Hargeysa(ANN) Alla Haw naxariistee waxa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa Marxuum Jaamac Gaas Macaawiye oo ahaa siyaasi caan ka ah geyiga soomaalidu degto, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii  dawladii burburtay ee Somalia iyo Somaliland. Waxaana

 

marxuumka lagu aasi doona magaalada hargeysa maalinta beri 16 July 2011.
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Tacsi u dirayaa Dhamaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somaliland-ba oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid  Marxuum  Jaamac Gaas  Macaawiye  oo ahaa Masuul Xukuumadihii Qaranka JSL, ka soo qabtay Xilal kala duwan oo dhawr ah oo ku Geeriyooday Dalka laguna aasi doono maalinta beri ah Hargeisa.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Inaa- lilaah wa inaa ilayhu raajucuun.

Taariikh nololeedka Marxuumka haddii ay noo suurta gasho gadaal ayaan kasoo gudbin doonaa insha
Maamulka iyo hawlwadeenada Shebekada Araweelonews waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo asxaabtii uu ka abaxay Marxuumku iyo shacbiga Somaliland geeridaa ku timi marxuumka, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu jannadii ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo Inaa- lilaah wa inaa ilayhu raajucuun.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *