Baynax1Warbaahinta Somaliland gaar ahaan baraha internetka ee warka fidiya websiteska ayaa saaka ka milicsaday in aqoonyahan Axmed ismaaciil Samatar oo

dhalasho ahaan la socono inuu u dhashay Somaliland, hase yeeshee qaddiyada gooni isutaagga ka soo horjeeday muddo dheer uu booqasho ku gaadhayo ciidiisa hooyo, iyada la shaaciyay inuu Somaliland ku soo beegan yahay 2 bisha June ee ay maalmaha yari hadhsan yihiin.
Waxa aan qalinka u qaatay in aanu fursadan ugu cadeeyo bulshadayda Somaliland, xukuumada iyo cid kasta oo danaysa wanaagga Somaliland in la soo dhaweeyo Prof. Samatar.

 

Waa laga wada dheregsan yahay oo faalo dheer kama bixinayo muhiimadiisa shakhsiyan iyo miisaanka uu leeyahay. Waxaanse iftiiminayaa waa mid ka mid ah dadka ugu qaylada dheer qadiyada Somaliland, hadana waxa uu cod dheer ku sheegayaa inay aduunyadu Somaliland xaqirtay oo ay dulmiday ayna mudan tahay oo la gaadhay xiligii xaqiiqda la waajahi lahaa oo Somaliland loo ogolaan lahaa inay ka mid noqoto wadamada aduunka la ictiraafsan yahay.
Waliba xukuumadda, Ardayda Jaamacadaha iyo qaybaha bulshada waxaan ka  codsan lahaa inay si  qiimo leh u soo dhaweeyaan oo ay la doodaan oo la sheekaystaan waayo waa nin wax badan og, kana mid ah groupku aduunwaynaha wax laga waydiiyo ee ku bahoobay shabakada la yidhaahdo World think Tanks.

Waxaan sidoo kale idin xusuusin lahaa inay jiraan shakhsiyaad aqoonyahano Somaliland u dhashay oo qadiyada ka soo hor jeeday, isla markaana Somali wayn aaminsanaa, kuwaasoo hada ka laabtay mawduucaas oo Somaliland u shaqeeya, xilal cususna weliba ka haya, aan soo qabto Aqoonyahan Sifir oo hada ah Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Kiiniya.

Waxaan arkayay dad wax ka sheegaya prof. Samatar iyo imaanshiyihiisa Somaliland. Waxaan waydiin lahaa oo ku soo gunaanadayaa mawduucaygan Sifir iyo Siyaasiyaanta kale la wada ogyahay ma damaanad kalay haystaan, mise dalkay ka xigaan Prof. Samatar.

Qaliinkii: Cabdiqani Xuseen Baynax
Fort Mcmurray Alberta, Canada

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *