qoraalSida aynu wada ogsoonahay waxaa dhawaan midoobey shirkadihii laydhka ee magaalada burco  kuwaa soo laga dhigey shirkad kaliya oo la magac  baxdey HECO hadaba

 

ujeedoooyinka ka danbeeya midawgan shirkadaha laydhka  ayaa  ah  shirqool la doonayo in lagu dhagro shacabka weynaha reer  togdheer  waxaa kasii daran iyadoo durbadiiba ay shirkada HECO bilawdey hadimooyinkii shacabka ee loogu midoobey kuwaas oo aaney suurto gal ahayn markii hore laakiin hadda maadaama aaney jirin shirka kale oo laydh, oo hadda kooto ku haystaan laydhka magaalaada burco  ay suurto gal tahay in la fuliyo arinkas oo ay doonaan
waxyaabaha ama dhibaatoyinka horta leh
WAXAA KAMIDA:-
1.       In la bedelo saacadihii Germany ga ahaa ee mudadada 10 sano ah u xidhnaaa  oo laga bedelayo dhamaan guryihii magaalada

Waxay HECO durbadiiba bilawdey iin ay ka jaraan xaafadaha magaalada dhamaan saacadihii Germany ahaa (ORIGINAL) ahaa iyadoo dadkii lagu qasbey iney xidhaan saacado CHINES ah oo ay ka  dalbadeen chine kusaas  oo ah saacado khalkhal ah  isla markaana qoraaya UNITS aad ubadan  si gaar ah loogu soo sameeyey shirkada HECO iyogoo lamidoobey dukaamo magaaalada ah oo ay dhiiban saacaahadan si looga iibsado

2.       Lugooyada shacabka oo badatey iyadoo dadkii saddex xafiis ku dhex jaahwareereen

Waxaa hoos udhacay adeegii ama service kii shacabka  ee shirkadaha laydhku usamayn jireen dad weynaha maadaama  uu laydhkii isu bedelay kooto waxaa muuqata in aan wax dan ah laga laheyn dadka  oo ku dhex jaahwareerey sadex xafiis oo midba mid ku riixayo iyo dadkii oo aan si fiican loo qancinayn.

3.       1500 oo guri oo laga jarey adeega laydhka  muddo 3 bilood gudahood sabab la,aan.
Muddo aad u kooban ayaa waxaa lagaga jarey guryo gaadhaya ilaa 1500 oo gurri sabab tuna ay tahay in ay saacadahoodiii hore ku  bedelaan  markey waydiiyeen  sabab looga jarayo saacadihii horena loogu jawaabey in adeegii laydhka laga jarro.
4.       Caggo juglayn joogto ah.
Maadaaama ay dadka reer soomaliland ay yihiin dad masaakiin ah oo aan ahaysan dhaqaale badan noloshooduna ku tiirsan tahay xoolaha iyo biilka laga sooo diro qurbaha kuwaas oo aan kafaynayn nolosha dadka reer Somaliland waxaa jirey in aan waxba haysan had iyo goor lagu yeesho hadhaa taas oo ay hadba siday ukaran u bixiin jireen waxaaney lagu yeelan jirrey macaamiisha lacag udhexeysa $15 ilaa $150 waxay shirkandan HECO ku qasabtey in lacagtii lagu lahaa ay dhamaan soo bixiyaan hadii kale laydhka laga jarayo sida ugu deg degga badan.
Abdi Sugaal
sugaal47@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *