Silanyo HRCTVHargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qaybgalay  xaflad balaadhan oo loogu dabaal degayay

sanad guuradda 10-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV oo  maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
Madaxweynahe Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa ayaa sheegay in Horn Cable TV qadiyadda Somaliland caalamka u bandhigo, waxaanu xusay inay sharaf iyo magac u soo hooyeen Somaliland, isagoo ku  hambalyeeyay munaasibadda sanad guuradooda 10-aad ee kasoo wareegtay markii uu Telefishankaa aas aasay Ganacsade Farxaan Xaaji Cali oo ah mulkiilaha iska leh Telefishankaa, wuxuuna Madaxweynuhu  usoo jeediyay maamulka TV-ga inay sii kordhiyaan dedaalkooda,  isla markaana ay ilaaliyaan dhexdhexaadnimada.

Munaasibadaa waxa kale ka qaybgalay shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka Iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabta qaranka, masuuliyiinta Ururada saxaafadda Somaliland, madaxa Hay’addaha  warbaahinta qaarkood, Ganacsato, madax-dhaqameed iyo Boqolaal qof oo marti sharaf ah.

Agaasimaha Guud ee Telefishanka HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo hadlay munaasibadaa  ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Telefishankaasi, wuxuuna  tilmaamay in Tv-ga HCTV yahay mid  laga leeyahay Somaliland oo caalami ah oo dhamaan dhulka Soomaalida oo dhan u adeega,  isagoo tilmaamay inay weriyeyaal rasmi ah ku leeyihiin daafaha caalamka oo dhan isla markaana ay u dhabar adaygeen duruufo badan oo xiligii la aasaasay TV-ga horyaalay.

 

Maxamed Cabdi Sheekh waxa uu xusay inay Tv-ga Horn Cable uu door weyn ka qaatay baahintii tooska ahayd doorashooyinkii Somaliland, Djibouti iyo doorashadii Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya  ee lagu doortay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu bogaadinayo mulkiilaha iyo maamulka Tv-ga Horn Cable TV, waxaanu xusay inay dedaal u galeen sidii ay u aasaasi lahaayeen Telefishan weyn oo daboola baahiyaha wareed ee mandaqadda oo dhan.

Sidoo kale waxa xafladaa ka hadlay Wasiir Ku xigeenka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Mulkiilaha TV-ga Horn Cable,  Farxaan Xaaji Cali iyo Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf. Iyadoo mudadii ay socotay  Xafladaasi si toos ah daafaha caalamka oo dhan looga daawanayay Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *