Muj, Budul oo salaamaya Xidiga Yaasiin Xasan NuurHargeysa(Araweelo News Network) Ciyaaryahanka caanka ah ee Kabtanka Kubadda Kollayga Dalka Qadar  Yaasiin Xasan Nuur,  ayaa

maanta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ee magaaladda Hargeysa ka dib markii uu saaka ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Magaalada Berbera.

Dad Tiro badan oo iskugu jiray siyaasiyiin, aqoon yahann o, kooxaha kubadda kollayga ee caasimadda Hargeysa, dhalinyaro iyo haween ayaa kaga hortegey duleedka dhinaca Bari ee Magaaladda Hargeysa, kuwaas  oo watay gaadiid lagu xardhay Istiikaro lagu daabacay sawirkiisa, Garmaan  iyo boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo loogu muujinayo taageerada loo hayo iyo inuu si nayadsan ugu soo dhowaado dalkiisa Hooyo.

sawirada soo dhowaynta Xidiga Qadar1Ciyaaryahanka caanka ah ee Yaasiin Xasan Nuur oo haysta rikoodhka xidiga ugu wanaagsan kubadda Kollayga ee qaaradda Aasiya ayaa dadweynihii iyo ciyaar yahanadii tirada badnaa ee soo dhaweeyay uga mahad celiyay sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen dalkiisii Hooyo.
Xidiga Kubada Kolayga Qadar
“Safarkaygan oo aan ahayn kii ugu horeeyay ee aan ku imaado dalkayga waxaan wax badan ka geysan doonaa horumarinta kubadda Kollayga oo aan ka taageeri doono ciyaartoyga agab iyo dhinaca tababaraddaba. Waanan ku faraxsan nahay inaan si nabad ah dalkayga hooyo ku soo booqdo,”ayuu yidhi Yaasiin Xasan Nuur.

 

Guddoomiyaha xidhiidhka kubaddaha Gacmaha Maxamuud Xasan Cabdillaahi oo hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa  ka waramay kaalintii iyo waxtarkii uu xidigani ku taageeray ciyaaraha kubadda kollayga ee dalka, waxaanu xusay inuu dhawr jeer deeqo kala duwan soo gaadhsiiyay,  isla markaana tababaro uu siiyay Naadiyada kubadda Kollayga Hargeysa.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Mudane Cali Maxamed Warancadde oo ka mid ahaa siyaasiyiintii soo dhaweysay Yaasiin Xasan Nuur, ayaa sheegay inuu dalka ku soo dhaweynayo ciyaar yahankan caalamiga ah, waxaanu ku tilmaamay mid magac u soo jiiday Soomaalida oo dhan gaar ahaan Somaliland oo uu ka soo jeedo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *