Hargeysa(ANN) Faysal Daahir Camuud oo ka mid ahaa xildhibaandii hore ee Somaliland , haatana ka tirsan saraakiisha xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa si kulul uga jawaabay weedho kasoo yeedhay xibiyada mucaaridka oo ay ku canbaareeyeen wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland iyo

 

shirkii uu ka qaybgalay dhowaan ee cariga ingiriiska, kaas oo ay ku tilmaameen inuu ahaa shir Soomaalida lagu heshiisiinayay.

Mr. Faysal Daahir Camuud wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay wuxuu ugu yeedhay dhaleecayn aan sal iyo raad toona lahayn oo sida uu sheegay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne xigeenkii hore oo haatan ah guddoomiye xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin kula dul kufeen wasiirka Arrimaha debeda Somaliland.

Wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu saxaafadda u qaybiyay, isagoo yidhi, “waxa nasiibdaro ah inay Faysal Cali waraabe iyo Axmed Yuusuf sheegaan wax aan jirin oo ay ku doonayaan inay shacbiga majara habaabiyaan, iyagoo shirkii uu wasiirka arrimaha debeda Somaliland ka qaybgalay ku tilmaamay shir Soomaalida lagu heshiisiinayo, waa wax lala yaabo nimanka siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha xisbiyada sheeganaya ee sida indha la’aanta ah u dhaleecaynaya guusha usoo hoyatay Somaliland ee siyaasada arrimaha debeda, halkii ay ka hanbalyayn lahaayeen.  

Laakiin waxa hubaal ah in aanay marnaba shacbiga Somaliland dib u dhegaysan doonin kuwii ay ahayd maanta inay dhuuntaan oo ay is qariyaan. Iyadoo ay xaqiiqdu tahay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee raadkii shacbigu kalsoonida ku siiyeen qoyan yahay in aanay dheg u dhigayn shaqsiyaadkaa iyo kooxihii afmiishaarada ahaa ee dacaayadaha iyo beenta la wareega suuqa iyo maqaaxiyaha. Mana aha xukuumaddani tii dadka beenta u sheegi jirtay waxayna jawaabteedu tahay wax qabad iyo inay fuliso balamihii shacbiga codkooda siiyay oo maantaba dalka si weyn looga dareemayo mudadii yarayd ee ay jirtay oo aan toddoba  bilood dhamayn waxa ay qabatay iyo yididiilada iyo rajada shacbiga ay Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xukuumaddii uu ku xigeenka ka ahaa booraanta ku ridayeen siddedii sannadood ee ay xukunka dalka gacanta ku hayeen.

Gudoomiyaha xusbiga UCID Eng.  faysal Cali Waraabe waxaan xusuusinayaa inuu  wasiirka arrimaha debedu yahay mid ku shaqaynaya siyaasada Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo, waana nasiibrado inuu Faysal fahmi waayo dadka uu maalinba meel sida weedhka kaga imanayo, waxan xusuusinayaa Faysal inuu Madaxaweyne Siilaanyo yahay hogaamiyihii ay doorteen dadku eek u aamineen masayrkooda iyo mustaqbalkooda, waana halgamaa siyaasi ruug cadaa ah oo taariikh halgan oo weyn ku leh dalkan iyo dadkan, waa hogaamiyihii SNM xiligii aad Gen. Gaani saaxiibada ahaydeen, xaqiiqdu waxa weeye inuu Faysal ku jaah wareeraray siyaasada oo ay sida weedhka marba dhan u qaadayso.   

Sababtoo ah Faysalow  waxaad xiligii doorashada ee kaanbeynka Laascaanood ka sheegtay inaad tahay Ninkii Soomaaliya midayn lahaa, hadalkaagii aad kaga hadlaysay shirka wasiirku ka qaybgalay waxad sheegtay inay wasiirka arrimaha debeda ee Somalia ka wada qayb galeen iyo maamul goboleedyo. Haddii aanay Somaliland oo lagu sharfay in mushkilada Somalia ee dunidu ku wareertay wax laga weydiiyo sidaana kaga qayb galay wasiirka arrimaha debeda Somaliland shirkaa ma waxaaad doonaysay inuu Wasiirka Somalia ka socdaa ina metelo.

Ugu danbayn waxan usoo jeedinayaa Faysal  inuu ka waantoobo isagoo guddoomiye xisbi sheeganaya inuu fadqalalo siyaasadeed ku abuuro bulshada Somaliland iyo weedhaha uu ku dhiiri gelinayo qabyaalada iyo kala qaybinta bulshada, waxaana la gudboon inuu ummada iyo qarinimadeeda uu ku gefay markii uu lahaa’ Awdal land maxaa diidaya uu ka bixiyo raaali gelin haddii aanay weedhahaasi ahayn kuwo ka yimi kooxda Ina Ismaaciil Samatar oo aanay ahayn kuwo Faysal sii iclaaminayo qorshayaal siyaasadeed oo ka mid ah kuwii u qarsoonaa ee xiligii kaanbeynka afku ka xaday markuu lahaa Soomaali anaa midaynaya, taas oo aan ummadan iyo qarankan marnaba ka suurtoobayn inay masiirkooda iyo madaxbanaanidooda kula midoobaan.

Saaxiibkay Faysal waxaan odhan lahaa sidan  mucaarad kumaa tihiid ee cudurka iyo naxliga aad dadka kula jirto kala bax oo xisbiga ku wareeji dhalinyaradda hanka iyo mustaqbalka siyaasadeed leh ee muwaadiniinta ah, maadaama aad ku fashilantay siyaasada oo aad weli rumaysantahay inay siyaasadu tahay xisbi ayaan u ahay guddoomiye wixii  afkaaga kusoo dhacana sii deynayso. Dariiqa keliya ee kuu banaani maanta waa adigoo xisbiga ku wareejiya dad hogaamiya oo fuliya wixii aad balanqaaday xiligii musharxnimadii ugu danbaysay aad doorashada doonaysay inaad u tartanto.” Ayuu yidhi Faysal Daahir Camuud oo ka mid ahaa xildhibaandii hore ee gollaha wakiilada Somaliland, isla markaana ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye.  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *