-
Published On: Sun, Feb 5th, 2012

Somaliland: Hanbalyo Haddaad taladii haysaan’e, hal baa iga dardaarana! By M. Harun

Smiley face
Share This
Tags

“Intaydaan wax samaynin, salka xaajada eega!” Timacade, 1970! Siyaasadu waa farsamada lagaga faaiidaysto fursadaha jira, hadaanay fursaduhu jirinna, waa farsamada fursadaha laftooda lagu abuuro!

In dhawaydba waxa doodiisu taagnayd, oo waliba aad looga badbadiyay, shirka bishan ka dhici doona London ee waayaha Soomaalida looga hadlaayo! Shirkaas London dad badan oo Somaliland u dhashay, baa siyaalo kala gadisan shaki uga muujiyay.

Xukuumadda Somaliland in si sahlan, oo aan rogrog lahayn bay bilawgiiba shirka gaashaanka ugu dhufatay! Si kastaba, xukuumada Madaxwayne Silanyo tashi wayn bay isugu noqotay, waxaanay go’aansadeen (koow) inay shirkaas ka qayb galaan, iyo (laba) inay wafti qaran, oo mucaarid iyo muxaafidba ku jiro kaga qayb galaan! Labadaas go’aanba hambalyo ayay mudanyihiin, waanan ku hambalyaynayaa xukuumada talaabooyinka ay qaaday. “Intaydaan wax samaynin, salka xaajada eega” waakii lahaa ninkii kaligiis dawlada ahaa ee Timacade! Shirka London maaha midkii Carta oo kale, dawlada UK na maaha midda Djibouti, intaas oo dhan kadibna, sanadku maaha 2000 ee waa 2012! Inay Somaliland London colaysato, oo Italy iyo Egypt oo kale ay ka dhigato wax dan ahi uguma jiraan, qolyihii ku dhawaaqaayay inaan shirkaas la tagina shaki la’aan xaajada dhinaca qaldan bay ka taagnaayeen! Muwaadiniinta Reer-Somaliland ee sharafta leh waxa ku jira qaar badan oo wadaniyadu ku fogaatay, dabeeto ay ka qaldantay jihadii!

Sheeko gaaban aan qoraalkayga ka horaysiiyee, waa dhexdii ahayd ayaan jaaliyada Somaliland qaybo ka mid ah ugu yeedhay kulan casho ah oo ay codsadeen qolyo Talyaani ah, oo shicib ah, oo hadda dhisme cisbitaal caruurta ah ka wada Somaliland. Intii aanay dhismahaas bilaabin bay ahayd, waxaanay jeclaysteen inay jaaliyada UK ee Reer-Somaliland uga waramaan halka hawsha cisbitaalkaasi ay u marayso! Qolyihii halkii ay wad mahadsantihiin ka filaayeen, ayaa lagu yidhi “Cisbitaalka maxaad noogu keenteen ee aad meelahaas kale ee Soomaaliya la yidhaaho u gayn waydeen? Iyo, “Ninkii fikrada cisbitaalkaas asalkeeda lahaa sida aad noo sheegteen Somaliland uma dhalinin oo Soomaalida kale ayuu ahaa ee maxaad naga soo doonteen?” Su’aalahaas iyo kuwo la mid ah qolyihii Talyaanihga habeenkaas waydiinaayay ayaa imika ka qaybgalka shirka ee Somaliland diidanaa!

Si kastaba, waxan jecelahay inaan qoraalkan tilmaamo kaga bixiyo fursadaha Somaliland shirkan ugu jira iyo qodobada ay tahay in xooga la saaro. Qoraalkani wuxu xooga saarayaa sida ay Somaliland suurtagal ugu tahay inay danaheeda sheegato iyadoo hadana aan ka bixin ujeedooyinka ama agendaha shirka. Dawlada Ingiriisku waxay sheegtay inay shirkaas shan ujeedo ka leedahay, Somaliland na waxay muujin kartaa, inay shanta ujeedoba iyadana danteeda yihiin. Sidoo kale, waxan faaladan ku durayaa ama dhaliilayaa qodobo ku jiray qoraalka uu shalay soo saaray Xisbul-xaakim ka Somaliland ee ay uga hadleen go’aanka ka qaybgalka shirka.

Bishii December ee sanadkii galbaday, R/wasaaraha UK, Mr Cameron wuxu jeediyay hadal uu cinwaan uga dhigay – ‘Siyaasada Boqortooyada Midawday ee debeda oo ku salaysan danaha qaranka, (UK Foreign Policy in the National Interest). Hadalkaas oo ahaa mid dheer, si qurxoona loo soo diyaariyay, wuxu Cameron uga hadlay arimo badan, oo siyaalo kala gadisan u taabanaaya danaha qarankiisa, waxaanu ku soo daray inay Soomaliya halis ku tahay danaha qaranka Ingiriis, ayna tahay inuu talaabo cadaan ah qaato. Talaabada uu arintaas ka qaadanaayo, oo uu khudbadiisaas ku cadeeyay waxay ahayd in ay London hogaamiso olole caalami ah, oo daawo kama dambays ah loogu doonaayo dhibaatada guunka ah ee Soomaalida. David wuxu sheegay inuu shir arintaas ku saabsan bulshaada caalamka iyo Soomaalidaba u qabanaayo, shirkaasina uu shan ujeedo yeelan doono. Ujeedooyinkaas, oo ah kuwa ay tahay inay Somaliland ka faaiidaysato waxay ahaayeen:

•    Protecting merchant ships passing through the Gulf of Aden = In la ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee ka gooshaysa Gacanka Cadmeed.
•    Tackling pirates = In lala tacaalo budhcad-badeeda.
•    Pressurising the extremists = In la cadaadiyo kooxaha xag-jirka ah.
•    Supporting countries in the region = In la saacido wadamada degmada.
•    Addressing the causes of conflict and instability in Somalia = In dirirta iyo degenaansho-la’aanta Soomaaliya asbaabta keenaysa la waajaho.

Hagaag! Qodob-qodob aan u galno. Qodobada koow iyo laba micnahoodu waa isku mid. Somaliland waxay haysataa qodobka budhcad-badeeda iyo sida ay badaheeda uga nadiifisay aafadaas. Somaliland waxa u furan dood balaadhan oo ku saabsan labadaas qodob. Somaliland waxay ku doodaysaa, cadayna u haysataa, inay iyadu tahay nidaamka kaliya, ee dhulwaynihii Somalia la odhan jiray, walina caalamku qalad ahaan sidaas ugu yeedho ka jira, ee ku guulaystay inay 700KM oo ah Gulf of Aden nabadgalyo ka dhigeen, budhcad-badeedna ka nadiifiyeen, halka ay international community gii oo dhami la rafanayaan, xalna u waayeen inta u dhaxaysa Ayl (Puntland) ilaa Xarardheere (Central Somalia) oo ah xarumaha Budhcad-badeeda. Somaliland waa inay ku dodo xaqiiqada ah in xakamaynta budhcad-badeeda ay Puntland ku fashilantay, oo NATO iyo International Community gu ay ku fashilmeen, oo wadamada dariskuna ay u tag waayeen, laakiin iyadu ay u tag heshay. Somaliland waa inay cod dheer ku cambaarayso daawashada uu caalamku arintan ku daawaday ee loo gurman waayay, isla markaana sheegta hadii dhab ahaan loo doonaayo in arintaas wax laga qabto, inay tahay in Somaliland la taageero.

Isla qodobkii badaha ayaan ku jirnaa, shirkan dhexdiisa waa inay Somaliland ku soo ban dhigto qorshe ay u bixiso Ka hortaga Budhcad-Badeednimada ee Xeebaha Somaliland (Preventing piracy from the Shores of Somaliland). Qorshahaasi oo malaayiin doolar ku kacaaya waa inuu ahaado mid laba waji leh, waji ciidan oo ah qalabaynta iyo tayo galinta ciidamada badaha ee Somaliland oo shaqo wayn haya, iyo in la saacido, oo nolol loo abuuro dadka ku dhaqan xeebaha Somaliland. Taageerista Ciidamada badaha ee Somaliland ujeedadeedu waa mid muuqata maxaa yeelay iyagu hadii ay qabtaan hawshaas boqolaal jeer bay ka kharash badantahay. Midda aan muuqanin, laakiin ay tahay inay Somaliland muujiso waa taageerada loo gaysanaayo dadka xeebaha dagan. Waxa la ogyahay inay Budhcad-badeeda Somalia ka bilaabatay wiilashii yaryarka ahaa ee xeebaha kaluunka ka jilaaban jiray oo maraakiib waawayni iyaka iyo doonyahoodaba bada ku dartay.

Qodobka shanaad ee agendaha shirka, oo ah fahmista iyo xal u helista asalka mushkilada Somalia, waa qodob Somaliland si wayn u khuseeya, waxna ugu tari kara hadii si wacan looga doodo. Waftiga Somaliland waa inay ku doodayn, caalamkana u sheegaan inay tiirarka ugu waawayn ee mushkilada Somalia ay koow ka tahay aqoonsi la’aanta Somaliland. Waxay Somaliland caalamka u sheegaysaa in Somalia xal laga gaadhaa si wayn ugu xidhantahay in horta Somaliland la aqoonsado. Siyaasada caalamka ee maanta iyo labaatankii sano ee ina dhaafay waa inta ay Muqdisho soo miyirsanayso, oo ah midaan muuqanin, in inta kale la ignore gareeyaa ama ha dhinteen ama ha noolaadeen. Somaliland waa inay sheegto siyaasadaasi inay qaldantahay, danta dadka Af-Soomaaliga ku hadla oo dhan iyo danaha caalamkuna aanay ku jiraan sidaas. Waa in shirka loo sheego inay mushkilada Soomaalidaba qaybteeda ugu wayni tahay iyadoo aan la fahmin dhibaatadu waxay tahay, manta ayaanan idin fahamsiinaynaa ee ogaada Soomaalida mushkiladeedu maaha mid hal mushkilad ah ooh hal xal u baahan. Waa in xooga la saaro arintaas oo aan si toos ah loogu doodin masalada aqoonsi doonista maxaa yeelay meesha looguma talagalin in qodobkaas laga hadlo.

Somaliland waa inay shirwaynaha ka dalbato in Bulshada Caalamku ku cadaadiso dawlada muqdisho marka ay ku-meel-gaadhka ka baxdo inay Somaliland wada hadal la furto. Wadahadalka ma diidi karaan, waliba caalamka hortiisa kuma diidi karaan, taasina waxay Somaliland siinaysaa fursad ah inaan go’aan loo gaadhin aanay iyadu ogayn. Somaliland waxay muujinaysaa inaanay koox baxsanaysa ahayn, qolada kalena waxay kalifaysaa inay bulshada caalamka is wajihi doonaan, waa hadii ay diidaan wadahadal ay Somaliland la galaan.

Intaas kadib, sida warka Xisbul-xaakim ka Somaliland ay faafiyeen ku qoran, Somaliland waxay sheegaynaysaa in dawlada Ingiriisku u sheegtay qodobadan:

• “Amaanka Gobolka, Budhcad badeeda,Horumarinta IWM, Somaliland waxay kala mid tahay dawladaha gobolka.”
• Shirkaasi maaha mid lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Koonfurta Soomaliya.

• “Somaliland waxay fadhiisanaysaa meel ka duwan kana durugsan Xubnaha TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada.

Qodobka hore, hadii Somaliland ay doodaas qaadato, oo waxa badaheeda ka dhacaaya ay ku doodo inay ula simantahay wadamada dariska (Ethiopia, Kenya, Uganda iwm) oo aanay meeshaas dhibaato ka soo gaadhin, waxay ka dhigantahay inaan leenahay caawimo uma baahnin, maxaa yeelay dhibaato nama haysato. Wadamada kale ee shirka ka soo qayb galaaya ayaan la mid nahay markaan leenahay xaqiiqadu sidaas waa ka fogtahay, arin aynu qayb ka nahay, oo dhibteedii ina haysatona waxan isku dayaynaa inaan ka dhuumano, laakiin yaynaan dhuumanin ee aan xal doono. Waxan u baahanahay in dhibta inagu kaliyaysatay la inaga caawiyo, waxan u baahanahay in dadkeena xeebaha dagan la caawiyo iwm, markaa yaynaan ku doodin inaan wadamada jaarka ula simannahay.

Qodobka labaad, shirku maaha mid Somaliland iyo Somalia lagu wada hadashiinaayo oo sidaas weeye, laakiin arinta wadahadalka Somaliland yaanay ka baxsanin ee waa inay iyadu dalbato in la wada hadashiiyo, cidii hadalka diidaana caalamku ka war qabo. La isma khasbaayo, kol hadii aan khasab jirina wixii soo hadhaa waa wada hadal, hadalkiina Somaliland waa inay dalbataa iyada ayaa wax ka maqanyihiin. Qolada TFG du waxay doonayaan inaan Somaliland shirkaas imanin sida la sheegaayo, laakiin Somaliland wa inay timaado, oo waliba dalbato in la wada hadlo.
Qodobka sadexaad, isagu wuxu u muuqdaa uun mid lagu seexinaayo ra’yul caamka Somaliland, kooxaha Soomaalida aad baanu uga fogaanaynaa micno siyaasadeed iyo mid qaanuun toona kuma jiro. Dadka shirka ka qayb galaaya oo dhami maba kala foga oo waa dad hal dhisme ku wada jira! Markaa isaga qodobkaas ugu dambeeya waan iska dhaafayaa.

Isku soo wada duub, Somaliland taladii tolmoonayd bay qaadatay, waxay se su’aashu ka joogtaa sidee bay Somaliland badeecadeeda u iib gayn doontaa? Qolada TFG du waxa iyaga u daran, dawlada UK iyo cid kastana ay rabaan inay ku qanciyaan sidii looga caawin lahaa (koow) inay xiliga ku meel gaadhka ah ka baxaan oo dawlad rasmi ah u gudbaan, iyo (laba) in wixii August 2012 ka dambeeya iyo ka horba taageero lala garab joogsado.

By M. Harun – mbiixi@gmail.com.

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>