Bare iyo Barbaarshe: Marxuun muuse cabdi cilmi samatar Qallinkii : Maxamed Siciid Gees

Geeridii Xirsay sheegayaan gacal ha waayeene

Weligiiba rag waa go’i  jiree ,tanise waa gaar eh.

“Haddii Koonfurta Suudaan iyo Eratariya Madax-bannaani Heleen, Somaliland-na Way Heli Doontaa” Warbixin  Lagaga Hadlay qaabkii Bulshooyinka Somaliland iyo Koonfurta Suudaan loola macaamili jiray Iyo Fursadaha Aqoonsiga Somaliland

Markii aan bartay Marxuum Prof. Muuse Cabdi Cilmi Samatar sannadkii 1959, inkasta oo aannu isku xaafad ahayn, haddana  laba dugsi ayaan ku kala  jirnay , anigu waxaan dhigan jirey dugsiga Sheekh Bashiir  isna Biyo -dhaca . Waxa iskaaya baray Cumar Mohamed Aadan xirsi (Cumar Waraabe ). Xirsi waa ninka uu Cali Jaamac Haabiil gabygan calaacalka u tiriyey markii geeridiisa loo sheegay, kaas oo aan ku soo halqabsaday markii geeridan naxdinta leh aan maqlay.

Prof.  Muuse wuxuu  sannadkii 1968kii ka soo baxay dugsiga sare ee Camuud oo waqtigan  ah Jaamacadda camuud, waxa uu sidoo kale ka qallin-jebiyey kuliyaddii Lafoole sannadkii 1973kii, isaga oo bartay, isla markaana ku takhususay maadadda xisaabta , waxaannu waxbarashadiisa ku soo siyaadsaday Jarmalkii Bari iyo dalal kale.

Prof. Muuse Cabdi Cilmi Allaha u naxariistee, waxa uu ahaa aqoonyahanadii wax ka qoray buggaagtii manaahijta xisaabta ee dugsiyada Soomaaliya, waxaannu xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaaraddii Waxbarashada ee Soomaaliya.

Meelaha uu ka soo shaqeeyey Allaha u naxariistee Prof. Muuse Cabdi Cilmi Samatar, waxa ka mid ahaa Degaanka Qardho oo uu  macallin ka ahaa dugsiga sare ee Qardho, waxa uu sidoo kale noqday kormeeraha Burco ee Gobolka Tog-dheer, halkaas oo uu ku guursaday.

Sidoo kale waxa uu noqday Guddoomiyaha waxbarashada Merka ee Gobolka Shabeelada Hoose, xilalkiisaas ku wejehan waxbarashada uu xilalka Guddoomiyaha Waxbarashada kaga soo qabtay Bu’ale  ee Gobolka Jubbada Dhexe. Marxuumka oo jagooyinka uu qabtay ay waxbarashada u badnaayeen, taas oo la odhan karo waxa uu ahaa khabiir waayo-aragnimo badan u leh dhinaca tacliinta, waxa uu ahaa Guddoomiyaha Waxbarashada Kismaanyo.

Waqtigan uu geeriyooday waxa uu ahaa Guddoomiyaha Jaamcadda Hargeysa, waxa uu noloshiisa inta badan u huray in uu dhallinta iyo ubadka Soomaaliyeed wax baro, isla markaana barbaariyo. Arrintaasi la yaab ma laha, sababta oo ah waxa uu ka soo jeeday qoyska Reer Samatar Fure oo raad weyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.

Waxaa mudan imisa macallin iyo siyaasi ayaa qoyskan ka soo baxay, halka dadka kale sigaar iyo jaad ka ganacsadaan, iyagu axay bilaabeen rugta buuggaagta iyo wargeysyada ee Samater’s Bookshop ee Hargeysa iyo Xama, sidoo kale soddonaadkii waxay ka bilaabeen Madarasadii Al-shabaab ee uu lahaa Aw Cismaan Ismaaciil Samatar oo aabbahay Siciid Maxamed Gees wax ka bartay. Dhammaan qoyskani sida Yuusuf Ismaaciil Samatar ( Gandi ) ,Cali Maygaag Samatar , xasan Meygaag Samatar , Cumar Meygaag samatar , Profossor Ibraahim Meygaag samatar, waxay ka soo qaybqaateen xorriyad doonkii iyo halgankii,  sidoo kalena waxay xilal wasiirnimo ka soo qabteen dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliyeed.

Waxa la yidhi markii uu Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka soo baxay jeelkii Labaatan jirow ayuu dad weydiiyey; “Waar qoladii Samaterisku ma ku jiraan SNMta, markaas ayaa la yidhi dhexda ayey u fadhiyaan, markaas ayuu yidhi haddaa Afweyne kabtii ma yeelna.”

Marxuum Prof. Muuse halkaas ayuu ka soo jeeday, isagu wax auu noloshiisa ku dhammaystay inu udhallinta yaryar nuurka cilmiga gaadhsiiyo, hore ayaa loo sheegay inuu macallinku yahay shamac wax ifiya isna gubta. Markii aannu ardeyda ahayn, isaga ayaa na ururin jiray had iyo jeer hoggaamiye ayuu u ahaa saaxiibadii, maadaa uu ka soo jeeday qoys reer magaal ah, had iyo jeer jeebkiisu ma madhnayn isaga ayaa wax na siin jiray waxaannu ahaa deeqsi nin deeqsi ah ayaa gabay ku yidhi; “Waxaan lumiyo iyo wixii aan ku loofaro iyo wixii aan ku laystaamo, waxa looxa maxfuudka iigu qorn inaan ladnaadaa eh.”

Aqoontiisa waxa uu dheerayd oo uu ku darsaday abwaanimo oo isma sheegi jiren ee hal-abuur ayuu ahaa, keligiina riwaayadu alifay, waxaannu ahaa qaamuus taariikhda iyo dadka Soomaaliyeed kaydiya oo wixii la garanwaayo la weydiiyo.

Bishan toddobaad maalintii Khamiista waxa uu martiqaad u sameeyey 14 qof oo ka mid ahaa fasalkii ay ka wada qallin-jabiyeen Jaamacaddii Lafoole 1973kii, waqtigaas oo laga joogo iminka 40 sannadood, markii geeriydiisa aan maqalnay waxay in badani tidhi waa kii ina macasalaameeyey.

Ilaahay ha u naxariisto Muuse Cabdi Cilmi Samatar Fure, adoon fiican ayuu ahaa, anigana saaxiibkay ayuu gaar ahaa, eheladiisii, ardeydii, Jaamacadda Hargeysa, iyo dhamman qaranka Somalind samir iyo iimaan ha ka siiyo….aamiin…aamiin….

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *