Markasta oo cidi ka hadasho siyaasadda iyo sida ay xukuumaddu u maamuleyso geedi socodka masiirka umadda, waxa jira dad kale oo u jawaaba oo ku doodaya in la is dejiyo oo

talada loo daayo dadka xukunka loo dhiibtay oo dawladda la aamino. Dadkan jawaabaya waa ka daacad oo sida ayay rumeysanyihiin, inkastoo badhkood ay cadifad isir ay ku ladhantahay. Waxa kale oo ay dakaa jawaaabayaa ku doodaan in dadka maamulka dalka hayaa ay yihiin dad aqoon iyo waaya aragnimo leh oo aan arrin si dhib yar uuga khaldameyn. Taa mid la mida ayaad ka maqleysaa marka taageerayaasha axsaabta mucaaridku ammaanayaan xisbigooda iyo siyaasiyiintiisa.

Markan shakhsi shakhsi u eego dadka maamulka u haya dalkeena iyo axsaabteenaba, waxa an rumeysanahay iney intooda badani aqoon leeyihiin iyo iney leeyihiin waaya aragnimo ku filan. Waxa kaloon rumeysanahay in madaxdu, sida madaxweynuhu iyo madaxda kaleba ay leeyihiin khibrad iyo waaya arragnimo aad u sareysa. Taasi marna shaki igagama jiro. Balse, waxa jira waxyaabo badano o kugu kelifaya inad markasta feejignaato oo ad wax sheegto, wax dhaliisho, talo ka bixiso, anteenaduna kuu taagnaato marka ad aragto iney wax qaldanyihiin, dhiiri geliso oo ad amaanto marka wax wanaagsan la qabto oo aanad noqon mucaarid indho la’ iyo muxaafid guul wade ah.

Intii axsaab iyo nidaam siyaasadeed ina soo marey waxa uugu xoog weynaa UDUB. Wuxu ahaa xisbi uu aasaasey Mohamed Ibrahim Cigal (AHUN). Waxa xisbiga ka tirsanaa dad aad u kala duwan oo guurti leh, aqoonyahayn leh iyo bulsho deegaamo  kala duwan oo bari iyo galbeed iskaga yimid oo sawirka xisbiga ka muuqdey. Xisbigu wuxu dalka soo xukumayey dhowr iyo toban sanadood oo isdaba joog ah. UDUB waa xisbigii hirgeliyey dimuqraadiyadda dalka maanta ka jirta.

Markii la isku qabqabsadey xisbiga UDUB kal hore, waxa uu ku baaba’ay xisbigii muddo maalmo ah. Maaha oo mkeliya inu baaba’ay xisbigii ee waxa uu noqdey wax aan raad laheyn oo aaney inaba muuqan wax calaamad ah oo muujinaya inu beri  jirey xisbi la odhan jirey UDUB. Waxa soo baxdey in magac mooyee inaanu aheynba wax jirayba. Laba nin ayaa ku murmey, maalmo ka bacdina sidii xunbo gudhey ama qiiq hawada galey ayuunbaa mar keliya la waayey xisbigii UDUB. Dukaan yari haddii uu kaco calal aqal waxa ka hadha alaabo wixii dhexyaaley oo la xaraashi karaa. Shirkad haddii ay kacdana, waxa mudoo dheer la arkaa iyada oo hanti badano o ay laheyd la xaraashayo.

Xisbiga UDUB ee intaa dalka soo xukumayey mabuu laheyn wax hanti ah oo ma guurto ah oo buuran oo laga dhaxley, sida gaadiid, daaro, xafiisyo, lacag bangiyada u taala, warshado. Xitaa waxa aanu laheyn nidaam adag oo kale oo haddii laba nin isku qabsatey ku yidhaa bal dhinacaa noo dhaafa oo meesha ka wareega.

Dadkii xisbiga hogaaminayey iyo intii ka shaqeyneysey si dhib yar uunbey iska kala dhaqaaqeen sidii wax aaney  jirinba markii horeba. Qaar inta ay reerohoodii iska kaxeysteen ayay qurbaha u dhoofeen. Qaar kale qaxooti ayay dalbadeen. Qaar meherado ay reerahooda ka masruufaan ayay furteen, intii soo hadheyna xisbiyaddii ay bulshada deegaanada ay kasoo jeedaan ka dhex muuqdeen ayuunbey ku biireen. Hadda waa xisbigii dhowr iyo tobanka sanadood dalka soo waddey ee 4 malyuun ee Somaaliland ka soo jeedaa ay ku qanacsanaayeen inu horumar iyo ictiraaf dalka u keeni lahaayeen.

Su’aashu waxa ay tahay, xagee loo raacayaa mas’uuliyaddii uu xisbigu dalka u hayey 15 sanadood ee uu dalka ka talinayey? Markaad se iminka dib u raacdo eed isweydiiso ma waxan ayaa dalka 15 sanadood lagu aaminey oo an fileyney iney Tony Blair iyo George Bush la soo gorgortamaan oo ay ku qanciyaan in dalkeena la siiyo ictiraaf. Haddaad dib u raacdo xil wareejintii ay sameeyeen madaxdii xisbiga UDUB ee wasiirada lahaa, waxay aheyd xil wareeejin ka hadleysa tirada shaqaalaha, qalabka wasaaradda dhexyaal, gaadiidka IWM. Lama soo bandhigin halka ay marayso siyaasadda dalka, waxa u qorsheysnaa 5 sanadood iyo 10 sanadood ee soo socda, halka uu marayo geedigii lagu gaadhi lahaa haedafkii loo direy iney dalka gaadhsiiyaan oo ahaa iney ictiraaf keenaan.

Anoon waxba ku sii fogaan UDUB, waxa muhiim ah in la ogaado iney jiraan arrimo aasaasi ah oo xisbiga UDUB kaga horeeyey xisbiyada maanta jira. Xisbiga UDUB kumuu saleysneyn deegaan gaar ah, in kastoo aanu ka madhneyn inuu u badnaa deegaano gaar ah. Waxa uu u ee kaa xisbi qaran oo dadkoo dhami iska dhex arkayaan. Axsaabta maanta ka jirta dalku aad ayay uuga liitaan UDUB marka ay timaado tiirarka ay ku taagan yihiin. Xisbi tiir deegaan ku taagan talo deegaan kale uunbuu ku burburaa. Axsaabta jirtaa malaha nidaam (institutions) rasmi ah sida hanti maguuraan ah oo aan aheyn ama ta dawaladda ama ta deegaanada  soo urunayaan.

Haddii xisbigii UDUB sida dhibta yar ku buruburey, maxaa diidaya in kuwa iminka joogaan ay si dhib yar ku burburi karaan. Haddiise ay taasi dhacdo yaad u raaceysaa qadiyaddaadii iyo taladii dalka. Sidaa maanta aynaan u heyn cid loo raaco taladdii dalka 15 sanadood ee UDUB hayey, ayey iminkana u dhici kartaa in mar keliya uun wax is rogaan.

Xisbiyada maanta joogaa aad ayay uuga tirar liitaan UDUB, gaar ahaan 5 tii sanadood ee UDUB u horeysey, waa intii aanu ku dhex milmin dawladda. Xisbiyada maanta jiraa waxa tiir u ah qabiil aan biyo is marin, adigu magaca ad doonto ku sheegoo. Anigu waxa an rumeysanahay “Labadii deegaan Isku Raacdaa, deegaan uunbey Ku Kala Hadhaa”. Xisbiyada maanta dalkeena ka jira qaar ayaa taageeradoodu ku fadhida hal ama laba deegaan oo aan kuba talo gelin iney taageero muuqata ka helaan belo kale. Halka qaar magac lehi ay maanta ku burburi karaa laba nin oo madaxdooda ah oo is qabsada oo ay dhici karto inu xisbigu dhamaantii baaba’o sidii UDUB oo kale.

Khasab maaha inu xisbi jiritaankiisu ku xidhnaado inu doorashada helo oo uu dawladda soo dhiso. Addunyada waxa jira axsaab muddo dheer soo jirey oo haddana aan weligood doorashada helin balse haddana ah xisbiyo macne badan uugu fadhiya dalalkooda. Axsaabto waa muraayadda aqoonta maamulka iyo dimuqraadiyadda. Waa sawirka muujinaya dawladnimada umadi leedahay. Markaa maaha oo keliya in axsaabta loo arko madal laga ololeeyo, ee waa in loo arkaa oo loo dhisaa iney yihiin goob aqooneed oo wax ku soo kordhisa horumarka waddankooda.

Wey jiraan dad wax dhaliilaya, gaar ahaan dawladda dhaliilaya, oo ay ka tahay mucaaridad indha la’ ama canaad. Wey jiraan qaar iyaga oo an wax u fiirsan soo qadima dhaliisha balse aan wax badan ka sheegin wanagga. Balse waxa jira in badan oo ama wax dhaliileysa ama talo soo jeedineysa oo ay ka tahay wax wanaaji oo lexejeclo kale leh wanaagga waddankooda. Waxa jira qaar badan oo dhowr iyo toban sanadood dhageysanayey siyaasigii iyo madaxdii UDUB oo lahaa dawladda ayaa waddanka iyo mustaqbalka gacanta idiin ku heysa ee ka seexda oo aroor keliya soo toosay xisbigii oo sidii qiiqa hawada galey oo la waayey. Qofka sawirkaasi u muuqdo, waxa uu ku qasban yahay inu hadh iyo habeen feejignaado oonu hadal siyaasi yidhi oo keliya ku qancin.

Bile-Aqoonta U Adeegta Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *