Hargeysa(ANN)Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland C/laahi Cukuse ayaa lagu Eedaynayaa inuu lahaa inta badan Fadeexadihii ay wariyayaashii u raacaay Koonfurta Suudaaan u soo diri kari waayeen wararkii loo diray iyo Ictiraaf raadintii ay Xukuumadu lahayd way nagala qayb

qaadanayaan.

Xogaha ka soo baxaya safarkaasi ayaa sheegaya in ay xukuumaddu wariyayaasha u qoondaysay lacago ay isku maamulaan inta ay hawshaas ku jiraan, waxaanay u qaybisay laba qaybood oo midkood kaash gacanta looga dhiibay ahayd oo uu si hagar la’aan ah gacanta looga galiyay taas oo dhamayd sida la sheegay $10,000 halka ta kale ay ahayd mid si gaar ah Cukuse loogu dhiibay si uu ugu sameeyo ama uga iibiyo wixii qalab ama agab ah ee ay u baahan yihiin wariyayaasha iyo weftiguba.

Lacaagtaas loo dhiibay Cukuse oo aan qadarkeeda si rasmi ah loo ogayn ayaa la sheegayaa inaanay wariyayaasha waxba ka soo gaadhin marka laga reebo Garamaan iyo Calamaan yar yar oo aanu qiimahoodu gaadhayn wax ka badan $500, kuwaasi oo uu ka sii sameeyay Jabuuti si aan Hargeysa loogu ogaan qiimaha alaabta uu sameeyay.

Sida aynu la wada soconana Hargeysi maanta waa magaalo xaga madbacadaha Xayaysiisyada sameeya meel fiican ka gaadhay, inta la ogyahayna waxa ku yaala sadex madbacadood oo kala ah Sagal, Asal iyo Tayo, kuwaasoo samaeeyay dhamaan noocyada xayaysiisyada haday noqoto boodh, garamaan, Koofiyado iyo Calamaaan kuwaasoo qiimaha aay ku sameeyaan yahay kuwa ugu jaban wadamada aynu jaarka nahay.

Taasoo ay ahayd inaan lala garab marin maadaama aay dalka kaa jiraan cabashooyin la xidhiidha dhinaca ganacsiga oo lagu xanto xukuumadda talada haysaa inay uga sii dartay isla markaana ay fursadaha jira ee ay hayso cid gaar ah uga faa’iidayso.

Dhaqaalaha loogu dhiibay Af-hayeenka inuu ku sameeyo Alaabahaasi oo sida aynu soo sheegnay aan la garanayn inta uu leekaa iyo waxa uu ka sameeyay inta ay ahayd ayaa la sheegayaa qaybo ka mid ah inuu u isticmaalay safarkiisa oo ay ku baxday lacagta Diyaarada uu u raacay jaabuuti iyo Hudheeladii qaaliga ahaa ee ay galeen isaga iyo Guddoomiyaha wargeyska Haatuf oo ku wehelinyay socdaalkaasi halka ay Xukuumaddu kharash kale kaga bixisay Diyaaradii ay kiraysatay ee u gaarka ahayd oo ay labadoodaa kursi u sii banaanaayeen. Sidoo kale waxa la sheegay inuu Af-hayeenku intii uu Addis-ababa joogay lacagahaas u isticmaalay dhaqan xumo Sumcadii Somaliland dhaawac gaadhsiisay.

Dhamaan intii uu hawlahan oo dhan ku jiray waxa baaqday hawlihii looga baahnaa inuu sii fuliyo maadaama sababta ay isaga iyo wariyayaashu weftiga u raaceen ay ahayd in ay wararka ka soo tabiyaan isla markaana sida ay Xukuumaddu ku doodaysay ay ahayd inay wufuuda Caalamiga ah ee Xafladaasi imanaysay ay ka dhaadhiciyaan Somalilaand iyagoo aadeegsanaya Mihnadooda Saxafinimo hase yeeshee waxaas oo dhami may dhicin waxaanay dhamaantood weftiga Somaliland wada gaadheen mar kaliya.

Taasina ay sababtay in ay dhamaantood si habqan ah u tagaan magaaladda Jubba oo cid kastaa ay diyaarsatay hawlahoodii haddii ay noqon lahayd meelihii ay istaagi lahaayeen iyo hadii ay noqon lahayd qalabka ay wararka ku soo diri lahaayeenba sida Internetka ay imika ku mar-marsoonayaan inaanu ka jirin Koonfurta Suudaan, maadaama ay qaarkood horeba u tageen oo ay ogaayeen waxyaabaha ka hor imanaya ee loo baahan yahay.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Somaliland oo ay warbaahinta qaarkeed hore u qoreen inay guul daro kala soo kulmi doonaan xafladaasi iyagoo u arkayay sida ay Xukuumadda iyo Cukuse u maamuleen hawshaasi inaanay ahayn sidii saxda ahayd gaar ahaana xafladda oo aan ahayn mid lagu soo casuumay Madaxweynaha mooyee cid kale ayaa waxa looga baahan yahay inay dib u saxdo qaladaadka aay gashay isla markaana talaabo cad ka qaado khaladaadkii dhacay cida keentay.

xigasho Waaheen
Araweelonews Mobile  Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *