinayaradda ee Diesal, oo aad lo sharaxay waxa  uu ku yaalla oo laga furay caasimadda Hargeysa, gaar ahaan dhinaca galbeed ee isgoyska Togdheer, kaas oo  loogu magacdaray shirkadda weyn ee laga leeyahay dalka Maraykanka ee la yidhaahdo Diesel oo soo saarta dharka, waxa lagu iibinayaa dharka kala duwan, kabaha, kiriimmada madaxa, qalabka ciyaaraha iyo qalabka lagu xaragoodu oo muraayadaha indhaha oo noocyo kala duwan ka mid yihiin.
View Agaasimaha Guud Arrimaha Bulshada.BMP in slide show
Dukaanka cusub ee DIESEL, waxa si wadajir ah u maalgashaday  laba dhallinyaro ah, kuwaas  oo kala ah Mukhtaar Axmed Cabdi (Mukhtaar Cambe) iyo Maxamed Xuseen Jaamac (Roodhi), iyada oo Mukhaar Axmed Cabdi (Mukhtaar Cambe) oo xafladii furitaanka dukaankooda hadal ka jeediyey uu sheegay in ujeedada isaga iyo saaxiibkii sida wadajirka ugu fureen dukaanka DIESEL ay tahay si dhallinyarada waxbaratay ee bilaa camalka ah loogu dhiirigeliyo inay isku tagi karaan oo si wadajir ah meherado ganacsi u furan karaan, taas oo u noqon karta shaqo abuur ay kaga bixi karaan busaaradaha iyo camal la’aanta dalka ka jirta.

“Dukaankan aannu furnay waxaannu ugu tallogalnay in aanu dhallinyarada iyo dadka kaleba u keeno dhar casri ah, kabbo tayo leh, qalabka ciyaaraha, qalabka xarradaga, waxaanan dukaankan ugu magacdarnay shirkadda weyn ee dharka casriga ah ee caalamka ugu tayada fiican samaysa ee DIESEL, waxaannanu jecelnahay in qofka dukaankayaga soo booqdaa uu ka heli doono dhar iyo kabo cajabiya oo tayadoodu sarayso,” ayuu yidhi Mukhtaar Cambe.
View mukhtaar cambe.BMP in slide show
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqa iyo Arrimaha bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Axmed Yuusuf oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray dhallinyarada ku dhiiraday inay is iskaashi ah Hargeysa uga furtaan dukaan, isaga oo tilmaamay in tallaabada dhallinyaradani ku dhaqaaqday muujinayso in da’yartu iskaashi samayn karaan si ay uga baxaan shaqo la’aanta badankooda haysata.

Waxa Agaasimaha Guud xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko dhallinyar iskaashi samaysanaya oo furanaya meherado ganacsi oo ay shuraako ku yihiin; isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Aad baan ugu faraxsanahay in aan arko dhallinyaro isku tagay oo meherad ganacsi furay, waanan ku hambalyeynayaa, tanina waxay muujinaysaa saddex qodob oo kala ah in dhallinyaradu iskaashi samayn karaan oo ay furan karaan meherado ganacsi oo ay shuraako ku yihiin, waxa kale oo ay muuninaysaa in shaqo abuur tahriibka lagaga badbaado dhallinyaradu samayn karaan iyo in dhallinyartu dalkooda maalgashan karaan.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *